Jaceylkii Jeelka – W/Q: Aadan Daahir Cabdillaahi

0
PropellerAds
Jaceylkii Jeelka – Waa Qiso dhab ah – 1954-kii waxa maxkamad dalka Masar ku taalla la hor keenay Duuliye: Maxamed Cali Al-shanaawi oo ahaa sarkaal baylood ah. waxa lagu soo eedeeyay in uu isku dayay rididda diyaarad uu madaxweyne Jamaal Cabdi Naasir ugu safrayay Degmada Aswaan oo uu isagu duuliye ka ahaa. Dil baa lagu xukumay, hasa-yeeshee markii danbe ayaa laga fududeeyay, looguna beddelay xabsi abadi ah. Al-shanaawi waxa uu xilligaas dhalay gabadh yar oo hal sano iyo badh jirta.

Jeelkii lagu xidhay Al-shanaawi waxa isaguna ku xidhnaa nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Maxamed. Denbiga uu Maxammed ku eedaysnaa waxa uu ahaa in uu ka tirsan yahay ururka “Ikhwaanul Muslimiin” ee dalka Masar ka jiray, imikana ka jira. Maxamed waxa uu guddoomiye (Dean) ka ahaa kulliyadda Caafimaadka xoolaha ee jaamacadda Asyuud. Jaceylkii Jeelka1965-kii baa la soo xabbisay. Shaqadiisii jaamacadda waa laga joojiyay, waxana lagu xukumay 15 sano oo xadhig ah. Rag badan oo ka tirsaanaa ururka “Ikhwaanul Muslimiinka” ayaa la la xidhay. Raggaas waxa ugu magac waynaa Sayid Qudub. Jeelka rag baa loo dhisay, waxa se xadhigga u dheeraa: garaacid, jeedal, jidh-dil iyo af-lagaaddo. Ey bahalawday oo jeelka joogtay baa hadh iyo habeen lagu diri jiray. Miciyo seef ah iyo ciddiyo dhaadheer bay cadka ka dusiyaan oo lafta ku qotomiyaan. Xanuunka iyo ciqaabta arxan-darrada ah waxa uu kaga samri jiray in uu dar Ilaahay u maray. Habeenna u muu nuglaanin nabarradii ku dhacayay. Mar kasta oo ciqaab kulul la mariyoba waxa uu u qayshan jiray oo gurmad iyo gargaarba weydiisan jiray Ilaahay, iyaguna waxa ay ugu jawaabi jireen erayo jidh-dilka iyo nabarradaba kaga xanuun badnaa. Waxay ku odhan jireen “Ilaaha aad sheegaysaa haddii uu soo dego, waannu xidhi oo weliba sidaadan oo kale u garaaci doonnaa, waxna kuu qaban maayo”. Ereyadaasi waxay ahaayeen kuwo dab kaga kululaa, dhib kastana kaga darnaa. Gaal ha joogee, waa erayo halaag ah kolka ay qof Muslin sheeganaya afkiisa ka soo baxaan. Waa ciqaab nafeed oo caqiidadiisa lagu hor aflagaaddeeyay. Eraydani waxba ka ma sokeeyaan weedhihii gefka ahaa ee Fircoon. Maxamed, jidh ahaan iyo jaah ahaanba wuu is beddelay. Maxamedkan aan ka sheekaynayaa, waa Maxamedkee? Ma Maxamed Mursi baa? Ma Maxamed Qudub baa? Maya. Waa Maxamed Badiic. Oo waagii danbe noqon doona Murshidka Guud ee ururka “Ikhwaanul Muslimiinka”. Waa Murshidkii guud ee ururka ilaa xilligii Maxamed Mursi madaxweynaha noqday. Kolkii xukuumaddii la soo doortay ee Mursi la af-gembiyay ayaa la xidhay, oo hadda isaga iyo Maxamed Mursiba way wada xidhan yihiin. Dil baa lagu xukumay, in kasta oo la filayo in xabsi daa’in looga dhigo.
Aadan DaahirWaxa la galay 1974-kii. Inantii yarayd ee uu dhalay Al-shanaawi ee uu ka yimi iyada oo naaska jaqaysa, waa tan iyada oo 21 jir ah jeelkii timid. Waa gashaanti aan isha gayaankeedu il-bidhiqsi ka jeesanayn. Askartii jeelka iyo maxaabiistuba si waalan bay ugu soo maqan yihiin. Intooda badan iimaan la’aan baa wadda oo si anshaxa ka baxsan bay indhaha ugu fogeynayaan. Aabbaheed bay soo booqatay, kolkii ay cabbaar la joogtayna way ka laabatay, iyada oo wajigii aabbaheed ku soo indho-kuulatay isaguna uu ku indho-doogsaday. Dhanka kale, waxa ay ka niyad xumaatay nolosha aabbaheed ku jiro iyo sida uu jismigiisu isu dhalan rogay, isaguna waxa uu ku farxay sida ay inantiisi u weynaatay iyo sida aanay dayac u arag. Waa laba dareen oo dhanna iskaga mid ah, dhanka kalena ku kala geddisan.
Maxamed Badiic wuu arkayay in saaxiibkii gabadhi u timid. Waa uu la socday sida edaabta iyo anshaxa leh ee ay u socotay ama u hadlaysay. Quruxdeedii guud ka muu indho la’ayn kamana ay qarsoonayn. Wallow aanu sidii kuwii hore daymo daneysi ah iyo qalbi wasakhaysan ku fiirinin, haddana wuu u bogay. Weligii gabadhi sidaas oo kale maskaxdiisa u ma ay dhex mushaaxin oo maankiisa may qabsan, ha yeeshee, maanta jaceyl maqiiqan baa dhex muquurtay oo qalbigiisa ku libdhay. Garay in inanta uu saaxiibkii dhalay oo ay soo booqatay. Haddii aynnu dareenkiisa dhex galno, ma laga yaabaa in uu hoos ugu gunuunucayay erayo af Carabi ah oo xagga macnaha maansadan hoose shaabaha.
Dhal wadaad la moodyeey,
Indhahaa ku dhaygagay,
Dhabannada hillaaciyo,
Dhoolla-ka-qosolkaagee,
Dhaqaaq-joogsigaygaa,
Dhallaanku ila yaabaa.
Bal qiyaas nin sagaal sannadood xidhnaa, oo weliba jidh-dil u dheeraa. Inta uu caday ka dhuubtay ayaa dhibaatada dhafoorkiisa laga akhrisanayaa. Shilin kiishkiisa ku ma jiro oo dhaqaale ahaan waa eber, meelna wax kuma oga. Lix sannadood oo kale ayaa uga hadhay muddadii lagu xukumay. Dheer oo dhib leh. Inantan uu caashaqay waxa dhalay nin sirtiisa iyo caadkiisaba og. Wuu dareensan yahay in ay gabadh ugub oo curdin ah tahay, oo ay nolol roon iyo mustaqbal raaxo leh rabto. Waxaas oo dhan u muu joojine, inta uu dhabar-adaygay ayuu si dhiirranaan ah Al-shanaawi ugu yidhi “inantaada ii guuri!”. Al-shanaawi oo yaabban, dhanna waxan uu maqlayo u qaadan la’ ayaa si kedis ah ugu jawaabay: “waa sax, laakiin adigu waad aragtay, iyadu se ku ma ay arkin, waa in ay ku aragtaa oo aynnu ra’yigeeda iyo go’aankeeda ogaannaa”. Si kalsooni leh ayuu Maxamed Badiic jeebkiisa uga soo saaray sawir laga qaaday intii uu xidhnaa, saaxiibkiina u sheegay in uu sawirkan inantiisa siiyo, sidaasna ay go’aankeeda ku soo caddeyso. Waa sawir caato, ciqaab iyo ciil ka muuqdo oo aan ku habboonayn in jaceyl lagu godlo ama qalbi gabadheed lagu soo jiito. Al-shanaawi oo garan la’ inkaartan inankii heshay ee lalminaysa ayaa si talo ah ugu yidhi “Waar sawirkani ma fiicna oo xaalad xun baa ka muuqatee, ma ka deynnaa?”. Maxamed Badiic se wuu ku adkaystay in sawirkan inanta loo gudbiyo, waxana uu yidhi “Waxa aan rabaa in ay xaaladdeyda dhabta ah iyo duruufta aan ku noolahay igu jeclaato, oo ay ogaato in aan qalbigayga oo kali ah hayo”. Sidaas buu Al-shanaawina ka oggolaaday. Waxa lagu heshiiyay: in booqashada soo socota, inanta sawirka loo dhiibo, booqashada ku xigtana go’aankeeda ay soo caddeyso, haddii ay aqbashona, qoyska Maxamed Badiic arrinta loo sheego. Waa hawl waqti, fikir iyo go’aan u baahan. Nasiib-wanaag se, ninkii Al-shanaawiba waa la cafiyay. Maalintiiba jeelkii wuu ka baxay oo la sii daa, saaxiibkiina waxa uu ugu bushaareeyay in uu inantii guriga ugu tegi doono, sawirkana u geyn doono, kadibna jawaabta uu ku soo celin doono.
Maxamed Badiic wuu sugi kari la’ yahay jawaabtii. Ololka xiiseha ee laabtiisa gubayay ayuu habeen oo dhan ka seexan la’ yahay. Jaceylka ugubka ah ee wadnihiisa gilgilay buu maalintii ka nasan la’ yahay. Wax la sugo war baa u gaajo kulul. 15 cesho kadib ayay “Sumaya” jawaabtii iyo go’aankeedii soo gudbisay. Aaaaah! Toloow maxay noqon? Waa wiil dhibaato ka muuqato, jeel buu ku jiraa, lix sannadood ayaa u hadhay, bar xoolaad laguma oga, sidoo kale waa barasho kedis ah. Maxaa laga fili karaa? Wax laga filoba, Sumayi oggolaatay Maxamed, waxayna ku ballan-qaadday in ay sugi doonto inta uu jeelka ka soo baxayo. Maxamed, haddana farxad buu habeenkii la ledi waayay, maalintiina hadalkeed daa.
Dharaartii danbe, ayay aabbihii iyo hooyadii jeelka ku soo booqdeen. Arrintii buu u sheegay. Hooyadii way u beer-jileecday, aabbihii se wuu u qaadan waayay “waar Aabbe, xaaladda aad ku sugan tahay waad og tahay, xoolo meel innooguma xeraysna, xataa marka aad soo baxdo shaqo kuu sii diyaar ahi ma jirto. Midda kale, waa gef in gabadh yar oo calaf-doon ah waqtiga laga halleeyo oo ay lix sanno ku sugto, hadhowna sida ay wax ku dhammaan Alle og yahay” calaacalkaas buu odaygi oodda ka soo qaaday oo inankii ku hafiyay. Miyuu warkaas iyo walaacaasiba ku socdaa, waa nin daaqad jaceyl ku furan tahay oo duniduba u qoslaysee. Dood iyo lafa-gur dheer kadib, hooyadii ayaa odaygii ku qancisay in talada inanka la qaato, waxana la isla afgartay in qoyskii xaaji Shanaawi la soo booqdo. Isla habeenkiiba, hooyadii iyo aabbihii baa booqasho ugu tegay qoyskii inanta. Waa la soo dhaweeyay, si fiicanna waa la isu soo dhaweeyay. Habeenkaas labadii waalid farxad bay ku seexdeen kadib markii ay soo xaqiijiyeen rabitaankii inankooda.
Subaxdii ayaa tilifoonkii guriga la soo wacay. Eebboow, war san iyo weedh san. Toloow warkan la soo kallihiyay muxuu yahay? Meesha laga soo garaacayaa waa xaggee? Ma jeelkii baa? Mooyi. Toloow miyay dileen, illeen waa niman bahalo ah oo wax waliba ka suuroobee? Ma wax kale ayaa dhacay? Alloow sahal. Odaygii baa isaga oo naxdini ku jirto tilifoonkii qabtay. Qoodh iyo xero, waaba inankiisii Maxamed Badiic oo soo socda, jeelkiina laga soo daayay oo la soo saamaxay. Farxad weynaa.
Waa arrimo layaab leh oo isku sidkan, waana mucjisooyin Rabbaani ah oo isku toos-toosan. Markii uu sawirka dhiibay, subaxdiiba Al-shanaawi ayaa la soo daayay. Galabtii ay aabbihii iyo hooyadii qoyskii inanta soo booqdeenna isagii baa la soo daayay. Wax waliba si fiican bay u socdaan.
Qoyskii Maxamed Badiic oo wada socda ayaa booqday qoyskii inanta. Si fiican oo farxad leh baa loo soo dhaweeyay, waxyar markii la fadhiyay buu Shanaawi yidhi: “Maxamedoow, orod hadda dhaadhac oo wadaad innoo doon, Ilaahayba waxa uu jeelkii innooga soo daayay in aad guursatee”. Taw buu yidhi oo wadaadkii soo qabay, inantiina halkii loogu meheri. Shilin la ma weydiin oo ma buu haysan. 30 shilin oo wadaadku ujuuro ahaan u qaatayna, aabbihii baa ka bixiyay. Markiiba inantii waa lagu soo daray oo gurigii aabbihii buu keenay. Isaga oo bishii aqal-galka ku jira ayaa jaamacaddii uu dhiinka ka ahaan jiray looga yeedhay, wixii loogu yeedhayna waxa uu noqday in uu shaqadiisii ku soo noqdo. Intaas oo kaliya ma ahee, waxa la soo siiyay kala-badh mushaharkiisii intii uu xidhnaa. Halkaas buu noloshiisii iyo shaqadiisii dib uga bilaabay.
Aadan Daahir Cabdillaahi
aadancadde2008@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.