Jabuuti – W/Q: Muna Axmed Cumar

0
32
PropellerAds
Jabuuti – Dalkan iyo caasimadiisa isku magaca ah oo aan in badan maqli jiray waanigan galabta dhex fadhiya ee dhex kuududa. Raadinta dhammaan wixii aan ka maqli jiray dalkan ayaan wali ku jiraa raadintiisa. Qaar waan xaqiiqsaday oo waan arkay qaarna wali ma hayo. 

‘Jabuuti waxa jira guryo ka samaysan sandaqado oo haddana isa saaran (Fooq)’ ayaa ka mid ahaa waxyaabaha aan maqli jiray. Jabuuti meel Guudka la yidhaa ayaa u qurux badan ayaa Iyana aan sii haystay. Sidoo kale dadka reer Jabuuti Faransiis ayay ku dhex daraan hadalkooda ayaa la ii sii sheegay. Si kasta oo ay tahayba kulayka ay Jabuuti iyo meel kasta oo xeeb ahi caan ku tahayba waxaan dareemay judhii aan diyaaradda ka soo degnay. In kasta oo uu madaarka gudihiisu aad u qaboobaa una naxariis badnaa haddana markii aan ka soo baxnay ayaan dareenay mar labaad kulaylka magaalada. Dadka reer Jabuuti in kasta oo ay u ahayd ama ay ku jireen xilligooda ugu qabow haddana aniga kulayl ayay ii ahayd magaaladu oo way ka kululayd xitaa marka ay Hargaysi ugu kulushahay. Waxaan xasuustay sheekadii ahayd ninkii carabka ahaa ee maqlay iyadoo nin aad u madow oo Soomaali ah lagu leeyahay Nuurow ee yidhi haddii Nuurkinu kan yahay kiina madoobina siduu noqon? Sidii oo kale ayaan niyadda ka idhi reer Jabuutoow haddii qabowgiinu sidan yahay kulaylkiinuna waa sidee tallow?!
Qof hadduu meel kale tago halkii uu ka yimid buu ka qiyaas qaataaye judhii markaan magaalada soo galnayba aniga oo ka qiyaas qaadanaya magaaladii aan ka imid ‘Hargaysa’ run ahaantii Jabuuti aad iyo aad bay uga muuqaal qurux badnayd Hargaysa. Wax kalena maaha waa waddooyinkeeda waafiga ah isla markaana dhisan ee aan jajabnayn. Waxaan ogaaday in wadada si fiican u dhisani qayb laxaad leh ka tahay bilicda deegaanka. In kasta oo aanay Jabuuti ku badnayd daaraha dhaadheer ee Hargaysa ku badan haddana bilicda guud Jabuuti baan sii lahaa.
Balaas Raamboo (Xigasho: http://paleyphoto.photoshelter.com/gallery/Djibouti-Africa/G0000KVDiWFH8DNI/C0000s2srhQmAAqI)
Balaas Raamboo (Xigasho: http://paleyphoto.photoshelter.com

Baabuurtu si habsami leh oo nidaam ku jiro ayay u socdaan waddooyinka. Waxa aad dareemaysaa in waddanka sharci iyo dawladi ka jirto isla markaana dadkuna ay u hoggaansan yihiin. Ishaarooyinka tirada badan ee waddooyinka magaalada Jabuuti isgoys kasta iyo waddo kasta dhammaadkeeda ku yaallaa ma jiro qof dhaafaya oo khilaafaya. Mar aan waraystay in ay Kamarad jirto oo ay dadku ka baqayaan iyo in kalena waxa la ii sheegay in ay askarta taraafigu meelahaa joogaan oo haddii aad khilaaftid ama ay kugu qabtaan adiga oo gaadhigaagu socdo iyadoo ishaaradu casaan tahay in lagugu xukumayo ganaax ah in aad bixiso lacag aad u badan. Tani waxa ay sababtay in qof walba oo gaadhi ama Mooto wataa u hoggaansamo ishaarooyinka iyo guud ahaan shuruucda Taraafikada.

In badan waan ogsoonaa in gumaystayaashii reer Yurub saamayn iyo raad kaga tageen waddamadii ay haysan jireen balse wali anigu Jabuuti ka hor ma arag waddan saamayntii iyo raadkii si aad ah uga sii muuqato illaa hadda. Sida la wada ogsoon yahay Jabuuti waxa gumaysan jiray Faransiiska tani waxa ay sababtay in illaa maanta raadkii Faransiisku si fiican uga dhex muuqdo dalka Jabuuti.
Boodhadhka, tilmaamaha, magacyada xaafadaha, magacyada dugsiyada iyo wax kasta oo meel ku qorani Jabuuti waxa uu ku qoran yahay af Faransiis! Tani waxa ay judhaba caqabad wayn ku noqonaysaa qofka aan afka Faransiiska garanayn ee waddanka yimaadda jinsiyadduu doonaba ha ahaadee. Haddii la I odhan lahaa Jabuuti afkeeda koowaad waa maxay Faransiis ayaan odhan lahaa waanu yahayba xaqiiqdii waayo qof walba af Faransiis ayuu ku hadlayaa ha ugu badnaadaan dadka wax barta iyo kuwa shaqeeya e.
Huteelka Kempniski, Jabuuti ( Xigasho: http://www.kempinski.com)
Huteelka Kempniski, Jabuuti ( Xigasho: http://www.kempinski.com)

Waxa aan mar tagnay huteel aad u qurxoon oo ku yaal badda xeelligeeda. Gabadh dalabka naga qaadaysay oo noo timid ayaa noo keentay liiskii cuntooyinka laga eeganayay ‘Menu’ (Jabuuti huteeladeeda iyo meelaha wax laga cuno dadka dalabka qaadaya ‘Waiters’ waxay u badan yihiin haween) . Waxaan isku dayay in aan eego liiska oo ka doorto casho I cajabisa. Markii aan kala furay liiskii xabbad waan ka fahmi waayay waayo gebigiisuba waxa uu ku qornaa  Faransiis. Gabadhii ayaa markay nagu soo noqotay aan u sheegay in aan fahmi waayay oo ay I caawiso oo iyadu ii sheegto cunnooyinka diyaarka ah. Ka dar oo dibi dhal, waxa ay ii yeedhisay magacyo aan xabbad ka fahmi waayay haddana. In kasta oo ay iyadu is moodayso in ay Soomaali igula hadlayso balse sida dhabta ah igulamay hadlayn.

Tan oo kali ah maahee waxa igu dhacday dhawr dhacdo oo sidan oo kale ah oo gaadhay heer aanu is fahmi wayno qofka reer Jabuuti oo qofka ila socdaa ii macneeyo waxa uu u jeedo. Soomaalli af soomaali isku fahmi wayda Jabuuti  baa laga helaa!
Guud ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka kooban tahay lix gobol loo kala ah: Jabuuti, Calisabiix, Carta, Tajoora, Ubukh iyo Dikhil. Magaalada Jabuuti oo ah caasimadda ayaa ah magaalada ugu way isla markaana ugu dad badan. Waxa ku nool tiro dhan 623,891, waxa ku xigta magaalada Cali Sabiix oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 45,012 magaalada saddexaad waa Tajoora oo ka tirsan gobolka Tojoora waxa ku nool dadweyne gaadhaya 22,193 ‘Wikepedia’
Magaalada Jabuuti waxay leedahay xaafado tiro badan. Xaafad reer Jabuutigu waxay u yaqaanaan ‘Kaartee’. Xaafadahan loo yaqaan Kaarteeyadu waa toddoba iyagoo ka bilaabmaya kow illaa toddoba. Sidan ayaana loogu dhawaaqayaa (Kaarte aa, Kaarte doo, Kaarte turwaa, Kaarte kaat, Kaarte saynk, Kaarte siis iyo Kaarte set) waxa kale oo jira xaafado kale oo iyaguna tirooyin leh loona yaqaan Gaboodada sidan ayay iyaguna noqonayaan (Gabood aa, Gabood doo iyo Gabood Saynk). Xaafadaha kale ee magaalada Jabuuti waxaa ka mid ah: Xunbuli, Sh Muuse, Sh Cismaan,  Belbela (Belbela waa xaafad balaadhan oo ay ka sii farcamaan xaafado kale sida: Waxda-daaba, Xayaabley, Waraabaley, Caga daalis, Barwaaqo, Layaablay). Xaafadda Haramuus oo ah meel aad u qurxoon waa halka uu deggan yahay madaxweynaha Jabuuti.
Suuqyada magaaladu waa afar waxaanay kala yihiin: Balaas Raamboo, Balaas Qumayo, Suuq Diqsiile iyo Riyaad. Lacagta dalka laga isticmaalaa waa Faran. Iyada oo kaliya ayaana laga adeegsadaa oo ma jirto lacag kale oo aad wax ku gadan kartaa.
Jaamacadda Jabuuti (Xigasho: http://www.theiguides.org)
Jaamacadda Jabuuti (Xigasho: http://www.theiguides.org)

Dugsiyo tiro badan ayaa ku yaalla Jabuuti. Subaxii waxa aad arkaysaa ciyaal fara badan oo qulqulaya waddooyinka dhinacyadooda iyo qaar basas saaran. Dugsiyada Jabuuti malaha balcad ‘Uniform’ sidaas darteed ardayda waxa aad ku garanaysaa uun in ay arday yihiin kaliya boorsooyinka buugta ee ay dhabarka ku sitaan. Waxbarashada dugsiyada dawladu maamusho waa bilaash ama lacag la’aan.  Jaamacadaha dalku waa hal mid waana Jaamacadda Jabuuti ‘Universite de Djibouti’

Waxa jirta waddo marta badda dusheeda oo la sida la ii sheegay uu dhisay taliyaanigii. Waddadaas oo labadeeda dhinac aad ka arkayso baddii. Waddadani waa ta ugu qurux badan magaalada gaar ahaan habeenkii.  laydhadhka magaalada iftiinka ka soo baxaya ee biyaha ku dhacaya ayaa sababay in biyuhu yeeshaan  muuqaal qurxoon ooo aanay ishu ka jeedsanayn. ‘Korneeshka’ ayay reer Jabuuti u yaqaanaan agagaarkan.
Huteelo aad u qurxoon oo tiro badan ayaa ku yaal Jabuuti. Kampenski waa huteelka ugu wayn uguna qurxoon magaalada. Wuxuu xigaa dhinaca badda. Huteelkan waxa la ii sheegay in uu leyahay nin carab ah oo ka so jeeda dalka isutagga Imaaraadka carabta. Waxa kale oo la ii sheegay in qolka ugu yar uguna jaban habeenkii lagu seexdo lacag gaadhaysa $300. Sheraton oo ah huteel ka caan ah dunida iyo geeska afrikaba ayaa isna ku yaaal Jabuuti. Sidoo kale waxa aad ku arkaysaa Jabuuti baarar ama meelo lagu gado Alkahoolka iyo meelo habeenkii lagu ciyaaro ‘Nightclub’
Waxa la I tusay halkii la qarxiyay Jabuuti oo ahayd baar la yidhaa La Chaumiere Café. Baarkani waxa uu ka soo horjeedaa huteel wayn oo la yidhaa Menelik oo ay Itoobiyaanku leeyihiin. Qaraxii kadib labadan meelood hortooda waxa laga sameeyay saldhig bilays yar oo kooban si ammaanka kor loogu qaado waxaana dhacda mar mar in la xidho waddooyinka qaar ku yaala agagaarkan habeenkii.
Jabuuti sida hargaysa soomaali kali ahi ma deggana. Soomaalida waxa ku weheliya canfar iyo carab. Marka aad suuqa marayso inta soomaali aad la kulmayso iyo inta qof carab ah aad la kulmaysaa way is leegyihiin. Aad bay ugu badan yihiin carabtu halkan, hoteelo iyo meelo ganacsiyo badanna way ku leeyihiin. Jabuuti xitaa waxa aad ku arkaysaa carab aan waxba haysan oo daranyaysan oo dhar usgag ah gashan ama mid jaad iibinaya ama mid wax ranjiyaynaya. Maadaama Jabuuti saldhigyo iyo xarumo milatari ku leeyihiin waddamada Maraykanka, Faransiiska, Jabaan iyo kuwo kaleba waxa joogaa oo ku nool ciidamo aad u tiro badan oo ka soo jeeda waddamadaa. Waxa ay leeyihiin xaafado ay degaan ciidamadaasi. Sidoo kale waxaad arkaysaa dadyow Hindi ah, qaar Filibiiniyiin, Fiyaatnamiis, Itoobiyaan iyo jinsiyado kale.
Nolosha iyo ganacsiguba waa qaali halkan. Dadku waxa ay ka cawdaan korontada ‘Laydhka’ oo qaali ku ah isla markaan aanay dadka danyarta ahi iska bixin Karin. Sidoo kale dadka ganacsatayaasha ah waxa laga qaadaa dhawr wax oo kala ah sidan: Bandood (Cashuurta shaqada), Obeesta (Cashuurta shaqaalaha), Faarii (Cashuurta Qashinka) iyo cashuur kale oo ay qaadaan qolada dawladda hoose oo ah boodhka kuu sudhan meheradda.
Cuntooyinka Jabuuti aad bay tayadooda iyo dhadhankoodu u wanaagsan yihiin. Cuntooyinka Jabuuti aad looga cuno waxaa ka mid ah Mukhbaasadda iyo Kalluunka oo noocyo kala duwan leh (Mukhbaasaddu waa sabaayad la jarjaray oo dhawr wax lagu daray ‘Malab, Timir, Muus IWM’) Khurdradda seked kasta waa lagu iibiyaa. Sidoo kale waxaad ka helaysaa cunnooyin qalaad sida ‘Cunto Hindi, Cunto Jayniis, Cunto Itoobiyaan IWM’. Jinsiyadaha kala duduwan ee ku nool Jabuuti wuxuu sababay in qof kasta oo reer Jabuuti ahi ku hadlo dhawr af.  Afafka ugu badan ee Jabuuti lagaga hadlo waa: Somali, Faransiis, Canfari iyo Carabi.  
Muna Axmed Cumar
Muna Axmed Cumar

Ururada bulshada in kasta oo aanan la kulmin haddana waxa la ii sheegay in ay jiraan ururo badan oo bulseed. Dhinaca akhriska iyo qoraalka Jabuuti waxaa ku yaala ururka isku tagga qalinlayda soomaalida ee marka la soo gaabiyo la yidhaa ‘PEN’ Waxaa sidoo kale ku yaalla dhawr maktabadood oo buugta lagu gado. Waxa jirta maktabad wayn oo buugta lagu akhristo oo Faransiisku maamulo. Sidoo kale waxa jirta meel la yidhaa Xarunta Dhaqanka ee Faransiiska ‘Centre Culturel Francais Arthur Rimbaud’ Xaruntan waxa ku yaalla maktabad oo wayn oo ay yaallaan buug Faransiis ah waxaana sidoo kale ku yaalla tiyaatar lagu soo bandhigo masrixiyado. Xaruntan ujeedadoodu waxa ay tahay kor u qaadista afka, suugaanta iyo dhaqanka Faransiiska. Jabuuti waxaa ku yaal laba tiyaatar oo riwaayadaha lagu dhigo. Saaliinka iyo Guriga ummadda. Sidoo kale waxa ku yaala goobo lagu daawado filimada ‘Cinema’.

Muna Axmed Cumar

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.