WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 22, 2016 (Saxafi) – Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa maalgalinta koowaad (dahabi) kaga qaybqaatay shirka caalamiga ah ee horumarinta tamarta la cusboonaysiiyo oo ka furmay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Shirweynahan caalamiga ah oo uu soo qabanqaabiyey urur la yidhaahdo Shuraako oo fadhigiisu yahay Maraykanka, kaas oo ay ka qaybgalayaan ganacsato iyo wakiillo ka kala socda guud ahaan dalalka Geeska Afrika sida Somaliland, Djibouti, Itoobiya iyo Somalia, sidoo kalena ay goob-joog ka yihiin safiirro iyo saraakiil ka socda safaaradaha dalalka reer Galbeedku ku leeyihiin waddamada Gobolka Geeska Afrika, waxa maalgalinta lagu hirgeliyey qabashadiisa kaalinta koowaad ka qaatay shirkadaha Dahabshiil oo iyadoo eegaysa faa’iidada ugu jirta bulshada horumarin lagu sameeyo tamarta la cusboonaysiiyo ku bixisay dhaqaale badan oo suurtogaliyey in shirkan oo ah kii labaad ee ka dhaca Bariga Afrika lagu qabto Somaliland, isla markaana horeba Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil uu ku bixiyo maalgelin ay ku tamariyeen shirkado iyo ganacsato ka shaqeeya adeegga tamarta.
Madaxa Suuqgaynta Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil (DBI) Hodan Xasan Cali oo khudbad ka jeedisay furitaankii kulankan, ayaa soo dhawaysay shirkan oo ay sheegtay in Dahabshiil Group ku faraxsan yahay hirgelinta wax kastoo horumar u keenaya dadka Soomaalida ah oo shirkadoodu mar walba waayaha nololeed la qaybsanaysay muddo ka badan afartan sanno oo ay jirtay.
“Dahabshiil Group waxaannu mar walba diyaar u nahay in aannu taageerno ganacsiga wax-ka-taraya horumarinta deegaanka, iyadoo iminkaba Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil uu maalgaliyo ganacsiga adeegga Tamarta la cusboonaysiiyo. Waxa kaloo Bangiga Dahabshiil uu maalgaliyaa kobcinta ganacsiyada kala duwan si kor loogu qaado fursadaha shaqo abuurka, iyadoo aannu dhiirrigelinayno wax-soo-saarka gudaha dalka,” ayey tidhi Hodan Xasan Cali.
Waxa kaloo ay ka hadashay qaybaha shirkadaha Dahabshiil ka kooban tahay iyo adeegyada ay bixiyayaan, gaar ahaan muhiimada ay u leeyihiin dadweynaha sida adeegga MicroDahab ee caawiya ganacsiyada yaryar oo u badan kuwa wax-soo-saarka sida beeralayda, qaybta xawaaladda ama isugudbinta lacagaha iyo waxtarka ay ka helaan dadka Soomaalida ahi iyo ahmiyadda adeegga isticmaalka lacagta ee telefoonada gacanta (eDahab).
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu shirkan furay, ayaa sheegay in muddada uu socdo oo afar maalmood ah lagaga wadahadli doono sidii horumarin loogu samayn lahaa tamarta la cusboonaysiiyo ee iftiikanka Qorraxda iyo Dabaysha.
Wasiir Xuseen oo ka hadlayey faa’iidada tamarta la cusboonaysiiyo, waxa uu yidhi, “Tamarta cusboonaata baahi wayn ayeynu u qabnaa dalkeena oo aynu ka heli karno tamar jaban oo la awoodi karo oo joogta oo beddesha tamartan qaaliga ah ee aynu ka dhalino shidaalka oo deegaankana dhibaato u leh. Markaa aad baanu ugu faraxsanahay in aynu ku guulaysannay oo dalkeennu noqday kii labaad ee ka dhaca Bariga Afrika.”
Maaha markii u horreysay ee Dahabshiil Group ka qaybqaadato maalgalinta shir caalami ah oo lagu qabto dalka gudihiisa, balse waxa uu marar badan oo hore uu taageero ka gaystay hirgelinta iyo soo dhawaynta shirar iyo kulamo ay faa’iidooyin ugu jiraan bulshada.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.