WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 22, 2016 (Saxafi) – Maayarka caasimadda Hargeysa ayaa shalay deeq lacageed gaadhsiiyey Cusbitaalka guud iyo dugsiyadda hoose dhexe ee caasimadda oo uu sheegay inay ka qaybqaadan doonaan caafimaadka iyo waxbarashada caasimadda.

Xafiiska maaayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaaa sheegay inay deeqdani ka mid tahay barnaamijka maamul daadajinta ay dawladda hoose iyo wasaaradaha waxbarashadda iyo caafimaadka ka wada shaqeeyaan, isla markaana ay kharashkooda bixin doonaan shaqaale hoosaadka dhamaan dugsiyada hoose/dhexe ee caasimadda iyo baahiyaha ka jira cisbitaaladda oo ay ka wada shaqayn doonaan wasaaradaha ay hoos yimaadaan.
Munaasibadda uu lacagta ku gudoonsiinayey masuuliyiinta cisbitaalka guud ee caasimadda iyo dugsiyadda waxbarashadda waxa ka soo qaybgallay qaar ka mid ah golaha deegaanka caasimadda iyo masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko waxaanu yidhi “ugu horeyn waxaan halkan ka salaamayaa madaxda ka socota cisbitaalka guud ee caasimadda, xildhibaanadda golaha deegaanka, maamulka dawladda hoose iyo warbaahinta waan idinka mahad celinayaa ka qaybgalka, waxaan maanta halkan ku bixinayna mid ka mid ah waxyaalihii ay dawlada hoose u xil saarnayd oo ah siyaasadii maamul daadajinta ee madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo ee aanu kaga qaybqaadanaynay waxbarashadda iyo caafimaadka, anagoo sanadkan ugu talogalay ka dawladda hoose ahaan siyaasadda maamul daadjinta caafimaadka iyo waxbarashada, Siyaasada maamul daadajinta waxbarashada waxaanu ugu tallogalnay boqol iyo kunton kun oo dollar ayaanu miisaaniyadda ugu darnay, xaga caafmaadka boqol iyo afar iyo sodon kun oo dollar oo uu kamid yahay konton kun o dollar oo aanu ugu talogalay dhismaha qolka xaaladda degdega ah (outpatient), iyo labaatan kun oo dollar aanu ugu tallogalay sii wadista cisbitaalka Maxamed Aadan Sheekh iyo dhismaha sadex MCH oo aanu dhisi doonno, maanta waxaanu bixinayan labaatan kun oo ah kontonkii kun ee loogu tallogalay dhismaha Outpatient iyo lix iyo sideetan milyan oo afar boqol oo Shiling oo aanu ku bixin doonno waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexe oo aanu kaga bixin doonno shaqaale hoosaadka dugsiyadda hoose dhexe ee Caasimadda , siyaaadaasi maamul daadajinta waxa iska kashan doona sadex qaybood oo kala ah hadba hay’adda Khuseysa caafimaadka ama waxbarashadda, dawladda hoose iyo hay’adaha ku midoobay Mashruuca GPLJ-ga gaar ahaan UNICEF. Marka anagu dhinacayaga diyaar baanu u nahay, dhinaca kalena waanu sugayna ”.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr:Axmed Cumar Askar ayaa dawladda hoose uga mahad celiyey deeqdan oo uu sheegay inay baahi weyn u qabeen, isla markaana ku balaadhinayaan dhismaha qaybta xanuunka degdeg ah ee Outpient-ka oo uu sheegay in dhismihii ingiriiska uga tagay yahay taas oo uu u baahan yahay balaadhan iyo hagaajin.
Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in dawladda hoose tahay meesha kaliya ee ay ku tiirsan tahay, taas oo ay ka caawiso shiidaalka mishiinadda ay ku shaqeeyaan, caawimadda dadka dhimirka wax ka qaba iyo xaga nadaafadda oo qaybweyn ka qaataan.
Agaasime Askar oo deeqdaasi la gudoonsiiyey iyo wada shaqaynta dawlada hoose ka hadlaya waxa uu yidhi “aad baan uga mahad celinayaa maayarka iyo xildhibaandda golaha deegaanka ee Hargeysa deeqdan ay noogu fidiyeen goob xasaasi ah oo baahi badan uga baahnayn oo ah qaybta degdeg ah oo qofka xanuunsanaya la keenno oo uu maayarku ballanqaaday oo uu balantiina oofiyey oo uu cisbitaalka guud ugu daray konton kun oo dollar oo labaatankii ugu horeeyey nagu soo wareejiyey, run ahaantii dawladda hoose waxyaalo badan ayey tarta cisbitaalka oo bil kasta neefaf bay u qashaa oo ila sodon neef ayey u gashaa khaas ahaan dadka dhimirka wax ka qaba, wax kale oo naga taageerta xaga shiidaalka way naga taageerta oo mishiinada aanu ku shaqaynayo iyaga bixiya, nadaafada qayb weyn bay ka qaataan waana lafdharbka cisbitaalka dawladda hoose, waxaana rajaynaya inuu dhismaha Outpient deg deg u dhismo oo ah dhismihii ingiriisku inooga tagay oo aad u koobnaa, waxaana lacagtan ku wareejinaya shirkadda dhisaysa ee Al barako”.
Sidoo kale,w axa iyaguna halkaasi ka hadlay xildhibaanadda golaha deegaanka oo ay kamid ahaayeen Xildhibaaan Axmed Daahir iyo XIldhibaan Xasan Shahar, kuwaas oo sheegay in maamul daadajinta dawladda hoose muhiim u tahay bulshadda caasimadda, isla markaanaa kor usii qaadi doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin waxbarashadda iyo caafimaadka sidiii kor loogu qaadi lahaa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.