WorldRemitAds
Nairobi, Kenya, February 22, 2016 (Saxafi) – Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali iyo Wefti uu horkacayo ayaa shalay muddo Saacado ah lagu Xayiray Garoonka Diyaaradha Magaalada Nairobi Jomo Kenyatta.

Weftiga, Sharma’arke ayaa kusii jeeday Dalka Turkiga, sida uu sheegay mid ka mid ah xildhibaannadii weftigan ka tirsanaa oo xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kneyatta u sheegay idaacadda VOA-da. Waxaana ay diyaaradoodu marka hore keentay Hargeysa oo ay kaga wareegeen diyaaraddii Turkiga geynaysay, taasoo kula sii hakatay Nayroobi.
Sarkaal Amni oo ka Tirsan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta xayiraadda ay ahayd mid ku timid, diyaaradda RW Somalia iyo weftigiisa sidday oo aan Wajeer soo marin.
“Diyaaradda weftiga Xukuumadda Somalia may soo marin Wajeer, halkaas oo ay soo maraan diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya oo dhan, si baadhitaanno dhanka Ammaanka ah loogu sameeyo. Runtii tani waa tallaabo lagu jabiyay Amniga dalka Kenya,” ayuu ku daray hadalkiisa sarkaalkan amni ee la hadlay Warbaahinta dalka Kenya.
Sidoo kale, saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaan si toos ha uga hadlin sida ay ula dhaqmeen mas’uuliyiinta dawladda Somalia, iyadoo gaadiidkii loogu talo-galay in ay Raysal wasaaraha Somalia iyo Weftigiisa qaadaan ay iyaguna muddo Saacado ah ku Xayirnaayeen Dibadda garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.
“Waxaan qorsheynay inaan Weftiga Ra’iisul wasaaraha Somalia dib ugu celino Muqdisho, Laakiin  Diyaaraddii keentay ayaa si dhaqso ah uga duushay Garoonka, taasoo keentay in muddo saacado ah ay garoonka ku xayirnaadaan.” Ayuu yidhi sarkaalkaasi,
Raysal wasaaraha Somalia oo ay la socdeen 20-xubnood oo ay ku jireen xildhibaano Somali ah iyo saddex wasiir ayaa shalay ka dhoofay Magaalada Nairobi, iyagoo kusii jeeda dalka Turkiga oo ay ku socdeen, kaddib markii saacado badan ku xidhnayeen Garoonka Nairobi ee Jomo Kenyatta.
Ugu dambeyn, RW Soomaalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaan Weli Xayiraadda isaga iyo weftigiisa shalay loogu geystay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi ka hadlin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.