WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 22, 2016 (Saxafi) – Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, ayaa ka hadlay aragtida ay ka qabaan guddi xubno ay ka yihiin oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay ololaha ictiraaf raadinta madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa guddi ka kooban 18 xubnood u magacaabay dejinta qorshe lagu dardargeliyo ololaha ictiraaf buuxa oo Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka iyo ka talo-bixinta wadahadallada Soomaaliya, waxa uu ku daray laba xubnood oo ka kala socda labada xisbi mucaarad, kuwaas oo kala ah; Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).
Haddaba, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe iyo Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ka dareen celiyey magacaabista guddigan iyo xubnaha Madaxweynuhu kaga daray.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa soo dhaweeyey guddiga ictiraaf raadinta ee Madaxweynuhu ku daray, balse waxa uu saluug ka muujiyey tirada guddiga oo uu sheegay inay badan tahay.
“Horta qodobka ugu wayn marka laga baxay xorayntii dalka, waxa uu ahaa in dalka la xorreeyo in gooni-isutaaga Somaliland noqdo muqadas, ka saddexaadna waxa uu ahaa in Somaliland ay hesho ictiraaf, sidaas ayey waddadu inoogu xidhiidhsanayd, markaas in laga shaqeeyo ama guddi ha ka shaqayso ama wasaaradiye waa arrin muhiim ah oo loo baahanyahay. Guddidan la sameeyayna waxaan u arkaa inay tahay guddi loo baahanyahay, waanan soo dhawaynayaa guddidaas ictiraaf-raadinta ee laygu daray,” ayuu yidhi Eng. Faysal oo la hadlay warbaahinta shalay.
Hoggaamiyaha UCID waxa uu sheegay in shaqada guddigan ay ka horrayso sidii doorashooyinka dalka waqtigoodii loogu qaban lahaa ee aanay mar kale dib ugu dhicin, waxaannu yidhi, “Muhiimada aan anigu maanta xoogga saari lahaa waxay tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii loogu talogalay, lana sameeyo xeerarkii lagu soo dooran lahaa Golaha Baarlamanka Somaliland, laakiin guddidan hadda la sameeyey waxay ila tahay mid mustaqbalka uun shaqayn doonta, anigu shaqsi ahaa waxaan 25 sanno ka shaqaynayey gooni-isutaaga Somaliland, maantana maalin ay ka adag tahay ma jirto, waxaanay u baahantahay hawl adag. Maanta ictiraafka haba joogee in qadiyadda la nooleeyo ayaa waajib ah, wali qadiyadda iyo gooni-isutaagii Somaliland ayaa ah arrin taagan in xil wayn la iska saaro, waanan soo dhawaynayaa.”
Waxa kaloo uu xusay in inkastoo aan isaga laga talogalin magacaabistiisa, haddana guddigan ay ku jiraan dad badan oo aqoon iyo waayaragnimo wayn leh, “Laygama talogalin, ilaa haddana cid ismaanaan arag, waxa layga sheegay uun moobilka, Madaxwaynaha Somaliland wali ismanaan arag, balse rag waawayn oo waayo-arag ah, muhiimna ay ahayd in mar hore lagu soo daro ayaa ku jira, waxaana loo baahan yahay in la dejiyo istaraajiyada iyo qorshe cad oo lagu wajahayo ictiraafka dalkani u baahanyahay ee beesha caalamkana uga fadhiyo.”
Dhinaca kale, Xoghayaha Warfaaftinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isna ka dareen-celiyey magacaabista guddigaasi uu xubinta ka yahay, ayaa soo dhaweeyey ujeeddada loo sameeyey, balse uu shaki wayn ka muujiyey halka laga raadinayo ictiraafka, isla markaana waxa uu meesha ka saaray in isaga lala socodsiiyey magacaabistiisa.
Xoghaye Boobe oo saxaafadda u warramay shalay, waxa uu yidhi, “Sidaad warbaahinta uga maqasheen ayaanu uga maqalnay, shalay (Sabtidii) goor aan casarkii soo toosay ayaa dadkii internetku ii sheegeen inay guddidaasi ictiraaf raadintu jirto oo magacaygu uu ku jiro, waxaan la xidhiidhay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo Boorama joogay, waxaannu ii sheegay inaan isna waxba lala socod siin. Guddoomiyaha xisbiga markii aannu wadatashanay, markii aan la tashaday hoggaanka xisbiga iyo intii mudanta ahayd iyo mahuraakii qoyskayga oo xaaskaygu ugu horrayso, markii aannu arrinkaasi rog-rognay inkasta oon layga talogalinin oo aan xisbiga lagala tashan, waxba kama qabo inaan ka mid noqdo guddidaas ictiraaf raadinta.”
Haseyeeshee, waxa uu dareen shaki ah ka bixiyey ictiraafka guddiga loo diray, “Ictiraaf la samaysto oo la sameeyo oo la dhaqangaliyo ayaan garanayaa, markaas wixii tamartayda ah ka Boobe ahaan waxba ka hagranmaayo,” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.