WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 22, 2016 (Saxafi) — Maxkamadda degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shalay bilowday dhegaysiga Dacwad la xidhiidha wiil-yar oo ay isku haystaan saddex qoys.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay intay tahay 13-jir waxaa Gacanta ku hayay Muddooyinkan danbe Xog-hayaha Dowladda Hoose ee Dagmada Laascaanood, Cabdi Khayre Dirir.
Dacwada ayaa loogu gar-qaadayaa qoysaskan oo wada sheeganaya wiilkaan oo magaaciisa lagu sheegay Farxaan, laguna naanayso Xiddig, kaasoo sheegay in aanu haba-yaraatee garanayn waalidkii oo muddo toban sanadood ah uu ka maqnaa.
Farxaan Xiddig oo muddo afar bilood ah ku sugnaa degmada Laascaanood ayaa la sheegay inuu ku Bar-baaray Magaalada Boosaaso, uuna muddo yar ka hor ogaaday inuu u dhashay Deegaannadan, lagana qaatay markii hore duleedka Laascaanood isagoo aan wax garaad ah lahayn.
Xoghayaha Dowladda Hoose ee Laascaanood, Cabdi Khayre Dirir ayaa sheegay in Wiilkan la keenay saldhiga dhexe ee degmada oo lala soo Xidhiidhay, sidaasna uu mas’uul uga noqday tan iyo inta laga helayo waalidkii, isagoo xusay inay mas’uuliyadi ka saaran tahay sidii loo baadi-goobi lahaa Waalidkii dhalay Farxaan Xiddig. Waxaana Maxkamadda Laascaanood ay Qoysaska isku haysta Wiilkan yar ay weydiin doonttaa Cadaymaha ay u haystaan mid waliba.
Dacwada Faxaan Xidig ayaa aad looga hadal-hayay xilliyadii u dambeeyay, iyadoo ay baadi-goob u galeen dadka qaarkood sidii ay u soo arki lahaayeen wiilkan oo ay wax u wadiin lahaayeen; iyadoo aanay caddeyn sidii loo qaatay ilmahan, isla markaana loo weydaariyay qoyskiisii.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.