WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 23, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Habeen hore ka qayb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee Xuska Afka Hooyo.

Munaasibadaasi oo ka qabsoontay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxa lagaga hadley muhiimada afka hooyo iyo daryeelka uu u baahan yahay, waxaana ka qayb galay Abwaano, Qoraayo, dadka ka shaqeeya afka Soomaaliga iyo masuuliyiin uu  uu ka mid ahaa Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani.
Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa munaasibadaasi ka jeediyey hadal ku saabsan muhiimada afka Hooyo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:-“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb galo xuska maalinta afka Hooyo, Maalintan adduun waynaha ayaa astaystay, November/1999-kii ayaa Hay’adda Qaramadda midoobay u qaabilsan waxbarashadda iyo dhaqanka ee (UNESCO), ay u astaysay  inay noqoto maalinta afka. Ujeedada ugu wayn waxa looga dan lahaa in dunida intaas le’eg ee Toddobadda qaaradood ku dhaqan, ee kala dhaqan duwan, kalana midibadka duwan, ee kala Af duwan luuqadahooda la ilaaliyo. Ilaa Lix kun iyo shan boqol oo luuqadood (6500) ayaa la tilmaamaa in dunida lagu hadlo, inta rasmiga ah ee aan wali dabar go’in, Ummad iyo qaran waliba waxay isku dayaan inaanu afkoodu dabar go’in, sida bini-aadamku u baaba’o ama u soo gabagaboobo ayaa luuqadoodu u baaba’daa, haddii aanay bulshadda lihi noolayn, iyadana kobcisa, korisa hodan ka dhigta iidaana u samaysa.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena sheegay in dawladdaha aduunku ay ilaaliyaan Afkooda waxaanu yidhi “Dawladaha iyo Ummaduhu waxay luuqadahooda ka ilaashadaan badhaxa, da’yartooda la baraa, ummad wal oo dunida joogtaana manjahkooda waxbarasho ayuu ku jiraa in afkooda oo waxbarasho lagu darro, tusaale ahaan dalka Ingiriiska qofka u dhasha, Ingiriisida wuu ku ababay oo meel kala muu tagin, wuu ku hadlaa, Af kale oo soo dhex galayna ma jiro, hadana Koorso la yidhaa Ingiriisi ayaa waxbarashadiisa ka mida. Haddii aanu ardaygu luuqadaas darajadda sare ee A+ ka keeni Dhakhtarnimo, Looyarnimo iyo Saxafi sadexdaas midna ma noqon karro oo Jaamacadda uma gali karo, sidoo kale Saynis iyo Siyaasina ma baran karro, anuu Dalka Ingiriiskaa lix sano ku noolaa, nidaamkiisu waa sidaa.”
Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale xusay in Afka Soomaaliga dedaal badan la galiyey, isla markaana loo baahan in la joogteeyo “Luuqada qorideedii iyo turjumideedii ragbaa tacab iyo maskax galiyey, waxaynu u baahan nahay in aynu luuqadeena ilaalino oo horumarino, waliba xil iyo masuuliyad wayn ayaa inaga saaran, Bulshadda Soomaaliyeed-na waxaynu nahay dadka ugu Hodansan xaga luuqada.”
Wasiir Xaashi ayaa u mahad naqay bahda ka shaqaysay Af Soomaaliga iyo horumarintiisa waxaanu yidhi “Waxaan si wayn u hambalyeynayaa bahda qalin maalka Farduus Dirir, Sacdiya Muuse iyo Jaamac Muuse, waxaan ugu hambalyeynayaa hawsha wayn ee uu hayo iyo aas-aaska xaruntan dhaqanka.  Saaxiibkay Cadaani oo Wasiirkii dhaqanka ah iyo Wasiirkii waxbarashadda oo la yidhi Saakuu joogay waxaan leeyahay mar haday labadaas wasiir Idinla shaqaynayaan, waa labadda la doonayey inay hawshan wax ka qabtaan, anaguna waanu la shayqnayaa oo nusdambeed ayaaanu u nahay.”
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa balan qaaday in ka Xukuumad ahaan ay qayb libaax ka qaadan doonaan horumarinta iyo Ilaalinta Afka Hooyo waxaanu yidhi “Waxaanu dhiiri galinaynaa koritaanka afka hooyo, Dawlad ahaana xilbaa naga saaran, Akaadamiyad lagu keydiyo Afka iyo dhaqanka inaanu taageerno waa nagu waajib, waxba hagran mayno, wax walba jug iyo jac ayaanu ka siinaynaa odhan maynee, waxba la hadhi mayno.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Munaasibadaasi ayaa waxa laga jeediyey Gabayo ay kala tiriyeen Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg, Abwaan Jaajuumow, Abwaanad Koos Jaamac Dhunkaal, Abwaanad Yaasmiin Maxamed Kaahin, iyo Abwaanad Xaawa. Sidoo kalena waxa halkaasi lagu soo bandhigay Ciyaar dhaqameedo aad loo jeclaystay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.