WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland February 23, 2016 (Saxafi) – Maareeyihii hore ee Madbacadda qaranka Cabdillaahi Maxamed Jaamac Caarey ayaa shalay xilkii ku wareejiyey Maareeyaha cusub Siciid Saalax Shire oo dhowaan xilkaasi loo soo magacaabay.

Munasibaad loo sameeyey xil wareejintaasi ayaa lagu qabtay xarunta madbacada qaranka Somaliland, waxaana ka soo qaybgallay xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan, guddoomiyaha ururka aan dowliga ahayn ee SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil, masuuliyinta sare ee madbacada qaranka ah, xildhibaano iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa warbixin kooban ka bixiyey adeegyada madbacada qaranku ay bixiso isagoo iclaamiyey tirada guud ee shaqaalaha iyo inta qaybood u shaqeyso madbacada qaranka Somaliland ayaa ka warbixiyey Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha madbacada qaranka Somaliland Maxamed Cabdirisaaq Aadan Gabas, waxana uu hadalkisa uu ku bilaabay sidan “Anigu ku hadlaya afka shaqaalaha Madbacada Qaranka waxa aynu maanta (shalay) halkan ku sii sagootinayna maareeyihii hore madbacada qaranka Cabdilahi Maxamed Jaamac Caray, sidoo kalena si dhiiran uu soo dhoweynayno Maareeyaha cusub Sicid Saalax Shire anago leh ku soo dhow dhow madbacada qaranka. Inta waxa aan ku darayaa in aan in yar ka iclaamiyo tirada guud ee shaqaalaha madbacada qaranka iyo waxyaaha ay uu kala baxdo madbacada qaranku oo tirada guud ee shaqaalaha madbacada marka laga reebo inta geeriyootay iyo inta shaqada ka tagtay 63 shaqaale ah, tirada shaqaale joogtada ah ama permanent ka ah wa 59 iyo 4 shaqaale oo kumeel gaadh ah, halka dhinaca saami qaybsiga loo kala eego lab iyo dhidig ay kala yihiin 58 waa lab halka shan ay yihiin dhedig.
Runtii afar waaxood oo waa weyn ayey madbacada qaranku ku shaqeysaa oo kala ah waaxda maamulka oo shaqaalaheedu dhan yihiin 14, waaxda farsamada oo 16 shaqaale, waaxda binding-ka oo 20 shaqaale ah, shaqaale hosaadka oo iyaguna afar ah iyo afarti shaqaale ee kumeel gaadhka ah. Waxa kale oo in yar aan ka odhaneyaa sifaha shaqaalaha oo runtii ah shaqaale aad u khibrad leh shaqada ay hayaan iyado xaruntani ay tahay xarun wax soo-saar ah runtiina ah shaqo xirfadaysan ama skilled labour, islamarkana waxa ay ku sifobeen aminimo, marka aan aminimo aan leeyahay dabaysha marka aan ku cabireyo wuxu yahay anigu doonaya in aan ka hadlo cimilada wa kulayl iyo waa qabow runtii waxa aan u eegaya intaas oo Centigram haddii uu gaadho waa sida. Marka waxa aan ku cabireya madbacada qaranku waa bank sida bangiga dhexe ee Somaliland, kala duwanashaha keliya ee u dhexeya oo keliya bangiga waxa yaala lacag bisil halka madbacadu ay taalo lacag qaydhiin. ” Ayuu yidhi agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha madbacada qaranka Somaliland Maxamed Cabdirisaaq Aadan Gabas.
Maareeye ku xigeenka madbacada qaranka Somaliland Jaamac Axmed Cabdiraxman ayaa mahadnaq balaadhan uu soo jeediyey maareeyihii hore ee madbacada qaranka Cabdilahi Maxamed Jaamac oo uu sheegay in uu ahaaa nin muxtaarim ah, islamarkaana si fiican ay uu wada shaqeeyeen afartii sanadood uu dambeeyey ay wada shaqeynayeen, sidoo kalena maareeye ku xigeenka madbacada qaranka Somaliland soo dhoweyey maareeyaha cusub Siciid Saalax Shire ay la shaqeyn doonaan. “aad banu uu sii sagootinayna maareeyihii hore ee madbacada qaranka oo runtii mudadi aanu wada shaqenayne ee afarta sano ahayd oo si niyadsami ahayd oo kalgacal ah aynu uu soo wada shaqeynay oo hawlkarnimo leh, waxa la yidha meelaha marka ay masuuliyinta qaar ay isqaqabsadaan oo xarumuhu way isqab qabsaadan. Laakiin, madbacada qaranku waxa weeyaan meelaha ugu xaasasiyadaysan ee dowlada marka afarta sano ayaanu sii niyadsami ah ayaanu u soo wada shaqeynay. ”ayuu yidhi maareeye ku xigeenka madbacada qaranka Somaliland Jaamac Axmed Cabdiraxman.
Maareeyihi hore ee madbacada qaranka Somaliland Cabdilahi Maxamed Jaamac ayaa isna ka hadlay xil-wareejinta uu ku wareejinayey maareeyaha cusub ayaa ka warbixiyey waxyaabihii uu qabsoomay mudadii uu xilka maareeyey uu ka ahaa madbacada qaranka, waxana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “halkan maanta (shalay) aanu joogno waa madbacadii qaranka marka la maqlo waxa weeye waa madbacadi qaranka jamhuriyadda Somaliland oo waa wakaalad qaran oo lagu asaasay wareegto madaxweyne oo digreetadedu ahayd 2/1997, taas oo uu soo saaray madaxweynihii xiligaas ee jamhuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Sababta keentay waxa ay ahayd qaran aan madbacad lahayn waa qaran bilaa calan ah, waayo cashuurihiisii, dokumeentigiisii iyo hawlihiisa oo dhan waxa lagu fulinayaa waa madabacada qaranka, marka baahi rasmi ah oo markaa jirtay qaramada oo dhan wada haysata oo dowladihii hore ee Somalia soo wada martay oo adduinka oo dhan soo wada martay ayaa keentay digreetada uu madaxweynuhu ku soo saaray. ” Ayuu maareeyihi hore ee madbacada qaranka Somaliland sheegay.
Maareeyaha cusub ee madbacada qaranka jamhuriyadda Somaliland Sicid Saalax Shiire ayaa isna dhankiisa uga mahdceliyey dhamaan masuuliyinta ka soo qayb gashay xil wareejinta islamarkana uga mahadnaqay maareeye ku xigeenka madbacada qaranka iyo shaqaalaha soo dhoweynta diiran ay usoo dhoweyeen, waxa kale oo uu mahadnaq balaadhan uu direy marti sharafta kale duwna ee ka soo qayb gashay munasibada xiil wareejintiisa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.