WorldRemitAds
Kampala, Uganda. February 22, 2016 (Saxafi) – Natiijadda doorashadii madaxtinimada iyo baarlamanka dalka Uganda ee qabsoontay Khamiistii, ayaa buuq xoog lehi ka taagan yahay, kadib markii la sheegay inuu ku guulaystay Madaxweyne Yoweri Museveni markii shanaad ee talada waddankaasi.

Guddiga doorashada dalka Uganda, ayaa shaaciyay in Museveni uu ku guuleystay codadkii la dhiibtay boqolkiiba 60.8%, halka hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Kizza Besigye isna la sheegay in uu helay boqolkiiba 35.4 codadkii dadweynaha.
Haseyeeshee, ninka matalaya mucaaradka ugu wayn Kizza Besigye, waxa uu ku dhawaaqay in aannu aqbali doonin natiijada doorashada uu ku tilmaamay mid lagu shubtay.
“Waxaan goobjoog ka nahay in natiijada doorashadu ay ahayd mid la been-abuuray oo aan cadaalad ku fadhin,” ayuu yidhi Besigye oo xabsi-guri ku jira, isagoo ku baaqay in baadhitaan madaxbannaan lagu sameeyo natiijada doorashada, waxaannu hadalkiisa intaa raaciyey, “Maanta oo aan xabsi guri ku jiro, waxaan ku dhawaaqayaa in aanan aqbalin natiijadii doorashada ee ay shaaciyeen guddiga doorashada. Waxaana Beesha Calaamka ugu baaqayaa inaysan aqoonsan natiijada doorashada laga soo saaray.”
Geesta kale, goob-joogayaal caalami ah oo ka socday ururka Midowga Yurub, ayaa ka dayriyey xalaalnimada doorashadaasi oo ay ku tilmaameen mid xoog loo adeegsaday.
Mid ka mid ah kormeerayaasha oo ka socda Baarlamaanka Yurub, Jo Leinen waxa uu sheegay in codeynta ay hadhaysay warbixino aan caddaalad ahayn, isgoo intaa ku daray in doorashada lagu qabtay jawi cabsi iyo caga-juglayn ah oo shacabka iyo murrashaxiintu la kulmeen.
Sidoo kale, wakiilo ka socday dalalka deeqbixiyayaasha ayaa iyaguna sheegay in doorashada qabsoontay Khamiistii aanay wada dhameystirin dhammaan adeegyadii muhiimka u ahaa doorashada oo gabaabis uu ka jiray waxyaabihii muhiimka u ahaa dimuqraaddiyadda.
Yoweri Museveni ayaa mar shanaad qabanaya xilka madaxtinimada ee dalka Ugandha oo uu ka arriminaayay 30kii sanno ee la soo dhaafay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.