WorldRemitAds
Maareeyaha shirkada Google Pichai Sundararajan, ayaa noqday Maareeyaha ugu mushaharada iyo dakhliga badan dunida iyo dalka Maraykanka.

Sida warbixin ganacsi oo dhawaan la soo saaray ay cadaynayso, waxaanu laga bilaabo bishii October ee sanadkii aynu ka soo gudubnay Maareeyaha Google hogaanka u qabtay madaxda shirkadaha waaweyn ee dalka Maraykanka.
Maareeyaha shirkada Google, Pichai Sundararajan, oo dhalashadiisu Hindi tahay, wuxuu bishii Mushaharo u qaata, lix boqol iyo konton milyan oo dollar (650-Milyan dollar), taas oo noqonaysa am aka badanaysa qiyaas ahaan, inta ay bishii helaan ama mushaharo ay u qaataan shan iyo toban kun oo shaqaalaha kala duwan ee dalka Maraykanka.
Sida ay ku warantay jariirada  The Guardian Pichai Sundararajan marka la qiyaaso mushaharkiisa saafiga ah ee marka cashuur iyo wax walba laga jaro dakhli ahaan uu bil walba uu helaa, waxa uu la mid yahay mushaharada ama dakhliga bishii ay soo gala, 15-kun oo qof oo shaqaalaha ama muwaadiniinta Maraykan ah.
In kasta oo Maareeyaha guud ee shirkada Google Sundararajan uu noqday ninka ugu mushaharka badan dhamaan shirkadaha dunida oo dhan, haddana waxa layaab noqonaysa in mulkiilaha guud ee shirkada Google Sergey Brin, hantidiisu gaadhay $34.5 billion, afar iyo sodon kun oo milyan oo dollar.
Halka ninka labaad ee ay wada leeyihiin Larry Page isna ka tahay $35.3 billion. Waxaanay cel celis ahaan lacagtoodu noqonaysaa mid haddii dunida oo dhan loo qaybiyo, qof walba heli lahaa $45,000, taas oo noqonaysa xisaabtii ugu badnayd dunida.
Maareeyaha shirkada Google Pichai Sundararajan waxa uu shirkada Google ku soo biiray sanadkii 2004-tii, waxaanu madax ka soo noqday qaybo kala duwan oo Google ka mid ah, sida qaybtooda maamusha mishiinka baadhista ee Chrome.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.