WorldRemitAds

Laas-caanood, Somaliland, September 1, 2016 (Saxafi) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in maalintii shalay ay si rasmi ah u soo geba-gaboobay wejigii koowaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Sool iyo Deegaanka degmada Buuhoodle, kaas oo socday muddo toddobaad ah.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo shalay munaasibad ku qabtay magaalada Laas-caanood, ayaa sheegay in dhammaan agabkii iyo shaqaalihii Komishanka ee ka hawl-galay 175 goobood oo gobolka Sool iyo Buuhoodle ah ay si nabadgelyo ah ku soo xeroodeen, isla markaana sidaas uu ku xidhmay wejigii koowaad ee toddobada maalmood ah.

Sidoo kale waxay xubnaha Komishanku u mahadnaqeen ciidamada ammaanka iyo shacbiga gobolka Sool iyo deegaanada Buuhoodle ee diiwaangelintu ka socotay, kuwaas oo ay ku ammaaneen in gobolka Sool ahaa kii ugu wanaagsanaa goboladii kale ee Somaliland ee ay sidan oo kale diiwaangelintu uga qabsoontay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.