WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, September 5, 2016 (Saxafi) – Saddex qof ayaa ku geeriyooday, lix qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad u dhexeeya ciidamada booliska iyo dabley ka soo jeeda magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

Iska hor imaadkan ayaa dhacay ka dib markii dad mudaharaadayey oo cadhaysani ay ciidamadda amaanka ku qamaameen, iyagoo ka cadhaysan nin dhalinyaro ah oo gacanta ciidamadda ku baxay. Dadkan gadoodsan ayay ciidamada bolisku isku dayeen inay iska waabiyaan. Waxaana warku intaas ku daray in dadkan ay hor socdeen ama qaarkood hubaysnaayeen.

Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa gacanta u galay dadkan cadhaysan, waxaana halkaas ku dhintay laba askari, waxaana la gubay gaadiid saldhigga yaallay.

SomlegalAds

 Ciidanka qaranka ayaa iyagu markiiba gudaha u soo galay, isla markaana shacabkii saldhiga qabsaday ka saaray, islamarkaana xaaladda dib ugu soo celiyey si caadi ah.

Ugu dambeyn, dadkan cadhaysan ayaa la sheegay inay ka cadhoonayaan inay boolisku ka gaabiyeen wax ka qabashada ganacsato dhawr ah oo la laayey, illaa haddana aan wax hadal iyo wax ka qabad ah midna aanay ka arag.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.