WorldRemitAds

Arday da’diisa lagu qiyaasay ilaa toban jir oo dhigta fasalka afraad ee dugsiga hoose, ayaa warqad uu kaga cudur daaranayo qalin uu xaday, u diray maamulka dawlad goboleedkiisa iyo ka federaalka ee dalka Maraykanka.

Ardaygan oo magaciisa ku soo gaabshay, Samuel, ayaa raali gelin ka siiyay xukuumada federaalka ee dalka Maraykanka iyo maamulka gobolkiisa Oregon, qalin uu ka xaday dhismaha Capitol-ka loo yaqaano, oo uu sanadkii tagay dabayaaqadiisi booqday.

Wiilkan yar oo wax ku barta dugsi ku yaala gobolka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa raali gelin ka bixiyay, qalin kuwa midabada leh ah oo uu ka xaday dhismaha Capitol-ka loogu yeedho oo uu isagoo waalidkii la socda booqasho ay ku tageen, ka dibna uu hoosta soo gashaday.

SomlegalAds

Wiilkan yar ayaa warqadiisa ku cadeeyay sida uu uga xun yahay, ficilkaas foosha xun ee uu sameeyay, waxaanu maamulka xarunta Capitol-ka iyo shacabka gobolkiisa ka codsaday inay saamaxaan oo ka cafiyaan, fool xumada iyo tuugada uu ku kacay, taas oo sida uu sheegay ah mid ceeb iyo xumaan ah.

Samuel wiilkan toban jirka ah ee u dhashay dalka Maraykanku waxa uu warqadiisa ku yidhi, “Qalinkan kaladhka ah ee aan xaday, wuxuu ahaa shay aanan anigu lahayn oo aan mulkiyadayda ahayn, waana ficil fool xun oo inaan ku kacaa ceeb ahayd, waan ka xumahay, waxaanan rejaynayaa in maamulka xaruntaas iyo shacabka Oregon ay iga saamaxaan denbigaas aan galay.” Ayuu yidhi.

Toban jirkan ka cudur daartay qalinka uu xaday, ayaa warqada uu raali gelinta kaga bixinayo raaciyay, qalinkii oo sidiisi u shaqaynaya, waxaanu sheegay inuu cunay xabad khudrad ah oo uu ka goostay geed ku yaala dhismaha uu qalinka ka xaday, taas oo sida uu sheegay aanu hayn.

Markii uu warqadan raali gelinta ah diray, ayuu guddoomiyaha gobolka Oregon ee dalka Maraykanku warbaahinta u sheegay, in maamulkiisu warqad cafis ah oo denbiga wiilkaasi galay ku saabsan uu u diray, kana saamaxay wixii denbi ahaa ee uu ku kacay iyo tuugadii uu gaystay, waxaanu Guddoomiyuhu wiilkan yar ku amaanay geesinimada uu sameeyay ee uu dib ugu soo celiyay qalinkii uu xaday, raali gelintana ku codsaday, kuna qirtay denbigiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.