WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 2, 2016 (Saxafi) – Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane ayaa kormeerkiisii u dambeeyey ee imtixaanadda shahaadiga ah ku yimi Boorama, isla markaana soo xidhay imtixaanadaasi.

Wasiirka oo uu safakiisa Boorama ku wehelinayay Guddoomiyaha xafiiska imtixaanada ee dalka,  ayaa  shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar kaga warramay waxyaalihii uu ku soo arkay goobaha imtixaanadu ka socdeen ee dalka, isaga oo wacad ku maray inay la dagaalami doonaan  qishka.

Wasiirka oo ka hadlayey sida dugsiyada dalku u adeegsadaan qishka ayaa waxa uu farta ku fiiqay qaar ka mid ah dugsiyadda, gaarka loo leeyahay oo u muuqda inay dhiirrigeliyaan, hadday ka tanaasuli waayaanna ay bannaanka u soo saari doonaan.

SomlegalAds

Wasiirka ayaa ujeedada ka dambaysa la dagaalanka qishku tahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa tayada waxbarasho ee dalka, dhallinyaro aqoon lihina uga soo bixi lahaayeen jaamacadaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale shirkiisan jaraa’id ugu mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda, ciidamada amniga, kormeerayaasha, iyo cid kastoo ka qayb qaadatay sidii imtixaanadaasi ugu dhammaan lahaayeen nabadgelyo.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanada dalka Daa’uud Maxamed oo isgauna warbixin dheer ka sheegay shirkan jaraa’id ayaa tafaasiil ka bixiyay waxyaalihii la yaabka lahaa ee ay isla mareen ardayda imtixaanada geleysay oo uu sheegay inay tiradoodu gaadhayso ilaa 25, 000, isagoo guddoomiyuhu magacaabay ilaa laba dusgi oo kuwa gaarka ah oo ay shaqaaqooyin ka dhaceen magaalada Hargeysa. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shirkaasi jaraa’id ka caddeeyay inay hadda ka dib la dagaalami doonaan qishka, shirkadaha isgaadhsiintana ku wargelin doonaan sidii ay ugala shaqayn lahaayeen, ama iyagu soo iibsan doonaan qalabka khalkhaliya internetka ee goobaha imtixaanadda lagu qaado. Ugu da mbayntiina guddoomiyaha imtixaanadaadka ayaa shaaca ka qaaday in loo keenay lacago laaluush loogu keenay macallimiin uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa damiir iyo waddaninimo leh, si ay u fududeeyaan qishka, waana dembi waalidiintu ka geleyaan ubadkooda iyo qarankaba sida guddoomiyuhu sheegay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.