WorldRemitAds

Deraasad cusub oo dhawaan laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in midab takoorku uu dhibaato caafimaad ku keeno aadamaha, taas oo waxyeelo wayn u gaysata nolosha qofka lagula kacay.

Sida lagu qoray boga, “Health The News,” Baadhayaal caafimaad oo ka tirsan Jaamacada Rice University ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyay, in baadhitaan la samaynayay ilaa sanadkii 2004-tii ay muujisay in midab takoorka lagula kaco dadku uu dhibaato wayn u leeyahay aadamiga, waxaanay warbixintani sheegtay in boqolkiiba 18% ah dadka Madowgu ay dhibaato wayn ka soo gaadhay midab takoor lagula kacay, halka Boqolkiiba 4% dadka cadaanka ah ay iyagana dhibaato nololeed soo gaadhay.

SomlegalAds

Hogaamiyaha kooxdii baadhitaankan samaynayay oo lagu magacaabo Jennifer Prater, oo ka waramaysa dhibaatada caafimaad ee midab takoorka ayaa sheegtay in dhibanayaasha ugu badani ay yihiin dadka madowga ah, taas oo muujinaysa in dadku jinsi ahaan ay ku kala duwan yihiin u adkaysiga iyo raadka uu midab takoorku ku yeelan karo.

Haweenaydan madaxda u ahayd kooxaha baadhitaankan samaynayay, ayaa intaa ku dartay, “Muhiimadayadu kaliya may ahayn in aanu ogaano dhibaatada midab takoorku u leeyahay aadamiga, laakiin waxa aanu sidoo kale xaqiijinay, madowga iyo cadaanka ka uu dhibta ugu badan u gaysto iyo sababta ay labada jinsi ugu kala duwan yihiin dhibtaas.”

Sababta ay dadka madoobi ugu nugul yihiin, caafimaad darada ugu badana ay ugu yeelato takooridu ayaa khabiiradu ku tilmaameen, dhinaca aqoonta, nolosha guud ee ijtimaaciga ah iyo taageerada dhaqaale iyo goobaha ay ku nool yihiin, oo dhamaan ka wada hooseeya kuwa dadka cadaanka ahi ku nool yihiin.

Sida ay warbixintani sheegtay dadka cadaanku waxa ay haystaan nolol ficaan iyo dhaqaale badan iyo waliba cid ka taageerta, caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaan, halka dadka madowga ahi aanay helin fursado badan oo nolosha lafteedu aad ugu adag tahay, sabool-nimo badanina ay hadhaysay.

Dhinaca kale warbixintan ayaa muujisay natiijo isku mid ah marka aadamigu si siman, midab takoorku ugu dhaco, sida ay madaxa kooxdani sheegtayna qof kasta oo cadaan iyo madow ah haddii lagu cadaadiyo nolosha waxa soo gaadha dhibaato caafimaad oo raad ku yeelata noloshiisa mustaqbalka dhow iyo ka fog intaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.