Waxaanu halkan idiinku soo taxaynaa qaar ka mid ah Taariikhda iyo Dhacdooyinkii waaweynaa ee adduunyada soo maray bisha Barakaysan ee Ramadaan:
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka
- Ramadaan, Sannadkii 1aad ee soo diristii Nebigeenna (nabad iyo naxariista Alle korkiisa ha ahaatee) kuna beegnayd 610kii Miilaadiga waxaa bilaabmay waxyi ku soo degayey Rasuulka Alle (NNKH).
- Ramadaan, Sannadkii 10aad ee soo diristii Nebigeenna (NNKH) kuna beegnaa 620kii Miilaadiga waxaa geeriyootay illaahay raalli ha ka noqdee Khadiija ooridii Rasuulka iyo Hooyadii mu’miniinta.
- Ramadaan, Sannadkii 1aad ee Hijrada Nebiga (NNKH) ama sannadkii 623kii Miilaadiga waxaa la jideeyay eedaanka (in la adimo) si loogu tiraabo xilliga salaadda.
- Ramadaan, Sannadkii 2aad ee Hijriyada (624kii Miilaadiyada) waxaa la sharciyeeyay Salaadda Ciidda.
- Ramadaan, Sannadkii 2aad ee Hijriyada (624kii Miilaadiyada) waxaa muslimiinta lagu waajibiyay Sakada Fidriga ee la bixiyo inta aan salaada ciidal fidriga la tukan ka hor.
- Ramadaa, Sanadkii 2aad ee Hijriyada (624kii Miilaadiyada) waxaa dhacay duulaankii weynaa ee Badar oo ku beegnaa isla bisha ramadaan gudaheeda.
- Ramadaan, Sannadkii 4aad ee Hijriyada (626kii Miilaadiyada) Rasuulka Alle (NNKH) ayaa guursaday Saynab Bintu Khusaymah (Alle raalli ha ka ahaadee).
- Ramadaan, Sannadkii 8aad ee Hijriyada (630kii Miilaadiyada) Waxa la furtay magaalada xurmada badan ee Makkah al Mukarama.
- Ramadaan, Sannadkii 11aad ee Hijriyada (633kii Miilaadiyada) waxaa geeriyootay illaahay raalli ha ka ahaadee Faaduma inantii Rasuulka Alle (NNKH).
- Ramadaan, Sannadkii 40aad ee Hijriyada (661kii Miilaadiyada) waxaa shahiiday illaahay raalli ha ka ahaadee Cali Binu Abii Daalib.
- Ramadaan, Sannadkii 58aad ee Hijriyada (678kii Miilaadiyada) waxaa geeriyootay illaahay raalli ha ka ahaadee Hooyadii Mu’miniinta Caa’isha iyada oo 66-sannadood jirta.
- Ramadaan, Sannadkii 92aad ee Hijriyada (711aad Miilaadiyada) ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Daariq Binu Siyaad ayaa furtay Andalus oo ah dhulka imika loo yaqaano Spain ee koonfurta Yurub.
- Ramadaan, Sannadkii 95aad ee Hijriyada (714aad Miilaadiyada) Illaahay raalli ha ka noqdee Xajjaaj Binu Yuusuf ayaa dilay Saciid Binu Jubayr.
- Ramadaan, Sannadkii 95aad ee Hijriyada (714aad Miilaadiyada) waxa geeriyooday Xajjaaj Binu Yuusuf.
- Ramadaan, Sannadkii 132aad ee Hijriyada (750aad Miilaadiyada) Cabdillaahi Al-Cabbaasi ayaa Dimishiq qabsaday waxaana halkaasi ku burburtay dawladdii Umawiyiinta.
- Ramadaan, Sannadkii 181aad ee Hijriyada (797aad Miilaadiyada) rabi ha u naxariistee waxaa geeriyooday Caalimkii Cabdillaahi Ibnu Mubaarak.
- Ramadaan, Sannadkii 223aad ee Hijriyada (838aad Miilaadiyada) lmuctasim ayaa ciidan gurmad ah u diray gabadh muslimad ah oo Muctasimow ku barooratay iyada oo markaa ku sugnayd dhul gaalo ka taliso, waxaanu furtay Camuuriya.
- Ramadan, Sannadkii 261aad ee Hijriyada (968aad Miilaadiyada) waxaa la dhammaystiray Jaamical Az-har oo ka mid ah jaamacaddaha dunidda ugu da’da wayn isla markaana ahaan jirtay muddo dheer jaamacadda ugu wayn dunidda Muslimka ah.
- Ramadan, Sannadkii 658aad ee Hijriyada (1260aad Miilaadiyada) waxaa dhacay dagaalkii Cayn-Jaaluut oo uu hoggaaminayay Al-Mudafar Qidis.
- Ramadan, Sannadkii 666aad ee Hijriyada (1268aad Miilaadiyada) Al-Daahir Biibris ayaa qabsaday Antaakiya kaddib markii uu gacanta ku dhigay Tataarkii soo duulay.
- Ramadan, Sannadkii 927aad ee Hijriyada (1521aad Miilaadiyada) Suldaankii Cismaaniyiinta ee Saliimkii 1aad ayaa furay waddanka Hungary maanta loo yaqaan ee bariga qaaradda Yurub.