WorldRemitAds

Marka la afuro ka dib, waxa dad badan ku dhaca madax xanuun, madax xanuunka oo mararka qaarkood gaadha in dhafooradu damqadaan, isla markaana awood yaraan badan uu dareemo qofku, ilaa heer ay dhacdo in qofku awoodi kari waayo, cibaadaysiga habeenkii gaar ahaan Salaadda Taraawiixda. 

Haddaba waxa jira sababo badan oo keena Madax xanuunka gaar ahaana xidhiidh la leh soonka iyo bisha Barakaysan ee Ramadaan, sida dhakhaatiirtu tilmaamayaan qofku marka uu maalintii oo dhan soo soomanaado, waxa aad hoos ugu dhaca heerka sonkorta ee jidhkiisa ku jirta, taas oo sababta in neefta ama hawada maskaxdu u baahan tahay ee oxygen-ta loo yaqaanaa aad u yaraato.

SomlegalAds

Sonkorta uu dhiigu u baahan yahay ee xoojisa hawada maskaxdu u baahan tahay, ama aad u yaraynaysa heerka khalkhalka ku dhaca wareega dhiiga, waxa ay noqonaysaa mid aad heerkeedu u hooseeyo sida dhakhaatiirtu sheegayso, taas oo ku kooban qiyaas kooban oo maadada Glucose loo yaqaano ee sonkorta ku jirta ah.

Qiyaastan aadka u yar haddii qofku helo waxa suura gal noqota in maskaxdu heso neefta Oxygen-ta ku jirta ee loogu yeedho, Hemoglobin, taas oo si habsami ah u dhaqaajisa wareega dhiiga gaar ahaan qaybaha maskaxda taga ee dhiiga, laakiin haddii uu qofku isticmaalo cuntooyin sonkortu ku badan tahay, isla markaana dufan badan ama saliid xadigeedu badan yahay leh, waxa ku dhaca khal khal haleela dhiiga, kaas oo sababa in wareega dhiigu si xawli ah u shaqeeyo, ka dibna neefta Oxygen-ta loo yaqaano ee maskaxda gaadhaa yaraato.

Madax xanuunka dadka sooman ku dhaca habeenkii oo socda ilaa dhawr saacadood waxa intiisa ugu badani, ka dhashaa xadiga cunto ee qofku cuno oo caadiyan ka badan ama qiyaas ahaan aad uga sareeya heerka markaas wareega dhiiga iyo isku miisaanaanta shaqada jidhku qaadi karo ama awood u yeelan karo.

Haddaba sidee looga badbaadi karaa ama maxaa lagaga hor tagi karaa madax xanuunkaas? Had iyo jeer bisha barakaysan ee Ramadaan waxa dhacda in hurdadu ku yaraato dad badan, oo soo jeedka habeeku bato, waxa kale oo dhacda in nasashadu ku yaraato dad badan oo maalintii shaqeeya, habeenkiina laga yaabo in saacado ka badan intii caadiga ahaa ay seexdaan, waxay taasi dhalisaa in nasashada maskaxda iyo Jidhku yaraato, mar kasta oo xaaladaasi dhacdana waxa yimaada in madax xanuun badani dhaco.

Dhinaca kale waxa jira in bisha Ramadaan ay dad badani habeenkii cabaan shaah, Bun ama waxyaabo kale oo ay ku jirto maadada fir fircoonida galisa dhiiga ee loogu yeedho afka qalaad, caffeine taas oo wareega dhiiga xawli u dhaqaajisa, laakiin dadka aan la qabsan ku keenta in hoos u dhac ku yimaado dhiiga. Ama sida afka qalaad loo yaqaano qofku galo xaalad (Lack Of Symptoms ah, waxaana ka dhasha madax xanuun ku soo boodo ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.