WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 26, 2016, (Saxafi) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleemaan (Ramaax) ayaa wacad ku maray inaanu ka hadhi doonin wargeyska Sahan oo uu ku eedeeyay inuu ka qoray warar been abuur ah, isagoo dhinaca kalena guddoomiye Ramaax jawaab ka bixiywey hadallo ku saabsan heshiiska dekedda Berbera iyo dilalkii ka dhacay Gaashaamo.

Guddoomiye Ramaax oo gurigiisa Boorama kula hadlayey warbaahinta ayaa ugu horreyn jawaab ka bixiyey hadallo lagu baahiyey wargeyska Sahan kaasoo uu ku tilmaamay inuu ka qoray warar been abuur ah isagoo arrntaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. ‘Waxaan halkan ka caddaynayaa in wargeyska Sahan uu baahiyey warar been ah oo wax u dhimaya shakhsiyaddiisa, iyo masuuliyaddiisaba sidaa darteedna aan maxkamad isla tegi doono wixii ilaahay noo kala gooyana aan ku kala calaf qaadi doono.”

Badhasaabka oo la hadlayey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa waxa uu yidhi ‘Waxaan leeyahay Siciidow shaqo ha ka dhiganin dekedda Berbera iyo heshiiska dawladdu la gashay, anigu waxaan kuu aqaan ‘Siciid Towtowle” mar walbana umadda waxaad ku jihaysaa wax aan dantooda ahayn, dekedda Berbera heshiiska lala galay waa mid mustaqabal wanaagsan geyeysiinaya dadka iyo dalka iyo dhallinyaradeenna badaha ku daadanaysa oo shaqo ka heleya ka daa umadda beenta aad ku akhriyeyso, tan ad leedahay Itoobiyaa dad naga laysayna dee shil wuu dhici karaa nidaam dawladeebaana lagu xallin karaa, labada dal weli waa laba dal xidhiidhkoodu wanaag sanyahay, dhacdadaasina maaha mid wax u dhimaysa ee jidkeedaa loo mari, hana isku dirin labada umadood ee walaalaha ah iyo labada dawladoodba “

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.