WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 26, 2016, (Saxafi) – Agaasimaha Guud ee wasaaradda ganacsiga ayaa Jimcihii Boorama ka furay carwo loogu magac daray ‘Ramadaan Bazaar” taasoo haatan u muuqata mid loogu talo-galay inay ka dukaamaystaan dadka iska ladan ee lacagta haysta.

Carwadan oo laga furay huteel ku yaalla daafaha Magaalada ayaa waxa buux dhaafiyey badeecado kala duwan oo laga soo daabulay magaalooyinka waa weyn ee dalka, kuwaas oo isugu jira dhar, cuntooyin sharaab iyo alaabooyinka guryaha.

Wariyaha Saxafi ee Awdal Maxamed Cumar Sheekh oo booqday ayaa warbixintiisa ku yidhi. “Mar aan tegey carwadaasi ayaa waxan ogaaday in dadweynaha wax ka iibsanayay badi ku yimaaddeen gaadiidkooda, wax lug ku yimi halkaasina iskaba yaraa, maadaama meesha lagu soo bandhigay alaabooyinkaasi ka baxsantahay magaalada gudaheeda.

SomlegalAds

Dhinaca kale, ascaarta lagu iibinayey badeecadahaasi ayaa aad uga sarreeya kuwa suuqa loona baahnaa inay ka hooseeyaan sida ay ku baaqeen masuulyiintii carwadaasi iyo masuuliyiintii dawladda ee daaha ka rogtay. Tusaale ahaan, mar aan baayacxay kiilooga hilibka kaluunka ah, ayaa waxay iigu sheegeen inuu yahay lix Doolar, halka kiilooga isla kalluunkaas ahina uu suuqa ka joogay saddex Doollar, waxaan baayacay kabo suuqa ka jooga shan Doolar oo ay iigu sheegeen ilaa toban Doolar. Badeecadaha halkaa yaalla ayaa qaarkood taariikhdii ay dhacyeeni aad u dhawdahay, sidaa darteedna ganacsatada qaarkood ula soo yaaceen carwadan. In kastoo ay jiraan alaabo iyo badeecado dalka iyo magaaladaba ku cusub, sida cosmetics iyo sharaabka oo halkaa yaallay hase yeeshee, loo baahnaa in dadka laga sii dhaadhiciyo faa’iidooyinkooda iyo cidda iibsan karta. Calaa kulli xaal, carwadan la magac baxday ‘Ramadaan Bazaar ” ayaa u muuqata mid qayb ka mid ah dadka magaalada loogu talo galay, badi danyarta magaaladuna indhaha uun ka eegayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.