WorldRemitAds

Burco, Somaliland, June 26, 2016 (Saxafi) – Wefti wasiiro ah oo kulamo albaabadu u xidhan yihiin la yeeshey cuqaasha iyo madaxdhaqameedka gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, kaasi oo shirkaasi ku qotomay xasuuqii  ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad ee Gaashaamo ee dalka Itoobiya.

Weftigu oo markii shirkaasi dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka kala hadleen sidii nabadda u qaadan lahaayeen, isla markaaana amniga u ilaalin lahaayeen.

Weftigan wasiiradda oo ka koobnaa wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdilahi Saxardid Cadani iyo gudomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo.

SomlegalAds

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la waydiiyey xukuumad ahaan waxay ka qabteen xasuuqii ka dhacay Gaashaamo iyo xadhiga loo geystay wariyaha HCTV, waxaanu yidhi“Waxa la yidhi al fidna na’ima nacalaahu minaqada fidnadu way hurudda ilaahay ha nacdaalo ciddii toosisa, anagu mana odhan dadyahow waxba ha sheeganina manaanan odhan dadyahow ha dagaalamina waxa aanu u sheegnay nabada ka dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya oo tacab badan, dhaqaale badan iyo hawlo badan la galiyey oo qiimo badan inagu joogta. In nabada xumo way imaneyaan adduunyadu inta ay jirto shalay-na way dhacday dorad waana dhacday berina way dhacaysa.laakinse, in caqli lagu xaliyo oo aan cunfii iyo dhibaato intii ka daran ka hor lagu xalin ee gardhigasho iyo wada hadal sookeyenimo lagu xaliyo ayey nala qaateen iyaguna inoola yimadeen, waayo dadkani meel kala tegaya maaha waa dad meesha ku wada nool wada degan nina degaankiisa kama guurayo.

In meesha nabad ku wada noolaadaan oo wixii dhacayna la iska dow mariyo ayaanu kula talinay, arrinta weriyaha anigu ku odhan kari maayo been baad sheegtay oo oday baad tahay, laakinse waanu kala hadalnay oo waanu kala xidhiidhnay anaguna waxanu nahay dowlado. Dowladuhuna si gaar ah ayey u wada hadlaan, ama khaladka anagu aanu yeelano ama iyagu ay yeeshaan waxa ay ku dhamaaneysa sida uga dhakhsaha badan.”

Dhinaca kale, waxa kale oo warar kale aanu helayno ku salaysan weftiga wasiirada xukuumadda Somaliland in ay dadkii ka soo qaxay deegaanka gaashaamo gaara ahaan jaamac dubad ay raashiin u qaybiyeen, kuwaas oo hadda ku nool degmooyinka hoos yimaada gobolka Togdheer, waxana sidoo kale weftiga wasiiradu u ambabaxeen isla gelinkii dambe ee shalay  dhinaca iyo magalada Laascanood ee gobolka Sool oo dagaal mar labaad ka dhex qarxay laba arda oo walaalo ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.