WorldRemitAds

 

Dalka Hindiya oo ah kan labaad ee dunida ugu dadka badan, isla markaana ay ka jiraan dhaqamo iyo diimo tiro badan, inta ugu badan dadkiisuna reer Miyi iyo dad aan aqoon lahayn ay yihiin, ayaa sharci adag ku soo rogay dadka candhuufta ama xaakada ku tufa, goobaha fagaarayaasha ah ee dadku ku kulmaan.

SomlegalAds

Sida wargeysyada iyo warbaahinta kala duwan ee dunidu sheegtay waxa sida sharcigan cusubi dhigayo gabi ahaanba dalkaas meel kasta oo ka mid ah gaar ahaan gobolka Maharashtra, lagu soo rogay in aan xaako iyo candhuuf midna lagu tufi Karin goobaha fagaarayaasha ah iyo meelaha dadku isugu yimaadaan ee ay ku kulmaan.

Sida sharcigani dhigayo waxa qof kasta oo gala danbigaas ee jabiya sharciga cusub lagu ciqaab marin doonaa, lacag ganaax ah oo shan jeer ka badan ta lagu ganaaxo gaadiidka baal mara sharciyada waddo marista ee dalkaas.

Sida la sheegay waxa qof kasta oo candhuuf ama xaako ku tufa goobaha lagu kulmo lagu ganaaxi doonaa, shan iyo toban dollar iyo dheeraad taas oo marka la eego ka noqonaysa lacag aad ugu badan dadka ku dhaqan dalkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.