WorldRemitAds

 

Wasaarada Khasnada Qaranka ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii shaaca ka qaaday in ay soo daabici doonto, lacagta noodhka ah oo markii ugu horaysay taariikhda dalka Maraykanka lagu soo daabici doono, sawir dumar, taas oo noqonaysa markii ugu horaysay.

Sida wasaarada khasnada Maraykanku sheegtay waxa haweenay lagu sawiri doonaa lacagta noodhka tobanka dollar ah, waxaanay bedeli doonta noodhkii hore ee tobanka dollar ah, taas oo sawir nin ku dhejisnaan jiray boqolkii sanadood ee ugu danbeeyay.

SomlegalAds

Talaabadan uu shaaciyay wasiirka khasnada qaranka Maraykanka Mr. Jacob ayaa la sheegay in muddo shan sanadood ah, loo qaadi doono afti dadweyne ama aragtidooda laga qaadi doono shacabka ku dhaqan dalkaas, si ay iyagu u dooraan haweenayda ay noqon doonto ta lagu dhejinayo sawirkeeda.

Sida wasiir Jacob sheegay waxa jira hadal hayn badan oo ku dhex wareegaysa bulshada, laakiin ilaa wali lama cadayn haweenayda sida rasmiga ah loogu dhejin doono lacagta noodhka tobanka dollar ah ee dalka Maraykanka.

Noodhka tobanka dollar ah ee imika laga isticmaalo dalka Maraykanka ama lacagta noodhka ah ee dollarka ka midka ah, waxa ku dhegsan sawirka wasiirkii ugu horeeyay ee khasnada qaranka u noqday dalka Maraykanka, kaas oo lagu magacaabi jiray Alexander Hamilton.

Haweenka sida wayn loo hadal hayo ama loo filayo in sawirkooda lagu dhejiyo waxa ugu horaysay, xaaska ama marwada madaxweynihii ugu horeeyay dalka Maraykanka George Washington taas oo lagu magacaabi jiray Martha Washington.

Waxa kale oo Iyana kaalmaha ugu horeeya dumarka u sharaxan in sawirkooda lagu dhejiyo tobanka dollar ka mid ah, gabadh ka soo jeeda qoomiyada Hindida Cas Cas ee (Red Indian) Ka loogu yeedho, taas oo uu dhalay hogaamiye qoomiyadaa ka tirsanaan jiray, iyadana lagu magacaabo Pocahontas, taas oo dhawr sanadood oo kaliya sawirkeeda lagu dhejiyay lacagta noodhka ah ee labaatanka dollar ee Maraykanka ah badhtamihii qarnigii sagaal iyo tobnaad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.