WorldRemitAds
Ma Ogtahay In Dhawaaqa Ilmuhu ugu hor barto kana dhex garto codadka kale uu yahay codka hooyadii, kaas oo uu barto, si fiicana u maqlo inta uu Uurka ku jiro ee aanu soo dhalan, sida baadhitaano cilmi muujiyeen.

Ma Ogtahay, in Maroodigu dhinto haddii qudhaanjo dhegta ka gasho, taas oo lagu ogaaday, baadhitaano dhakhaatiirta xooluhu sameeyeen.
Ma Ogtahay, in ceelkii ugu horeeyay dunida ee Naafto laga soo saaraa ahaa, sanadkii 1859-kii, kaas oo laga qoday gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.
Ma Ogtahay, In Beertii Ugu Horaysay ee Xayawaanka Lagu rabeeyo Dunida sanadkii 1793 laga sameeyay Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Ma Ogtahay, In dagaalkii Ugu dheeraa dunidu dhex Maray waddamada Faransiiska Iyo Ingriiska, kaas oo socday boqol iyo shan iyo toban sanadood, loona yaqaano dagaalkii qarniga, wuxuu dagaalkaasi socday, intii u dhaxsay, 1338-kii ilaa 1453-kii Milaadiga.
Ma Ogtahay, In 640-Cisho Maroodigu Uurka hooyadii ku Jiro.
Ma Ogtahay, In Masaafada Codka Libaaxa laga maqli karaa tahay 8km.
Ma Ogtahay, In Bisadu samayn karto ilaa 100-cod oo kala duwan, halka Eygu 10-Cod oo qudha u ciyi karo.
Ma Ogtahay, In Maalin kasta Dunida lagu qiijiyo 15, 3-Bilyan Xabo Oo Sigaar ah, taas oo laba jeer ka badan tirada dadka dunida ku nool.
Ma Ogtahay, In Jidadka waaweyn ee magaalooyinka dalka Jaban aanay lahayn magacyo, sida caasimaddaha kale ee dunida magacyo jidadku u leeyihiin.
Ma Ogtahay In Basashu tahay shayga labaad ee milixda soo raaca ee dhamaan aadamigu ka siman yahay, hadday tahay ku darsashada cuntada iyo inay u aaminsan yihiin khudaarta dawada laga helo.
Ma Ogtahay in saliida iyo biyaha oo ka mid ah waxyaabaha aan isku fadhxamin, la isku dari karo waliba si fudud ay isku Fal gali karaan haddii sabuun lagu daro.
Ma Ogtahay in Timirtu marka ay si fiican u bislaato dawo ka noqoto calool istaaga, marka aanay bislaana dawayso casiraada iyo cuduro badan.
Ma Ogtahay in farasku dhinto haddii dabada laga gooyo oo aanu noolaan Karin.
Ma Ogtahay in bisadaha, Fardaha iyo Bakayluhu ka mid yihiin xayawaanada ugu maqalka wanaagsan.     

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.