WorldRemitAds
Waxa arbacadii dib dhulka ugu soo laabtay cirbixiyeenka reer Maraykanka ee Scott Kelly, kaas oo muddo sanad ah safar ugu maqnaa saldhiga caalamiga ah ee hawada sare, waxaanu dhigay rikoodhkii ugu sareeyay ee joogista hawada sare.

Scott Kelly, oo 52-jir da’diisu tahay ayaa isaga iyo labo cirbixiyeen oo Ruush ahi ku soo wada dageen saldhiga hawada sare ee dalka Kazakhstan, waxaana soo degitaankoodu ahaa mid si wayn warbaahinta dunidu ugu xiiso qabtay, oo daqiiqado yar uun ka dib markii ay ka soo dageen qalabka Capsule-ka ee ay dib dhulka ugu soo gurya noqdeen, waraysiyo ku boobeen warfidiyeenadu.
Sida warbaahintu sheegtay muddadii 340-cisho ahayd ee uu safarka ku joogay saldhiga caalamiga ah ee hawada sare, ka shaqaynayay hawlo dib u habayn iyo casriyayn ah oo xaruntaas lagu samaynayay, waxaana halkaas bil walba ugu tagi jiray cirbixiyeeno ka socda dunida gaar ahaana dalka Ruushka, kuwaas oo marka ay muddo kooban la shaqeeyaan dib iyagu dhulka ugu soo noqonayay.
Wakaalada duulista iyo sahaminta hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee (NASA) ayaa joogitaanka Scott Kelly ahmiyad gaar ah ugu fadhiyay, waxaanay NASA, si wayn u danaynaysay soo noqoshada cirbixiyeenkan oo daaha ka rogi doonta saamaynta joogista hawada sare ku yeelan karto aadamiga, gaar ahaan caafimaadka iyo qaab dhismeedkiisa jidheed.
Guud ahaan dalka Maraykanka ayaa si diiran looga soo dhaweeyay soo noqoshada cirbixiyeenkan, waxaanu ahaa qofkii ugu hor hambalyeeyay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo boogiisa Twitter-ka ku qoray hambalyo iyo soo dhawaynta cirbixiyeen Scott Kelly oo saacadaha soo socda lagu wado inuu gaadho dalkiisa hooyo ee Maraykanka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.