WorldRemitAds
Xidigiska dalka Shiinaha ayaa si balaadhan uga faalooday, saadaasha sannadkooda cusub ee tirsiga dayaxa, kaas oo curashadiisu ku beegnayd saddex todobaad ka hor, waxaanay dadka xidigiska ee Shiinuhu sheegeen in sanadkani noqon doono, mid qalalaase siyaasadeed iyo dhaqaale dunidu geli doonto.

Sanadka Shiinaha oo xayawaanada loogu magac daro ama lagu sumado, ayaa sanadkana uu sitaa magac xayawaan oo ah Daanyeerka, kaas oo dhaqan ahaan ay dadka Shiinuhu ka warwaraan, kuna tiriyaan sanadaha nuxsiga ah ee dhaqaale burburka sababa.
Haddii aynu u soo noqono saadasha ay sanadkan ka yidhaahdeen xidigiska Shiinuhu waxa suura gal ah in sanadkan, dagaal wayni oo quwadaha dunidu ku lug leeyihiin ka dhici karo dunida, sida ay saadaashooda ku sheegeen.
Waxa kale oo sanadka daanyeerka ee Shiinuhu, caadiyan yahay mid is badalo badan ka taga oo dunida, waxyaabo badani ka dhacaan muddada 12-ka bilood ee lagu gudo jiro sanadka.
Sida xidigiska aadka looga danbeeyo dalka Shiinaha ee Mong Singh uu wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), u sheegay, waxa sanadka Daanyeerka ee Shiinaha guulaysta haweenka oo iyagu ku bili wanaagsan sanadka Daanyeerka.
Waxaanu saadaashiisa ku daray in Hillary Clinton noqon karto Madaxweynaha Maraykanka, waxa kale oo uu sheegay in dhaqaale burbur wayni dunida ka dhici karo, inta lagu gudo jiro sanadka Daanyeerka ee tirsiga Dayaxa ay ka dheegtaan dadka Shiinuhu.
Mr. Singh waxa uu saadaashisa ku daray in xanuunada saf marka ah ee degdega u fidaa dunida ka curan karaan, kuwaas oo sida uu ku doodayo ay suura gal noqon karto in dad badani u dhintaan.
In kasta oo aanu sadaashiisa ku cadayn meelaha uu saamaynta togan ku yeelan karo, haddana waxa uu ku cel celiyay in sanadkan sida ay dhaqan ahaan uga barteen la filan karo is badalo waaweyn oo dunida gilgila, gaar ahaan siyaasada iyo dhaqaalaha, taas oo sida uu ku doodayo loo baahan yahay in dadka taladu ka go’do ee dunidu ay saadaashooda tix gelin gaar ah siiyaan si looga digtoonaado in dunidu ku dhacdo qaaba qowsayn iyo meel halis ah.
Sida wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), sheegtay Mr. Singh waxa uu ka mid yahay dadka xidigiska dalka Shiinaha ugu horeeya, inta badana saadaashoodu rumowdo, taas oo ah sida wakaaladu sheegtay sababta ay u doorteen inay isaga wax ka waydiiyaan.
Haddaba sadex todobaad ka dib curashada Sanadka Shiinaha waxa durba muuqata in sadaashii Singh ay ka rumowday Hillary Clinton inay guul wayn ka soo hoysay tartankii gudaha xisbiga Dumuqraadiga ee doorashada Madaxtinimada dalka Maraykanka ee 2016-ka.
Akhriste ogow in xidigiska, faalka iyo sixirka diinteena Islaamku inaga xaarantinimaysay in la rumaystaana caqiido xumo noqonayso, mana ah sababta aanu sheekadani u soo qaadanay mid aanu ku taageersanaay sadaasha xidigiska Shiinaha ee kaliya waa in aynu wax ka ogaano fikirada umadaha kale ee dunida inagula dhaqan iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.