WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 10, 2016 (Saxafi) – Axsaabta Siyaasadda Somaliland, ayaa bog cusub oo aan hore loogu aqoon u bilaabmay, kaas oo ah inuu dagaalkoodii Afku isu roggay inay isugu hanjabaan Dil toogasho ah.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa dacwad ka dhan ah gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe u gudbiyey guddida doorashooyinka iyo hay’adaha ay khusayso oo ay ka dalbadeen inay talaabo ka qaadaan, ka dib markii sida la sheegay uu dil ugu hanjabay gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro.
Qoraal ka soo baxay xisbiga WADANI oo uu ku saxeexan yahay ku xigeenka kowaad ee xisbigaasi Axmed Mumin Seed ayaa ujeedadeeda lagu sheegay dacwad hanjabaaad ah oo ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabi oo gudoomiye Cirro ugu hanjabay dil toogasho ah wakhti shirku wada jireen xisbiyadda iyo guddida doorashooyinka.
“Annaga oo ah madaxda Xisbiga WADDANI, waxanu halkan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbineynaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 shir ka socday xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro). Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa goobjoog ka ahaa shan xubnood oo ka tirsan Koomishanka Doorashoyinka Qaranka iyo todoba xubnood oo wakiilada saddexda xisbi qaran u jooga Komishanka. ”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xisbiga WADANI oo uu ku saxeexnaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga Axmed Mumin Seed.
Waxaana dacwadaasi lagu sharaxaya sida sharciga iyo amniga uga hor imanayso, waxaana lagu yidhi “Hanjabaadda Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah xadgudub ugu tahay ammaanka iyo xoriyadda shakhsiyeed ee Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha guud ee qaranka iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Falkan uu ku kacay Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe wuxu lid ku yahay qodobada dastuurka ah ee ay ka midka yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo dhawrsoonaanta sharaftiisa, magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo ammaanka guud ee Somaliland.
Haddaba Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday xaruntooda isla markaasna goobjoog ahaa, waxa xil ka saaranyahay inay talaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna talaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gudtaan dhacdadan.
Ugu dambayn Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u hoggaansanyahay dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama isla markaasna wuxu dhawrayaa anshaxa tartanka doorashooyinka, wuxuna tixgalin baaxad leh u hayaa go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa. ”.
Dhinaca kale, gudoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabbe ayaa sheegay in kalmadda aan idhi ee toogashada aan ku xidhay haddii sharciga lagu dhaqmi maayo, haseyeshee, guddida doorashooyinku soo saareen sharci lagu dhaqmi doono diiwaangelinta.
Sidoo kale, waxa uu gudoomiye CIrro ku eedeeyey inuu wasiir ku yidhi waan ku toogani, kaasi oo loo hayo markhaati lix qof ah.
Faysal Cali Waraabe oo dacwaddan xisbiga wadani u gudbiyey guddida doorashooyinka ka jawaabaya waxa uu yidhi “Waa nasiib daro in xisbiga WADANI aan ogahay inuu dalka qasay khatar galiyey diiwaangelinta oo uu olole u bedelay oo sharci daro ku fadhiyo gudoomiyahoodu, isagoo ah gudoomiyihii mucaaradka ah iyo gudoomiyihii golaha wakiiladda, wuxu sameeyay waxa ka mid ah xeerkii la ansixiyey ee la isku raacay uu kaligii wax ka bedel ku sameeyey oo guurtidda u bedelay, gudoomiye ku xigeenkiisa feedhay, wasiirka xidhiidhka goleyaasha wuxu ku yidhi madaxa ayaan ka tooganayaa oo lix markhaati loo hayo, in khaladkiisii inay kayga ku qariyaan waa nasiib daro, shalay waanu fadhinay meesha, dacwad baanu geynay saddexda xisbi baa wada fadhiyey, waxaan idhi hadii aan xeer na kala saara la samayn oo diiwaangelinta loo bedelo olole siyaasadeed oo xeer hab dhaqan la samayn waa la is dili doonnaa, waa la is toogan oo waan toogani Cirro ayaan idhi haddii aan sharci jirin, waxa la igu yidhi ka saar intaas waayahay baan idhi, laakiin tii uu yidhi oo lix markhaati loo hayo oo uu yidhi waan ku tooganayaa, anigu waxaan idhiba haddii aan sharciga la samayn, taas miyaa la ilaaway, hadana waan ku celinayaa hadii aanu Cirro damiir shakhsi la iman oo xeerka ilaalin waayo ama sharci lagu xakameyn dalka qas buu galinayaa, hadii qofku kursi uun ku waashay oo aanu damiir lahayn waa in la helaa wax qabta, marka anigu sidaas baan u jeeday xeerkiina waa ta la soo saaray, waana lama huraan hadii aan sharci lagu kala socdo la samayn waa la is wada dilayaa”.
Si kastaba ha ahaatee, dacwadaha noocan ah ayaa ah mid ku cusub miidaanka siyaasadda, isla markaana aanay hore dacwaddo sidan oo kale ah usoo marin guddida doorashooyinka, haseyeeshee waxa laga war sugi doonaa talaabooyinka ay qaadi doonaan, mar haddii dacwaddii hore ee uu xisbiga UCID gudbiyey si deg deg ah uga jawaabaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.