WorldRemitAds

By: Cabdi casiis Bashiir Nuur

Dalka kasta oo Afrikaan ah waxaa caado u ah in ninka xilka hayaa iyo kuwa ku hareeraysan ay dhaliisha dadweynaha iska indho tiraan. Haddaba, xukunkii Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre waxaa caanbaxay kalmado ay ka mid ahaayeen Guulwadayaasha iyo qaar kale balse hadaan hoos ugu daadago nuxurka maqaalkaygan Akhriste bal nala eeg liiska xukuumadda Axmed Siilaanyo Guulwadayaasha ku Hareeraysan iyo Magacyadooda.

1: Cabdillahi Maxamed Daahir Cukuse Oo Hore u ahaa gudoomiyaha Wargeyska Saxansaxo isla markaana ahaa ninkii ugu dhaliisha badnaa Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin isaga oo marar badan wax ceeb ah ka qori jiray Qoyskii Madaxweyne Rayaale hadana ah ninka ugu Guul wadaysan Xukuumada Siilanyo .

SomlegalAds

2: Cabdillaahi Cismaan Geeljire  oo caan ku ahaa sheeko la odhan jiray Dube iyo Doolaal sheekadaasi oo ahayd mid maad badan oo dad badani jeclaayeen oo meel ka dhacyo badan lagu bartay, ayaa sheekadii waxa uu Geeljire ku helay Xilwasiirnimo laakiin qoraalkiisii iyo xilka uu hayo waxay noqdeen Kaaf iyo Kaladheeri, waana ninka labaad ee ugu Guulwadaynta badan isaga oo aan fadhiisan Xafiiskiisa balse, had iyo goor lagu arko  Xarunta Madaxtooyada.

3: Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore u ahaa Maareeyihii shirkada ganacsiga Telefoonada ee SOMTEL iyo Xubin ka mid ah komishankii hore ee dalka ee khalkhalka gelin gaadhay dalka markii ay go’aamo iska hor imanayay  ay gaadheen, taasi oo keentay in khilaaf badani soo kala dhex galo mucaaradkii iyo xukuumadii markaa  jirtay, iyada oo markii khilaafku uu sii cuslaaday beesha caalamku soo kala dhex gashay komishankaasina la kala diray in kasta oo uu waxyar ka hor iska casilay. Wasiir Xirsi oo lagu yaqaanaykanugu khilaafka badan ayaa waxa uu xitaa gaadhay heer lagu eedeeyo  inuu gaadhi qori saaray duleedka magaalada Burco isaga oo doonayay in uu dalka khalkhal geliyo, sida uu sheegay wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha  Cabdillaahi Cirro. Xirsi ayaa waxa laga dhigay Cheif of cabinet-ka taasi oo keentay in uu isku qaato in uu ka sareeyo wasiirada iyada oo qaar badan oo ka tirsan wasiirada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay iska horyimaadeen, kadibna waxa laga dhigay Wasiirka madaxtooyadaSomaliland. Wasiir Xirsi ayaa waxa loo arkaa inuu yahay ninka ugu awooda badan Golaha Wasiirada Somaliland iyada oo uu awood badan ka haysto Madaxweynaha.

4: Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah ninka ugu laab-qaboojinta badan Golaha Wasiirada Somaliland.

5: Wasiir Duur oo hore u ahaa Xildhibaan Golaha Wakiilada ayaa waxa lagu tiriyaa nin aan lahayn khibrad badan oo Siyaasadeed, balse waxa uu ku helay Wasiirnimada Mucaaradad uu kaga horyimid Xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB ee lagu soo doortay magaciisa.

6: Wasiirka Duulista iyo Hawada oo loo arko ninka ugu Qabyaalada badan Golaha Wasiirada Somaliland isaga oo markii loo magacaabay Wasiirka bedelay shaqaalihii hore uga shaqayn jiray Wasaarada, xitaa ceebta dhacday waxa uu cheif protocol ka dhigtay wiil uu adeer u yahay oo ahaa nin ka tirsanaa Xisbigii UDUB isaga oo xitaa Wargeysyada ku qori jiray in Madaxda Xisbiga KULMIYE ay Xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab iyo inay dagaal dalka ku wadaan hadii ay doorashada lagaga helo waxaasi oo dhan waa wax qoran oo ilaa hada la hayo, halka qaar kale oo ahaa shaqaale hore lagu eryay UDUB ayaad ahayd marka ka caayayay Kulmiye ee cadaystay maxaa shaqada loo siiyay ka Jawaab Akhrite Adigu?

7: Agaasimaha TV. Qaranka Somaliland waxa uu ahaa nin ka hadli jiray Idaacadii Horyaal oo loo tirinayay Xisbiga Kulmiye Isaga oo ku hadli jiray wax alaale wixii ku soo dhaca Afkiisa, ninkaasi oo markaan dhegeysto haddalkiisu iigu muuqday inuu ka baxsanaa anshaxa Saxaafada. Agaasime Dhuxul waakanla jaan qaadi kari la’ saxaafadda, waxaana uu ku ceeboobay oo uu ku fashilmay in si toos ah loo daawo xafladiiLondonhalka uu HORN CABLE TV uu toos u soo tebiyay

 Akhritayaal la Socda Cadadyada danbe ee Qoraalkan————————By: Cabdiasiis Bashiir Nuur

Freelance Journalist

Hargeysa/Somaliland

Tel: 4144434

Email: c.casiis98@hotmail.com

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.