WorldRemitAds

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanu Adeer iyo Abti toona uga leexan doonin danta qaran wixii uu u arko, isagoo tusaale u soo qaatay guriga Kheyriyadda oo muwaadin kiro ugu jiray muran ka keenay iyo dhisme hotel oo laga dhex waday xayn-daabka Madaarka Hargeysa oo ay dawladdu joojisay….


“Kheyriyada Waxaanu Garanay In Laga Dhigo Madxaf Taariikhda Somalliland Lagu Ururiyo, Laakiin ninkii Laga Kireeyay Lix Bilood Baanu Murmaynay…. Oo Leh Madaxweynahaa I Dulmaya”


“Nin waliba gurigiisa iyo qoyskiisa oo dawlad ah heli maayo…”


“Somaliland waxay doonaysaa inay laba isla hesho, bahasha reer inoogu qaybi oo annaga ninkaas noogu dhiib iyo dawlad wanaagsan dhis”


“Tallaabadii La Qaadaba Haddii La Yidhaahdo Waa La Noo Jeeddaa Waxba Socon Maayaan”


Hargeysa, Somaliland, February 07, 2019 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Warbaahinta iyo Waxbarashadaba looga baahan yahay inay ummada wax baraan oo ka saaraan nidaamka qabyaallada ah. Waxaana uu tilmaamay in aanu qaran ku socon karrin ehel iyo xassabo.

SomlegalAds

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeedinayay kullayada macalimiinta oo uu furay ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday baahida loo qabo in la isku tashado.

Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi sidan. “Waxbarashadu kuma timaado dawaro iyo in ciddii kuu dhisto dugsiyadaada iyo inay ciddi kaa taageerto ardaydaada wax baristooda.

Qaran weliba wuu karaa inuu dadkiisa wax baro oo uu tacliintiisa wanaajiyo marka uu u midoobo, ee uu hantidiisa u huro. Saaka markii aan dugsi hoose/dhexe oo Hargeysa ah maraayey, fasal baan galay, waxaan eegay miisaanta taalla, waa loox iyo bir lagu rakibay oo la laabay, oo ay ardaydu ku fadhido, nijaar kasta oo Hargeysa joogaa maalintii toban buu samayn karaa. Waxa yaxyax lahaa dhammaan miisaantaas waxa hortooda ku qornayd UNICEF, Norway, UNDP, iwm, kuwa intaas ku qoray iyaga laftooda ceeb bay ku tahay oo waxba inamay siin, ummadda miisaantaas Looxa iyo Birta ah qabsan kari waynayna ceeb bay inagu tahay, ummad hore u socotana ma nihin. Dugsiyada Hargeysa ama Burco ama magaalooyinka kale ku yaala, nijaariinta magaallo kasta joogtaa way ku filan yihiin inay miis iyo kursi u sameeyaan. Looxa in la soo iibiyo iyo in nijaarka maalintaas qadadiisa la siiyana dadka inta hantida haysataa way ku filan yihiin, nasiib-darro uma jeedno ee waxaan micno lahayn ayeynu ka shaqaynaa. Markaa ilmaha miiskii uu wax ku baranayey ay ku qoran tahay waxa kugu caawiyey Unicef ama Norway, sow inagu kumaynaan abuurin inuu is yidhaahdo u tahriib cidan miiska ku qoran ee kuu soo samaysay. Yaa hagraday, dee inaga.

Kharashka inagaga baxa gurmadka qabaa’ilkeena is-dilaya, muranka dhulka, doodda iyo faanka dhexdeena, iyo kharashka inagaga baxa bileyska iyo qabta wax buu boobaye, wuxuu inoo dhisi lahaa macalimiinta, wasaaradda waxbarashada iyo da’ yarteena oo mustaqbalka caalamka ka qayb-geli lahaa.

Dhibaatada ina haysataa waxa weeye waxaynu nahay dad maskaxdoodu ku wada jeedo xanuun “Traumatized”, kaas oo ah adigu wax iska celi, is ilaali cid walba, xataa qofku aanu jaarkiisii la shaqayn karaynin. Tusaale ayaan idin siinayaa haddii maanta qof jaarkaaga ahi dhinto meel kasta oo Soomaali joogto ayaan sheegayaaye, waxa la odhanayaa ninku qoloma ayuu ahaa, miyaanu lahayn cid aasta, waxaad arkaysaa qof aaskiisa laba qof joogaan, kaasi waa ka aan cidi garanayn ee jaarkiisiina aanay soo raacin, haddana waxaad arkaysaa mid xaafadihiisa magaalada ka buuxaan, oo maalintaas magaaladu wada dhaqaaqayso oo aan cidi shaqo tegayn. Markaa taasi Qabyaaladii way dhaaftay, waa cabsi shakhsiyana, qof waliba difaac ayuu ku jiraa hadduu taajir yahay, ama faqiir yar, hadduu madax yahay iyo hadduu mijo yahayba. Waxa inaga maqan inaynu garano inay Somaliland oo dhami tahay qof keliya, sidaas darteedna inaynu garano inaynaan ka baxay dhibaatooyinka ina haysta ilaa inagoo isu tagna oo waxeena isku geyna. Laakiin ka madaxda ah waa tuug uun baa la leeyahay oo wuu cararayaa uun, ka faqiirka ahna cidi waxba gaadhsiin mayso, ragga intiisa badanina way qayilayaan, islaamuhuna carruurtii uun bay la rafanayaan. Sawirka nolosha aynu ku noolnahay waa kaas. Cidda bedeli kartaa waa wasaaradda Waxbarashada iyo aqoonta.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka sheekeeyay dhaqaale yarida macalinka, agaasimaha iyo shaqaalaha kalena haysata, kuwaas oo uu sheegay inaanu mushaharkiisu ku filnayn, hase yeeshee waxa uu xusay inaan ummadda reer Somaliland dhaqaale ku filan aanay u waayin ee ay jirto is-aaminaan darro dawladda iyo dadka ganacsatada ee cashuurta laga qaadayo ka dhaxaysa.

“Miyeynu u weynay haddaynu Qaranka nahay waynu is weydiinaynaaye? Waa maya. Laakiin waxa inaga maqan is aaminaadii, laakiin waxa inaga maqan is aaminaadii. Ka wax haysta haddii la yidhaahdo hala cashuuro, oo lacagtii dadkaas la siin lahaa hala ururiyo, wuxuu ka shakisan yahay ka loo dhiibayo ee dawladda ah ee wasiirka iyo Madaxweynaha ah oo wuxuu u haystaa inay cunayaan. Waa dhab taasi. Dad traumatized ah ayeynu nahay, oo Ilaa lixdankii maynaan arag dawlad aynu aamino oo dawlad kasta waxaynu lahayn iska ilaali. Imika meel kasta oo Soomaali joogto Xamar tag, Jigjiga tag, waxaad odhanaysaa Madaxweynuhu waa ayo, haddii aanu reerkiina ahayn waad iska dhaqaaqaysaa oo ma aaminaysid. Maskaxdaas in la bedelo waxaynu uga magan nahay wasaaradda Tacliinta, markaas waa inay noqotaa mudnaanta koowaad oo aynu isugu geyno xoogeena oo dhan, si ay inoogu soo saarto ubad maskax wanaagsan, laakiin waa inaynu isla garano haddii kale taas ma gaadhayno.  Wasaaradda Waxbarashada waxa looga baahan yahay sidii da’yartii loo badbaadinayaa, dadka waaweyna loo wacyi-gelin lahaa ee wax loogu sheegi lahaa.”

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dheeraaday sidii loo toosin lahaa ummadda shacab iyo madaxda, iyadoo laga soo bilaabay in da’yartu hesho waxbarasho fiican, taas oo uu sheegay inay keliya ku iman karto iyadoo si wada-jir ah loogu fikiro.

Madaxweynuhu waxa uu tusaale u soo qaatay heerka maanta qabyaaladdu saameynta ugu weyn ugu leedahay dhibaatooyinka Qaranka ka jira, isla markaana ay mar walba caqabad ugu tahay isku day kasta oo la doonayo in wax lagu saxo.”

“Waa in qaranku ka wada fikiraa oo isugu taggaa sidee baynu u maalgelinaa da’yarteena mustaqbalkooda, waxbarashadooda iyo caafimaadkoodaba, waa maalka oo aynu isu geyno, waa madaxda maamulaysa oo aynu hubino inaanay ku takri-falayn, waana halkaas halka sartu ka qudhuntay, oo dawladii la aamini maayo, tii la soo doortay, ta joogta, ta iman doonta, dee nin waliba gurigiisa iyo qoyskiisa oo dawlad ah heli maayo. Maaha in markaad adiga, qoyskaaga iyo ilma adeerkaa sheekaysanaysaan inaad tidhaahdo kii hore wuu xumaa, kana wuu wanaagsan yahay, ma soconayso, qaranku waa inuu is aaminaa waxa tuugga ahna la qabtaa. Tusaale haddii maanta taraafigu qabto nin dirawal ah oo uu yidhaahdo waddo khalad ah buu maray, oo uu xidho, casarka caaqilkii, odaygii, wasiirkii iyo kii dawladda yaqaanay ayaa la soo qabanayaa oo la odhanayaa hebel maxaa loo xidhay, tol baanu lahayn, dee markaa sidee loo shaqaynayaa. Haddii imika inan baa lacag cunay oo la xisaabiyo, waxa ka dhacaysa qayladda ugu weyn. Haddii aan la ogolayn in khaladkii la saxo, oo qofkii la qabto la odhanayo maxaa loo qabtay, dee waxba socon maayaan.

Tusaale yar baan idin siinayaa. Kheyriyadda waa wada taqaaniin, sow xuduntii magaalada (Hargeysa) maaha, samafal baa lagu dhisay 1932-kii oo waxay ahayd “Jimciyatul cadiyatal Raxmaan” oo taariikh bay leedahay. Nin muwaadin ah baa la siiyey oo muddo laga kireeyay oo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa ka kiraysay. Lix bilood ka hor baan u soo jeediyay amar ah, dalkani waxa uu baahan waxyaabo Qaran oo astaan “Icon” ah oo xusuus ah. Caasimaddu waxay u baahan tahay museum “Madxaf” layskugu yimaado oo taariikhda Somaliland lagu ilaaliyo oo wax laga akhrisato. Waxay nala noqotay inay Kheyriyaddu tahay halka ugu haboon inay Museum noqoto oo taariikhda Somaliland la dhigo, in la dumiyo, qaranku iskugu tago oo Matxaf fiican laga dhigo oo la dhiso. Lix bilood baanu muwaadinkaas murmaynay, oo uu lahaa wax lama samaynayee ee anigaa la ii jeedaa, weliba haddaan ta Soomaaliga ee gaagaaban idiinku sheego Adeer baan u ahay, hadduu odhan lahaa cid baa xagaas iga xigta. Maxkamad bay dawladda isla galeen. Wuu dacwooday oo wuxuu yidhi Madaxweynahaa I dulmaaya, Maayarkaa I dulmaaya, waa la ii jeedaa, halayga qabto, dabadeed waxaanu nidhi bal Maxkamadda u sii daaya. Caqliyada noocaas sidee la odhanayaa, weliba sidaas baa lagu garab joogaa oo gar baa lagu siinayaa. Tusaale kale, hotelka Madaarka ku yaala ninkii lahaa waanu isku haysanaa, hadaan ta gaagaaban idiinku sheego waa nin ii Abti ah. Deyr baa lagu xidhay oo dad baa laga raray, oo waxa la yidhi intaas deyrka lagu xidhay waa Madaarka. Dee waxaanu ku nidhi waar hotelkan ka dhex socda ka daa, ileyn haddii mid loo furo waa la wada furiye, ergadii ugu cuslayd ee ugu kululayd oo suldaan, siyaasi, xataa wasiirka waanu isku dilnay isagoo dabada laga wado. Waar ceeb maaha, khalad baa dhacay oo aynu saxaynaa, waa run oo xaajiga lacag badan baa kaga baxday,  waa laga wada hadli doonaa, khaladkii dawladdaa gashay oo iyadaa bixisay iyadaana kala noqotay, bina aadamku wuu khaldami karaa, laakiin waa la hagaajin karaa. Maya, waa loo jeedaa, maxaa loo qaban kuwii Hindiyaan Line-ka ee daaraha dhaadheer laga dhisay, hadaan reer loo jeedin oo aan reer hebel loo jeedin. Waar maynaan Illaahay ka baqayn, sidee wax loo wadayaa.

Waxaan uga gol-leeyahay, tallaabadii la qaadaba, haddii la yidhaahdo inankii kastamka laga bedelo ama qofkii shaqo laga qaado, reer hebel baa loo jeedaa, waxaan uga socdaa inaynu caqligaas bedelno oo qofka marka shaqada laga bedelo aan la odhan waa ninkii reer hebel oo waa loo jeedaa, dee socon mayno.. Tusaaleyaashaa waxaan warbaahinta u marinayaa inaynu fahano inaynu midnimo qaran ku shaqayno, oo qofka xafiiska lagu qabto oo lagu saxo. Dawladda qofkii xil ka haya Illaahay uma xil qarin heer kasta haka joogee, waayo, waa meesha lagu dhugtamo, cayda iyo waa tuug, mar alla marka aad xilka qabato ayaad xumaanaysaa, laakiin intaad banaanka joogto nin wanaagsan baad tahay. Ninka banaanka jooga ee xil dhaqan haya ee oday ah ee la dhegaysanayo, ee mid diimeed haya ee Sheekh ah ee la dhegaysanayo, ee mid maaliyadeed haya ee taajirka ah ee la dhegaysanayo, ee mid suuggaaneed haya ee gabayaa ama heesaa ah ee la dhegaysanaayo, dee khaladkuu galo waa in sidaas loo saxaa sida dawladda ileyn iyaguba way khaldamaane’ dhinac keliyi ma khaldamee.

Waxaynu doonaynaa inaynu maskaxdeena bedelno, ku bedeli mayno inaynu is er-eryano oo warbaahinta cay isku marino.

Waxaan waxbarashada leedahay hawshaasi iyadoo ii taal oo idinkoo ugu mushahar yar eedda ugu badanina idinku dhacdo, hadda waxaa la doonayaa inaad dadka dariiqooda nololeed bedeshaan, oo dadkii wax loo sheegaa oo si cad loo wada hadlaa oo waxa layska doonayo laysku sheego, ku socon mayso dawladda sidan, ku horumarinayo, ku heli mayno arday fiican, ku heli mayno inay yaraadaan hablaha umusha ku dhimanaya oo aynu ugu horeyno dunida geerida umusha, isma weydiino imisa umul ah baa inaga dhintay, ee faanka reer hebel baa inagala weyn, xilkaasina kow buu ka yahay waxa idiin yaala. Xilkaas berigii hore waxa qaadan jiray doorkaa qolada abwaanada, gabayaaga iyo suuggaanyahanka, kuwaasi iyagaa sheegayoo labaatankii sannadood ee u dambeeyay waa la cabudhiyoo codkoodu kor uma soo baxo, si ay u dhacdayba.”

Ugu dambayntii Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu la hadlay Saxaafadda, waxaanu yidhi: “Waxbarashada iyo Saaxaafaddu way isku lamaan yihiin, labaduba dadkay wax baraan. Fule xantii ma mooganee aniga waxa laygu xantaa – Qufulkii waa la soo dhaafay  oo handaraabkii waa sahaalo – oo waxay yidhaahdaan waa digtaytar oo qofkii hadlaba afkuu jebinayaa, xoriyatul-qawlkii ayaa la cabudhinayaa. Waxaan ogolahay markaan gefo in gefkayga lay tilmaamo, laakiin markaad waxaan jirin ummadda tidhaahdo dee waa qodob. Saxaafadda waxaan ka codsanayaa khaladaadkana sheega oo inta runta ah sheega, dadka waxa u dan ah iyo wanaaga fara. Qof waliba wuu dambaabi karaa, haddii qof la qabto, waa in la hubsadaa qofku khalad ma leeyahay, ma jirto cid ka macsuum ah dambiga, Madaxweynahaa ugu sareeya maamuus-ka-xayuubin baa u taalloo maxkamad baa la soo taagayaa. Qofku hadduu khalad galo waa in la qabto, laakiin waxa khalad ah qofku isagoo dambi gelin in la qabto, bileyskana kama ogolin, inaguna ma ogolin, diintuna ma ogola, laakiin waxaad maqlaysaa weriyaa la xidhay, imisaa maalin kasta la xidhaa, yaa yidhi weriyuhu dambi ma geli karo. Qof waliba waa inuu ogolaadaa inuu xaq iyo cadaalad helo. Weriye waxaad u tahay inta aanad qof kale xaqiisa dulmiyin ee aanad ku gefin, yaase kuu ogolaaday inaad ku gefto qofka kale. Saxaafadda iyo Suuggaanyahanka waxaan leeyahay qayb weyn baad leedihiin ee xaga wanaagsan u wada, col idinlama nihin, kaftanka, is-maaga, cilaaqdaba waan aqaanaa ee yaynaan kala baqan, hadaad noo gabaydaan waa idiin gabyaynaa, haddaad noo heestaan waanu idiin heesaynaa, laakiin idiinma ogolin inaad xoriyad ninkaad doontaan ku maagtaan,

Qaran ahaan waxaynu u baahanay inaynu danteena guud eegno, dawladdeenu way dhismaysaa oo halkii u hoosaysay ayay maraysaa, maamulkaa dadka la barayaa. Somaliland waxay doonaysaa inay laba isla hesho, bahasha reer inoogu qaybi oo annaga ninkaas noogu dhiib iyo dawlad wanaagsan dhis, dee labadaasi isna gelayaan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.