Madaxweyne – Haddii aanu nahay dhalinyaradda iyo waxgaradka deegaanka Laasqoray, waxaanu wasiirka Kalluumaysiga ku eedeynaynaa in qalabkii kalluumaysiga ee la noogu soo dhiibay ee dhamayd labaatan shabaagta kalluunka lagu dabo iyo kow iyo toban matoor naga lunsaday, isla markaana meel uu geeyey aanan garanayn, waxaana xukumadda ka codsanaynaa in qalabkaasi loogu tallogalay Laasqoray aanay weli na soo gaadhin, isla markaana meel ay martay aanan garanayn, iyadoo magaca deegaankayaga lagu soo qaatay.

Madaxweyne waxaanu ka sugayna jawaab ku aadan in qalabkaasi halka uu maray na loo cadeeyo, isla markaana qaybtii Laas qoray wali na soo gaadhin.
Qore Sanyare Cabdi, Laaqoray, Somaliland.