WorldRemitAds

Shirkad farsamaysa qalabka tignoolajiga ah oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa dhawaan soo saartay nooc cusub oo telefoonka gacanta lagu qaato ah, kaas oo awood u leh inuu wakhtiyada ugu fiican nolosha qofka u rikoodh gareeyo, isla markaana dhamaan dhaq dhaqaaqiisa oo dhan u kaydin kara, haddii ay tahay farxad, dagaal iyo muran uu qofku galo intaba.

Shirkadan oo lagu magacaabo “Satarii” waxa ay farsamayso noocyo cusub oo telefoonka gacanta lagu qaato ah oo loogu yeedho ama ay ugu magac dartay “Swivel” waxa uu ku hanaansan yahay aalado aad awoodoodu u sarayso gaar ahaan kamarado muuqaal sawir iyo fidiyowba ah duubaya waxaanu ku shaqaynayaa habka loo yaqaan telefoonada maskaxda badan oo wuxuu awooda arrimaha sida gaarka ah u taabta ama dareenkaaga u dhaqaajiya inuu isla markiiba si otomaatik ah u duubo.

Telefoonkan ayaa leh fadhi kala baxaya oo si otomaatik ah isku furaya, halka uu awood u leeyahay in muraayadiisa dhinac walaba u jeedin karo oo isagu is maamulayo, maaha akhriste in telefoonkani isagu lugaynayo oo uu sida qofka meeshuu doono tagayo, laakiin waa in aad adigu meel dhigayso, hasa yeeshee wuxuu awood u leeyahay in wixii intaa ka danbeeya uu is maamulayo.

SomlegalAds

Sida shariikadu sheegtay waxa uu telefoonkani kuu kaydin karaa in ka badan toban GB isagoo aan isticmaalayn haba yaraatee wax Mimori ah ama kaadhka xusuusta ah, waxa kale oo uu awood u leeyahay in uu diri karo sawirka haddii aad amarto gaar ahaan wakhtiyada aad u baqanayso naftaada oo haddii uu dareenka cabsida kaa helo uu awoodo in sanduuqyo marka hore aad ku buuxsanayso kuwaas oo aad ugu talo gashay in uu fariimaha u diri karo si xogtaada loo helo.

Telefoonkan ayaa sidoo kale leh waxyaabo tira badan oo adeegyo ah oo uu qofka sita u qabanayo, sida in waxyaabaha aad u baahan tahay wakhtiyada fasax sanadeedkaaga iyo arrimaha aad inta badan samayso uu ku xasuusinayo sida salaada iyo wakhtiyada aad meelo gaar ah tagto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.