WorldRemitAds

Baadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa ikhtiraacay qalab cusub oo dadka adeegsada aaladaha elegtarooniga casriga ah, u fududaynaya in nambaradii sirta ahaa ee la galin jiray iyo farihii fingerprint ahaa uu badalkooda u adeegsan karo jidhkiisa oo dhan meel kasta oo ka mid ah.

Sida shabakadaha ka warama tignoolajiga dunidu ku warameen todobaadkan, waxa khabiirada Maaraykanka ee ka hawl gala, shaybaadhka Yahoo ee California ay ikhtiraaceen, qalab cusub oo suura gal ka dhigaya, in dhegta qofka isticmaalaya telefoonka casriga ahi, furo u noqon doontoo, taas oo badali doonta nambaradii lagu xidhi jiray iyo fartii la saari jiray.

Qalabkan oo isaga laftiisu Smart ah ayaa waxa suuro gal ah, in qofku xitaa xubin kale oo ka mid ah jidhkiisa uu furaha sirta ah ee uu Telefoonkiisa ku furto u isticmaali karo una badalan karo, sida sanka, carabka iyo meel kasta oo uu doono.

SomlegalAds

Aaladan cusub oo loogu magac daray “Body-print” waxa ay badali doontaa, furayaashii sirta ahaa ee nambarada loo adeegsan jiray ama xaaladihii kale ee in telefoonka lagu qufusho loo isticmaali jiray, sida finger print-ka ay inta badan telefoonada casrigu wakhti xaadirkan leeyihiin.

Sida khubaradu sheegeen, waxa uu qalabkan cusubi awood u leeyahay, in uu si fudud u dareemi karo una baranayo dhamaan jidhka qofka oo dhan, waxaanu qofku marba furihiisa sirta ah ka dhigan karaa, xubin kasta oo jidhkiisa ah oo uu doono, in kasta oo dhegtu tahay meesha ugu fiican ee uu furaha sirta ah ee telefoonkiisa qofku ka dhigan karo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.