WorldRemitAds

Khubarada Tignolajiga ee dalka Japan ayaa soo saaray, qalab suura gal ka dhigaya, in biyaha sinxiga xamaamkaaga aad u isticmaali karaysid, sida muraayadaha telefishanada oo kale, kaas oo waliba ay suura gal kuu noqonayso in aad gacmahaaga ka bad badalan karto si kastana ugu bad badalan karto.

Sida ay ku warantay shabakada ka waranta tignolajiyada oo laga leeyahay dalkaas, khabiirada sayniska iyo tignolajiga ee jaamacada Tokyo ayaa ku guulaystay inay hir galiyaan, qalab saxanka xamaamka guryaha aad ugu badalan karto shaashad wayn oo aad wax kasta ku samayn karto, qalabkaas oo loogu magac daray, (Aqua Top).

Qalabkan oo biyaha la dhex dhigayo, ayaa la arki karaa sida biyaha uu qofku ugu isticmaalayo sidii shaashada, (Screen Touch) ah oo kale, wax kastana ku samayn karo, waxaanay khabiiradu sheegeen in mar ba marka ka danbaysa uu qofku siduu doono u isticmaali karo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.