WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 26, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna Musharax u taagan Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, ayaa si adag uga hadlay go’aan la sheegay inuu Madaxweynuhu ku taageeray Muuse Biixi, isla markaana aan cidi kula tartami karin shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah murrashixiinta ku loolamaya jagada Madaxweynanimada Xisbiga KULMIYE ku tilmaamay inuu Wasiirrada qoyskiisa amar buuxa siiyay taasina ay dhalisay in  Wasiirro, Wasiir Ku-xigeeno iyo saraakiil kale is casilaan, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu aasay dimuqraadiyaddii  xisbiga KULMIYE iyo tii Somaliland dhammaanteed, markii uu xalay qoys ula shiray Wasiirradii beeshiisa rag ka mid ah oo uu ku yidhi  waxaan taageera mid ka mid ah Murrashaxiinta xisbiga Murrashaxiisa u taagan oo uu yidhi tartan-na xisbiga KULMIYE kama dhici doono oo uu  koox Wasiirro ah oo uu isagu xushay sidaasi u sheegay warkiina magaaladdii soo gaadhay. Markaa Wasiirro badan baa is casilay.”
“Anigu hore ayaan xilkii iskaga casilay, sababta aan isku casilayna waxay ahayd, anigu murrashax madaxweynenimo ayaan ummadda u sheegay inaan u taagan nahay, hankaas ayaan doonayay taasaan ku hawl-galay arrintaas inaan u madax banaanaado ayaan hawsheeda galay,”ayuu yidhi Murrashax Cabdicasiis Samaalle
Md. Samaalle waxa uuu ku eedeyey Madaxweyne Siillaanyo oo uu yidhi“Waxaad ogtihiin in Golaha dhexe iyo Guddida fulinta aqlabiyadoodu ay  annaga nala socoto, Madaxweynuhu  markii uu taas arkay ayuu garab saaray Murrashax Muuse Biixi.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.