‘Tacliintii Khawaajuhu Waxay Soo Saartay Qof Keligii Noole Ah, Oo Aan Raxmad Lahayn ‘Empathy’

0
PropellerAds

Nin dameer xun iibsaday, marbuu dib u xaraashaaye” – Cabdi Gahayr

‘Tacliintii Khawaajuhu Waxay Soo Saartay Qof Keligii Noole Ah, Oo Aan Raxmad Lahay ‘Empathy’ ayaa ka mid ah qoraalka Prof Gees ee toddobaadkan uu kaga hadlayo qaybta 45aad ee Taxanihiisii Dharaaro xusuustood, waxaanu qoraalkiisa ku bilaabay sidan:

“Nin dameer xun iibsaday, marbuu dib u xaraashaaye.” Tuducaa gabaygan Abwaan Cabdi Gahayr waxay si fiican uga muuqataa Dimuqraadiyadda. Sheekadu waa dameerkaa haddii uu kugu xummaado aad dib isaga iibin karayso iyo xoriyadda uu qofku u leeyahay aayo-ka-tashigiisa.
Prof Maxamed Siciid GeesHaddaba, Dimuqraadiyaddu waxay ku fiican tahay, madaxda dadku ay doorteen haddii ay ku xummaadaan, si dhib yar ayaa loogaga soo ceshan kara xilka, iyada oo aan qori loo qaadan ama lagu baacsan sidii Qadaafi ama Siyaad Barre.
Waxa bishii hore isugu yimi Hargaysa oo wada joogay Madaxweyne hore iyo saddex Madaxweyne–ku–xigeen ee soo maray dalkan Somaliland, waxanu abaalgud Qaranku u siiyey afar guri oo ay ku nool yihiin iyo gunno hawlgab.
Dunida hore martay waxa Madaxda xilka ka degtaa gunnada hawlgabka ka sokow, qoraan waayo–aragnimadoodii xukunka oo lacag badan laga siistaa, marti-qaadyo bay ka hadlaan lagu maamuusaa oo lacag lagu siiyaa, siidaas ayey dalalkooda ku joogaan oo lagu qaderiyaa; innagu halkaas weli ma gaadhin, waase la gaadhi doonaa cid nool adduunyada. Waa arrimo qurux badan oo ka jawaabaya dimuqraadiyadda.
Wadamadda saddexaad, madaxdu kama degto xukunka iyaga oo faqri ka baqaya ama lacag badan ayey ka xadaan inta ay xukunka hayaan oo ay ku talogalaan inay ku noolaadaan Yurub marka xilka laga tuuro. Waa dhif nin madax ah oo markuu xilka ka degay si nabad ah oo caadi ah isaga nool dalkiisa oo sharaf ku jooga. Marxuun Aadan Cabdalle Cusmaan, Madaxweynihii u horreeyey ee Jamhuuriyaddii Somaaliyeed, ayaa markii xilka uu ka degay si caadi ah ugu noolaa Muqdisho iyo beer uu ku lahaa degmada Jannaale.
Dimuqraadiyaddu mar mar bay keligii-talisnimo isku daydaa, marka ay xukunka degdega ah ay dawladdu la timaado, haseyeeshee waa wax muddo gaaban ah oo laga soo noqdo oo xeer jideeyey duruufaha ay dhacado arrintaasi, sida hadda dalka Faransiiska ka dhacday. Keligii–talisnimado marna iskuma daydo inay dimuqraadi noqoto oo bal tijaabiso, waxay ka baqdaa in xukunku ku soo noqon waayo, sidaas darteed waa keeb-la-yuurur ilaa qoriga lagaga tuurayo.
Ayaamahan waxa soo baxaya amuuro ku lug leh Dimuqraadiyadda Somaliland qaadatay oo dadkii geesna shaki gelisay inay sii socon doonto iyo in kale, geesna yididiilo xambaarsan. Waxa taariikhda gelaysa oo Somaliland magac u noqonaysa iska-daynta uu iska daayey inuu mar labaad isa sharraxo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo. Arrintaas oo uu dastuurku u oggol yahay, halka Madaxweynayaasha Afrika ay dastuurka beddelaan, si ay mar saddexaad iyo afraad isu soo sharraxaan, bal Jaararkeena dhugo waxa ka dhacaya.
Mugaabe oo 91 jir ah oo 35 sanno dalka Zimbabwe xukumaayey ayaa Marwadiisii tidhi; ‘Inta uu hadli karayo, Mugaabe fadhiga ayuu ku xukumayaa dalka.’ Maxaa kuu baxay boowee!.
Madaxweynihii hore, Daahir Rayaale isna waxa uu taariikhda ku galay marku aqbalay in doorashadii laga guulaystay ee uu si nabad iyo sharaf mudan uu xilkii ku wareejiyey Madaxweyne la doortay ee doorashadii kaga guulaystay. Laba Madaxweyne oo Dimuqraadiyada Somaliland dhiirrigeliyey dheh. Waxa aan meesha qaban labadii sannadood ee daba dhehda ahayd ee loo kordhiyey labadoodaba.
Xeel-dheerayaasha Khawaajayaashu waxay sheegeen: ‘Habka isku xukunka dimuqraadiyaddu waxa uu taabagalaa keliya, haddii dalkaasi dakhliga qofka ku soo hagaaga sannadkii uu ka badan yahay $7,000 (toddoba kun) oo dollar.’ Haddii uu ka yar yahay ha hawaysan ayey yidhaahdeen. Sidaas darteed, Waddanka Tunisia waa ka hirgalay habkii dimuqraadiyaddu, waayo dhakliga qofka ayaa $9,000 oo dollar ah sannadkii. Haseyeeshee, waa ka hirgeli waayey habkaas dalka Masar oo askartii ayaa dib-u-qabsatay, waayo dakhliga qofka ayaa sannadkii ah $6,000 oo dollar!
Waxa kale oo ay Khawwajiyaashu yidhaahdeen; ‘Haddii celceliska da’da dadweynuhu tahay 30 iyo wixii ka badan ayaa iyana ah shardi kale oo xukuma in uu suurtagal yahay in habkaasi ka hirgalo dalkaasi.’ Afrika oo dhan celceliska da’da dadweynuhu waa 16 ama 17 sanno! Celceliska dakhliga sannadkii qofka ku soo hagaagana $3,000 dollar ma gaadho. Haddana dalal badan oo dimuqraadi ah ilaa xad ayaa ka jira. Waryaahee, maxaa ku baxay boowee! Saw kuwan khawaajayaashi alif wax ma leh iyo wuu leeyahay innagu wareershay. Dhinaca kale, sawtan xisbiyadii aynu isku haysanno: KULMIYE iyo UCID. Habaar-qabayaal mindhaa run ayey sheegayaan!
Shirkii 1993 ee Boorame lagu qabtay ee Beelaha Somaliland isugu yimaadeen ayaa Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) ka yaabay muranka kuwii aqoonyahanada isku sheegayey ee siyaasiinta ahaa. Waxa uu yidhi; ‘Maxaa mutacallimiintu ay isu qabtaan, haddii meel la isugu keeno, odayaasha Guurtiduna u heshiiyaan?’ Waa weydiin aan si fudud looga jawaabi karin.
Marxuun Cumar Xasan Guuleed ayaa annaga oo dhawr Wasiiro ah, sannadkii 1998, nooga warramayey nin hantiile ah oo Ciise ahaa oo Djibouti ku sooryey markii Hargeysa sannadkii 1988 laga qaxay; isaga iyo odayaal ay Waqooyiga Hargeysa ka soo wada jeedeen. Ninkii Ciise waxa uu yidhi; ‘Aniga oo qayd sita ayaan soo galay Djibouti oo aan cid ku lahayn. Anoo laba casho qatan oo aan wax cunin ayaan ku dhacay nin gaadhi- gacan rooti ku wata. Rootidii ka daadatay gaadhigii uu riixayey ayaan la ururiyey, deeto markuu ninkii arkay diifta iyo gaajada iga muuqata ayuu i kaxeeyey oo meeshii uu fuulka ku iibinayey i geeyey. Halkii ayaan ka shaqaystay oo aan ka soo aflaxay, ninkaasi waxa uu ahaa nin reerkiina ah. Reerkiina oo Waqtigaas: Djibouti, Dirirdhabe, Jigjiga, Berbera iyo Hargeysaba hanti iyo xoolo ku lahaa oo wax ka ahaa, waar maxaa idinku dhacay oo qaxootiga idinka dhigay.’
Aniga oo Cumar Xasan ah ayaa su’aashii uga jawaabay oo idhi; ‘Waxa qaxootiga naga dhigay inamadayadii aanu tacliinta khawaajaha ku darnay, kuwaas ayaa na baday qaxootigaas.’
Isla waqtigaas ayaa Marxuun Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shirre isna qolo u sheekeeyey, waxa uu yidhi isaga oo ka calaacalay nabaddii Ceerigaabo oo uu ka baaqday.  ‘Weligay Xamar iyo magaalo weyn ma arag, haddana weligay talo ima seegin, iskumana qoomamayn. Nabaddeynta Somaliland iyo Sanaag waa ka qaybgalay wixii shir ahaa ee la qabtay. Shirka Nabadda ee Ceeerigaabo waxa iga reebay mid dagtoor isku sheegay oo mutacalim ahaa oo aan wax mooday ayaan taladiisii qaatay oo aan ka baaqday nabaddii aan u soo halgamay; waa qoomameeyaa arrintaas.’
Tuulada Taleex waxan tegay anoo kormeere waxbarasho ah sannadkii 1975. Aniga iyo nin Habar Gidir ah oo Abti-doon la odhan jiray. Dugsi Hoose/Dhexe ayaan u soo qorshaynay in loo sameeyo, ma ogi in wax kale lagu daray. Xabad ka dhacda oo la maqlo waxa ugu dambaysay Taleex 1921 dagaalkii Daraawiishta iyo Isticmaarka Ingiriiska.
Niman daktooro ah oo aan hore u arag oo dunida horumartay ku noolaa ayaa yimi dhawr sanno ka hor tuuladii Taleex. Tageero waxbarasho mid caafimaad iyo mid biyood umay keenin. Waxay u keeneen wax ay ku tilmaameen dawlad; wax yar ka dibna waxay dib ugu noqdeen u hayaameen qurbihii ay joogeen ee reerahoodu u degganaayeen.
Waxa dhacay in masaakintii meesha weligii degganayd ay ku kala qaybsameen oo ku kala jebeen fikarkii loo keenay oo ay deeto xabad isla dhaceen. Waxa meeshii ka dhacay dil iyo utun gaadhay in 30 qof ku dhimato.
Waxa kale oo aan la soconay wixii Burco iyo Hargeysa ka dhacay sannadihii 1994 – 1996 iyo mutacallimiintii dhalisay shaqaaqadaas ee diiday taladii Odayaasha. Waad aragtaa waxa daktooradii sheegan jiray, inay Jamacado Maraykan wax ka dhigi jireen (cidda ay wax u dhigi jireen ayaan ka yaabay), inay dagaal ka rideen Gaalkacayo oo qax iyo dhimasho ka dhacday.
Tacliintii khawaajuhu waxay soo saartay qof keligii noole ah, oo aan raxmad lahay ‘Empathy’ oo aan dadkiisa u tudhayn oo isaga uun isku kooban oo dal iyo dad waxba ka gelin. Mar kasta isla quman oo sax ah oo dadka kale waxba ka soo qaadin oo tiisu uun ay sax tahay. Marka uu kursiga fadhiyo waa daad-wararac wax kasta waa aboosto, marka laga xayuubiyo xilka ama ka dhaco ama sida uu jecel yahay ama meesha uu jecel yahay uu waayo, dunidu waa rogmanaysaa meeshu waa bakaylo-qalad, waayo dantiisii ayuu ka waayey. Waar ba day! Qofkaas waxa lagu sheegaa ‘Narcissist,’ afka qalaad.
Sheeko-baraley Giriigii hore lahaayeen ayaa waxay sheegtaa in wiil qurux badani uu iska arkay balli biyo ah korkii, deeto waa uu iska helay oo maalintii oo dhan ayuu isku dhaygagay oo is-daawanayey, oo uu balliga ag fadhiyey. Ubax ayaa laga dhigay oo loo nasakhay ayey sheekadu tidhaahdaa. Ubaxaas waxa la dhehaa ‘Narcissus,’ kaas oo magaca wiilka ahaa. Ubaaxaasi had iyo jeer waxa uu ka baxa jidhaamaha biyaaha ah coonkooda. Miyaan Illaah ka barinaa inuu ubaxaas u rogo kuwan ina wareershay. kkk!!!

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.