Cilmibaadhistii Jacaylka (Daraasatu Cishqi)

WorldRemitAds
Dahabooy jacayl baa i dilay, oo i daashadaye
Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo degaye
Haddii aadan i daawayn xubbigu, wuu i dilayaaye
Is dilaacin mooyee wax kale, iima soo degine
Dawo waxaan lahayn iyo sun baan, duhur cabayaaye
Anigoon dakano aadmi qabin, ways deldelayaaye
Dab haddaanad ii shidin la waa, inaan dawoobaaye
–Wacdi Shaqale–
Cilmi-baadhistii Jacaylka – Marka la isku dayo in laga hadlo jacayl wax fudud ma aha. Wax bogag iyo bayjaj lagu koobi karana ma aha.

Anigoo taas maanka ku haya bal marka hore aan isku dayo inaan erayga JACAYL is dul taago ka dibna qeexo. Sababtoo ah, qaaciido ayaa jira odhanaysa ‘’Wax aanad qeexi Karin ma taqaanid’’. Waxa aanad aqoon ama aanad fikrad ah ka haysanna wax kama qori kartid.
Erayga JACAYL, waa eray lix xaraf ka kooban. Marka la akhriyayo haddii la kala qaado waxa uu noqonayaa JAC iyo AYL. JAC marka aynu Af-soomaali ahaan  dhuuxno (macnayno) waa jabaq ama dhawaaq codeed, sida qori jabay ama jidh dab lagu dhejiyay oo kale. Mar uu eraygan Sayidh Maxamed adeegsadayna waa kii lahaa ‘’Ingiriis jabyoo waxa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh’’. Inta kale ee eraygan (AYL) ogaalkayga waa meel magaceed. Meeshaas oo ah goob taariikheed ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Waa goob ka mid ah goobihii Daraawiishi degganaan jirtay. Markaa haddii aynu iswaydiinno meel-ka-soo-jeedka erayga JACAYL, ma la odhan karaa waa Jacdii-ayl (jabaqdii Ayl ka baxday ama dhibtii Ayl – iga gaadhay oo kale?)
JacaylkaTa kale ee xusidda mudani waxay tahay in erayga jacayl kelidii (isaga oo aan erayo kale wadan) is beddelin sida erayada afafka kale. Marka laga reebo mar uu magac-u-yaalka yahay mooyaane (Jacaylkaygii). Tusaale ahaan; erayga Af-carabiga ah ee Xubbi, isaga oo aan erayo kale qaadan ayuu sifo, magac-u-yaal, wadar, jacayl tagto, mid joogto, ku dheddig iyo mid lab ba noqdaa. Sida;
  1. Xubbi (wixii ka dambeeya),
  2. Xubbii,
  3. Xabiibii
  4. Xabiibtii
  5. Axbaabii
  6. Axabak iyo
  7. Uxibak intaba wuu noqdaa.
Tusaalaheenan lix goor ayuu geddoomay isagoo qurub (xarfo) mooyee aanay erayo kale raacin. Halka Af-soomaaliga iyo afafka kaleba ay erayo raacaan. Tusaale;
  1. Jacayl (wixii ka dambeeya)
  2. Jacaylkaygii (Jacaylkii i hayay)
  3. Jacaylkaygii (Ninkii aan jeclaa)
  4. Gabadhaan jeclaa (jacayladdaydii ma noqonayso oo naxwe ahaan ayay u qaldamaysaa),
  5. Dadkii i jeclaa
  6. Waan ku jeclahay iyo
  7. Waan ku jeclaaday. Afka Ingiriisuduna waa sida keena oo kale tusaale ahaan; Love, my love, my beloved iyo my dear love iwm. Taas waxa keenatay kala hodonsanaanta afafka sida ka muuqata Af-carabiga oo ah afka ugu hodansan afafka adduunka.
Sidoo kale, Af-carabiga waxa jira eray aynu badanaa Jacayl ku macnaysanno ‘Cishqi’. Eraygan waxa qeexiddiisa la waydiiyay Imaamu-Shaafici oo ku qeexay sidan ‘’Cishqi waa C (cayn) oo isha ah, Shiin oo ah ku beegnaanso (shiishid ama dhaygag) iyo Qaaf oo tilmaamaya ku adkaysi’’
Intaa haddaan kaga nimaadno wax ka tilmaamidda erayga JACAYL aan isku dayo inaan ka warceliyo waydiintii ahayd waa maxay jacayl? Ama qeexo jacayl.  Jacayl waa dareen qalbiga ka dhasha oo Ilaahay ku abuuray noolaha shanta dareeme iyo dhaqaaqa leh (geeduhu kuma jiraan). Xubinta ugu wayn ee gudbisaa waa isha. Halka dhegta iyo saddexda dareeme ee kalena ay ka qayb qaadan karaan iyaga oo hab gudbiye oo kale ah u shaqaynaya. Jacaylku waa dareen il-bidhiqsiyo ugu gudba qalbiga. Sharaxaaddiisu wakhtiyo kala duwan ayay qaadataa. Kala duwanaanshahaas waxa sababa sida uu qofka u saameeyay, xilliga lagu suganyahay (xaaladda deegaan iyo qof ahaaneedba) dabeecadda qofka iyo deegaanba, heerarka uu ka gaadhay, da’da iyo hab-fikirka qofka. Qof baa jacaylka uu qabo ku sheegan kara ammin kooban oo miniddo ah, midna saacado, mid maalmo, mid toddobaaddo, mid bilo iyo sannadaba ay ku qaadato. Sidaas ayaa qofba inta uu u ka gaadhsiisanyahay amminteeda ugu qaadataa.
Jacaylka laftiisu heerar iyo derejooyin ayuu leeyahay. Waxa ay sheegaan dadka iyo cilmi-baadhayaasha jacaylku in uu sideed qaybood u kala baxo. Sideeddan qaybood dadka Carbeed ayaa u qaybiyay. Inkasta oo aanan hayn magacyadii qaybahaas oo aan weli baadhayo. Haddaynu erayada Af-soomaaliga ah soo qaadanno, inkasta oo ay adagtahay in la soo helo macnaha iyo dhuuxidda erayada Af-soomaaliga ah, heerarka iyo kala xeel-dheerida dareen. Soomaalida oo aan markeeda horeba ahayn dad jacayl ahayn oo geeljirenimo iyo hawl-u-joog ay ahaayeen. Sidaa darteed jacaylku wuu ku ag dulmanaa gacan furanna kama helin sida Carabta, Hindida iyo bulshooyinka kale ee jacaylka inooga jajaban.
Marka laga hadlayo Soomaalida iyo jacaylka, boqorka calanka u sidaa waa Cilmi-Boodheri oo marka la maqlaba la xasuusto calaacal iyo cataw. Jacayl la dulmay iyo diidmooyin qayaxan. Cilmi-Boodheri marka laga hadlayo heerka uu jacaylka ka gaadhay, sida ay Daraasadda Carbeed sheegtay oo xustay in Cilmi dhintay isaga oo sideedda derejo ta toddobaad maraya welina aan gaadhin kama’dambaystii jacaylka (heerka 8aad). Ninka laga hadlayo waa Cilmi oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu jacayl dartii u dhintay. Ka warran marka ay u hadhsanayd derejo kale oo jacaylka laga gaadho? Side buu noqon lahaa tolow? Warcelinta idiga ayaan kuu dhaafay akhriste.
Aynu ku noqonno erayada lagu halbeego (cabbiro) jacaylka ee Af-soomaaliga saxda ah. Anigu toddoba ayaan dhaafin waayay, malaha waa toddobada Cilmi ku dhintay. Erayadaas waxan u kala horaysiiyay sidii aan is idhi way u kala horrayn karaan, waana kuwan; Calmasho, Xiise, Muhasho, Boholyow, Buseel, Kalgacal iyo Jacayl. Waxa kale oo jira laba oo mid Dookh la yidhaado oo ah sida qofku wax u doorto. Eraygan waxa uu masuul kayahay wax kasta oo qofkaasi jeclaanayo sida uu yahay, qaab ahaan, muuqaal ahaan iyo mab’da ahaanba. Erayga kalena waa Hammi oo ah weelka wax kasta oo maankaaga iyo qalbigaaga ku jira lagu qorsheeyo, lagu haadiyo, lagu kordhiyo ama lagu yareeyo. Labadan eray iyagu erayo jacal ah ma aha ee waa jacaylka ehelkiisa. Waxyaabo kalena way ka qayb qaataan.
 Sidii lagu helay Astaanta jacaylka
 Qof kasta oo Aadame ah, marka uu maqlo erayga jacayl ama arko cid jacayl iyo kalgacal wadaagaysa, waxa maskaxdiisa ku dhacda inta aanay ku soo dhicin ciddii uu jeclaa astaanta jacaylka ee la aaminsanyahay inay wadnaha tahay. Inkasta oo aanay wadne isku si u muuqan, haddana isku ekaansho iyo xidhiidh ayaa ka dhexeeya astaantaa iyo wadnaha. Sida aynu ku soo qeexnay jacayl oo ah dareen qalbiga ka dhasha, haddii lagu waydiiyo qalbigu waa maxay? Waxa suuragal ah inaad gacantaada ku ishaarto wadnahaaga. Adiga oo laabta gacanta saaraya haddana waxay u badanaysaa dhanka bidix ee wadnuhu ku jiro. Waa taas sababta astaantan wadne looga dhigay iyada oo ka timi wadne sida ka muuqata sheekadan hoose.
Haddaba aynu soo qaadanno ciddii ugu horraysay ee soo saartay  adeegsatayna. Muddo laga joogo qarniyo badan ayaa waxa jiray wiil dhallinyaro ah oo reer faqiir ahaa ka dhashay iyo gashaanti reer hantiile ahi dhalay oo ay jaar ahaayeen. Carriga ay ku noolaayeenna waxay ahayd Gasiiradda Carabta, meel saxare ah. Maalin maalmaha ka mid ah reerkii ladnaa aroos yeesheen. Ka dib dadkii la casuumay ayuu inankii ka mid noqday. Markuu soo garaacay ganjeelkii guriga garaacay ayuu kula kulmay, gashaanti dheg iyo dhabanba Alle ku mannaystay. Inkasta oo aanay isku kuf ahayn haddana rag damac iyo dacar midna kama dhammaadee inantii ayuu calmaday. Markii uu la wadaagay jacaylkii uu u qabay iyo inay suuragal tahay inay xidhiidh wadaagaan, inantii waxay ku xidhay hal shardi oo hadduu sameeyo ay suuragal tahay inay la wadaagto dareenkiisa. Shardigaas oo ahaa inay u keento ubax. Wiilkii wuxu go’aansaday inuu raadiyo ubixii uu ku helilahaa jacaylkiisa. Xilliga oo abaar ahaa iyo saxarihii uu ku noolaa ayaa u saamixi waayay inuu hore u soo helo ubixii loo diray. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo cidla ciirsila daalaa dhacaya ilmadii jacaylkuna ka dhacayso, ayaa waxa arkay qofkan diifaysan shimbir. Shimbirkii ayaa ka naxay oo la wadaagay dareenkii murugada lahaa. Si uu u badbaadiyo naftan tallanku dishooday wuxu isku dayay inuu ka caawiyo waayaha ku habsaday. Shimbirkii ayaa go’aansaday inuu naftiisa u huro jacaylka wiilkii hayay. Ka dib intuu duulay ayuu soo qaaday caleen qalalan oo dabayluhu sideen. Intaa ka dib, wuxu afkiisii dhuubnaa ku dalooliyay halkii wadnihiisa ku beegnayd. Dhiiggii ka dhicay ayaa ku dhacay caleentii isagoo u samaysmay qaabka wadnaha jacaylka ee maanta la yaqaan. Ka dib wuxu u dhiibay wiilkii si uu ugu geeyo gabadhii uu jelaa. Markii uu soo qaaday ayuu gabadhii oo nin kale la joogo u yimi, iyada oo u sheegtay inay heshay mid ka qurux iyo maal badan. Guuldarradii ayuu wiilkii la soo noqday, isaga oo ka soo war doonay shimbirkii. Markii uu meeshii yimi ayuu arkay shimbirkii oo dhiig-baxay naftiina ka baxday. Wiilkii markuu soo dul istaagay shimbirkii oo dhintay ayaa isna halkii ku naf baxay. Laga soo bilaabo waagaas astaantani waxay noqotay ta keliya ee loo adeegsado jacaylka laguna xuso.
Maxamed Saleebaan Axmed ‘Tixmagabe’
Facebool: Tixmagabe Saleebaan
Hargaysa, Soomaaliland
WorldRemitAds

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.