WorldRemitAds

Sida ku xusan taariikhda islaamka, xiligii uu Cumar Binu Khadaab (alle ha ka raali noqdee)ahaa amiirka muslimiinta, ayaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa dadkii dagaanka magaalada XAMIS oo imika ka tirsan dalka Suuriya,ayaa waxa uu ka dalbay bal hada inay u soo ururiyaan dadka fuqarada ah iyo masaakiinta ee ku nool dagmada si uu u siiyo saamigooda lacag u taalay baanka muslimiinta oo lagu magacaabi jiray(baytul-maal) lacagta ku soo dhacda baanka marka laga reebo lacagta danta guud lagu qabanayo wixii ka soo hadha dadkaa dib loogu qaybin jiray.

Masjidka Cumar Binu Khadaab ee ku yaal Magaalada Qudus ee caasimadda Dalka Falastiin

Cumar Binu Khadaab(alle ha ka raali noqdee) markii loo keenay liiska dadka fuqarada ah ee reer XAMIS waxa amakaag iyo u qaadan waa ku noqotay in liiska dadka fuqaradaa uu ku jiro (Siciid Binu Camir) oo ahaa khaliifkii loo xilsaaray magaalada XAMIS Cumar Binu Khadaab arintan aad ayuu ula yaabay, waxa uu u yeedhay wax garadkii magaalada XAMIS ee soo qoray magacyada, waxa aanu waydiiyay sababta ay ugu soo dareen Siciid dadkii waxa ay u sheegeen in Siciid caado ka dhigtay mushaharkiisa oo dhan inuu u qaybiyo dadka fuqarada ah,isaga oo ku calaacala “Maadaama oo alle hortiisa masuul uga ahay dadkan,jidka kaliya ee ii furan waa inaan sidaa yeelo”

Cumar Binu Khadaab isaga oo sii dabagaalaya arintan ayaa waxa uu u yeedhay dadkii reer XAMIS oo uu waydiiyay inay sheegaan ceebaha amiirkooda ee madaxda uga dhigay, waxaanay ugu jawaabeen waxa uu leeyahay saddex ceebood; inaan xiliga barqada dadka lagu dhex arag, inuu habeenkii aanu soo bixin oo aanu shaqayn, iyo in todobaadkii hal maalin uu is qariyo.

SomlegalAds

Cumar Binu Khadaab amiirkii XAMIS waxa uu weydiiyay ceebaha loo soo jeediyay, waxaanu ugu jawaabay waa run amiirkii muslimiintaw,Siciid Binu Caamir waxa uu tiriyay sababihii ku kalifay waxaanu yidhi:-

  1. Waa run barqadii uma soo baxo si aan ugu garnaqo, waayo xaaskayga ayaa bukaan ah gabadh saqaale ahina guriga ma joogto lacag aan ku dabarana ma hayo sidaa awgeed marka aan shaqada guriga dhameeyo ayuun baan soo baxaa
  2. Sababta aad habeenkii isaga qariyo waxa aan go’aansaday in aan maalinkii u shaqeeyo umada habeenkiina aan cibaadada alle u istaago
  3. In todobaadkii hal maalin aan is qariyana sababtu waxa weeye waxa aan leeyahay hal isku joog oo maryo ah, todobaad marka aan xidhnaado waa aan maydhaa waxa aanan sugaa inta uu qallalayo oo dibada uma soo baxo

“Amiirkii muslimiinta oo laga soo cawday gudoomiyihiisan ayaa si aad iyo aad ah u ooyey. “ kadib waxa uu Siciid siiyay lacag si uu ugu dabaro arimihiisa gaarka ah, Siciid lacagtii la siiyay maqaadan ee waxa uu si dhakhso ah ugu qaybiyay dadkii fuqarada ahaa iyo masaakiinta ahaa reer XAMIS

Waa darsi aynu ka baranayno anshaxa iyo hab-dhaqanka looga baahan yahay hogaamiyaha muslimiinta ama masuul kasta oo umada muslimiinta loo dhiibay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.