WorldRemitAds

“Maamulka Muqdisho maaha annaga oo qudha waxaa uu ciilayaa, Xataa Xamar ayuu duudsiyayaa..Saa Wax Gacan ugu jiraaba Ma Jiraane”

“Annaga iyo Xukuumadda iyo shacabka Somaliland dad hada la is barayo ma nihin, waar dad waligoodba wadda daganaa, dhulka wadaaga, dhalasho wadaaga” Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle, Somaliland, August 08, 2016 (Saxafi) – Maamulka uu hoggaamiyo Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa shalay iyaggoo isku dhan magaaladda Buuhoodle kaga dhawaaqay inay wadda hadalada Somaliland ay kula jiraan meel fiican u marayaan. Islamarkaana, madal Il-yartu is qabatay oo aan nin ka maqneyn ka cadeeyay inay u dhan yihiin wada-hadaladan.

SomlegalAds

Cali Khaliif oo shalay ka soo dagay magaaladda Buuhoodle ayaa isu keenay xubnaha maamulkiisa oo uu xataa ku jiro Guddoomiyaha Barlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xassan oo lama maalmood ka hor waxba kama jiraan ku tilmaamay wadda-hadaladan.

Cali Khaliif oo arrimahan ka hadlayaa dadweynaha taageersana u sharaxaya ayaa waxaa uu yidhi. “Wadda hadalada aan la yeelanay Somaliland waa qaar jira. Shir bilow ah ayaa ka dhacay Caynaba. Haddal aad u fiican ayaa halkaas ka soo baxay oo aanu Somaliland kaga wada hadlayno danaha naga dhexeeya. Hadalkaasi waa noo bilaabmay. Shiinuhu waxaa uu ku maah-maahaa safarka kunka sano qaadanayaa hal talaabo ayuu ka bilaabmaa…waanu noo bilaabmay.”

Cali Khaliif waa uu sii waday hadalkiisa, “Khaatumo waxay la golle tagtay, waxa ay beel gooni ah ama Jibsin gaar ah dantooda ah maaha..Dano gaar ah oo loo tagayaana ma jirto. Wax cid gooni ah loogu talagalayna maaha. Masuuliyad ayaa Khaatumo saran, iyadaana loo dhiibtay oo amaanadaas ayaa ay dadkeeda u haysaa. Arrintaasna wixii ka yimaadda masuuliyadeeda ayaanu leenahay. Wax badan ayaa wada hadaladaas nagaga xidhan, waxaanan rabnaa in xal waara la wada gaadho, hada dantayadda oo qudha maaha waxaanu ka hadlaynaaye waa dantoodda iyo danta gobolka Geeska Afrika iyo nabadiisa. Waxaa naga balan ah, anaga oo dadkayaga u daacad ah, in aanaan danta geeska Afrika Indhaha ka qarsan iyo baahida dadka Soomaaliyeed haysata.” Ayuu yidhi Galaydh, waxaana uu haddalkiisa ku cabiray xaaladda Soomaaliya oo uu si dadban quus uga muujiyay. “Annagu dadka Soomaaliyeed waxba uma haysano, haddii ayaan darro dhacday Karis xun iyana wax ku la. Maamulka Muqdisho maaha annaga oo qudha waxaa uu ciilayaa, Xataa Xamar ayuu duudsiyayaa, saa wax gacanta ugu jiraaba ma jiraan. Waxan leeyahay awalna anagaa u dhimanaynay haddana anagaan ka marin habaabayn waxaa dadka Soomaaliyeed uu gayo, laakiin, raqba waa ku rageed. Annaga iyo Xukuumadda iyo shacabka Somaliland dad hada la is barayo ma nihin, waar dad waligoodba wadda daganaa, dhulka wadaaga, dhalasho wadaaga, danahayaga si loo kala saar-saaro aanay jirin ayaanu nahay. Hada taas macnaheedu maaha in maamulka maanta jooga ee Saaxiibkay Axmed Siilaanyo hoggaamiyaha ka yahay dhibaatadda ay na gaadhsiiyeen illaa xiligii Daraawiish cid na gaadhsiisay ma jirto, taasna waan ognahay.” Sidaas Ayuu yidhi

Guddoomiyaha baarlamaanka Khatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xassan oo isna madashan ka hadlay, islamarkaana beeninayay haddal uu laba maalmood ka hor jeediyay, ayaa waxaa uu sheegay in hadalka hore uu xaaladdo ku dejinayay, islamarkaana dhibaato kaga hortagayay, waxaana uu yidhi. “Nin Dameer Dabadii ka degay meel uga toolmoon ayuu waayay.” Isaga oo fassiraya hadalka hore ee uu jeediyay in duruufi ku qasabtay.

Ku Xigeenka Cali Khaliif Galaydh oo lagu magacaabo Cabdalle Maxamuud Haybe ayaa isna madasha ka hadlay, waxaana uu cadeeyay in ay ka go’antahay inay wadda hadaladan ka midho dhaliyaan. “Khaatumo hadday Xisaabtantay saddex dawladood dagaalkeeda ma awooddo. Waxaanu ka bilownay kuwii aanu dalka isku haysanay. Wadda hadalkaasina waa dhaceen oo Caynaba ayuu ka dhacay shirku. Waxaanan ka rajaynaynaa guul inuu ku dhamaado” sidaasna waxaa yidhi mid ka mid ah Xubnaha maamulkan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.