WorldRemitAds

Culimada sayniska ayaa ku hawlan sidii ay u horumarin lahaayeen urta qadhmuun ee kabaha aadamiga taas oo la ogaaday inay la dagaalanto kaneecada iyo xasharaadka.

Urta lugaha aadamiga ayaa la odaaday inay afar jeer ka daran tahay dawooyinka lagu sumeeyo xasharaadka. Waxaana lagu wadaa in dawada laga sameeyaa ay la dagaalami doonto kaneecada oo si ba’an u halakaynayso.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Telegraph fikradan ayaa culimada ku dhalatay ka dib markii ay ogaadeen In kaneecadu dhaamaan wixii ur ah ay ka cararto.

SomlegalAds

Si kastaba ha ahaatee waxa imika lagu hawlan yahay sidii wax looga qaban lahaa kaneecada oo dhibaato ba’an ku haysa aadamiga sanad walba ku keenta dhinasho boqolaal milyan oo qof.

Kaneecada ayaa noqotay xanuun dhaliyaha labaad ee dunida waxaana ka horeeya oo kaliya HIV/AIDS, Sida la og yahay ama warbixino kala duwan lagu hayo xanuunka Malaariyada waxa sanad walba aduunka ugu dhinta dad lagu qiyaasay tiradooda 5-milyan oo qof, waxaanay noqotay mid aan loo taag helin ama aan ilaa wali si rasmi ah loo helin dawooyin lagula tacaalo, waxa jira in kabadan 8599 nooc oo xanuun dhaliyaha kaneecada ah kuwaas oo ku cusub dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.