WorldRemitAds

Rug cada siyaasada Dalka Jarmalka saamayn wayn ku leh, kana mid ah hogaamiyayaasha xisbiga Waddaniyiinta Jarmalka ee (NPD) ayaa muslimay oo qaatay diinta Islaamka, si rasmi ahna warbaahinta ugu waaweyn dalkiisa uga bayaamiyay.

Siyaasigan oo shan iyo todobaatan jirka ah lagu magacaabo, Werner Klawun, ayaa waraysi jariirada ugu wayn dalka Jarmalka ee Bild ay la yeelatay, kaga waramay diinta Islaamka iyo sida ay ugu dhalatay inuu muslimo, waxa kale oo uu ka hadlay isbadal wanaagsan oo ku dhacay guud ahaan noloshiisa oo dhan.

Siyaasigan oo ka mid ah xisbiga Waddaniyiinta xag jirka ah ee dalka Jarmalka, kana tirsan Barlamaanka federaalka ee dalka Jarmalka, ayaa sheegay in diinta Islaamku tahay, diin nabad gelyo, una soo degtay aadamiga oo dhan.

SomlegalAds

Waxa uu tilmaamay in Diinta islaamku, dadka Rumaysan ku amrayso inay wanaaga ka shaqeeyaan, xumaantana iska reebaan, sama falka iyo khayrkana badiyaan.

Taas oo ka reebaysa, ficiladii xumaa ee uu samayn jiray, sida midab takoorka, nacaybka madowga iyo soo galaytiga iyo isla waynida, waxaanu tilmaamay inuu ka bixi doono, xisbiga (NDP) ee uu hogaamiyayaashiisa ka midka yahay.

Xildhibaan Werner Klawun, ayaa ka waramay, sababta ama qisada ku hogaamisay, hanuunka iyo inuu diinta Islaamka qaato? Waxaanu sheegay inuu markii hore nacayb badan u hayay Diinta Islaamka iyo Muslimiinta Rumaysan.

Muddo dheerna dhegaha ka furaysan jiray wax kasta oo Diinta Islaamka ku saabsan, ka dibna uu helay, buug uu qoray, qoraaga ugu caansana dalka Jarmalka, Johann Wolfgang Goethe, oo ka mid ahaa khubaradii Jarmalka ee bariga dhexe ka shaqayn jiray, luuqada carabigana sida fiican u bartay.

Qoraagan oo fidinta diinta Kiristaanka u tagay bariga dhexe, hasa yeeshee markii danbe Muslimay, isla markaana qoray kutub tiro badan oo uu kaga hadlay, diinta Islaamka, dhaqanka fiican ee muslimiinta, xadaarada bariga dhexe, taariikhda balaadhan ee ka jirta.

Waxa kale oo qoraaga Jarmalka ah ee Johann Wolfgang Goethe, alifay kitaab Nabi amaan ah oo uu si gaar ah ugu sifaynayo, dhaqankii wanaagsanaa iyo hogaamintii qiimaha badnayd ee Nabigeeni Maxamed (NNKHA).

Warner Klawun, ayaa sheegay taariikhda Qoraagaasi ka soo weriyay Muslimiinta Iyo Diintooda Islaamku waxa uu igu dhaliyay inaan, akhristo kutub iyo qoraalo ka hadlaya diinta Islaamka, ka dibna waxaan uga gudbay Kitaabka Quraanka Kariimka.

Siyaasigan oo Ibraahim ku badalay Magaciisi hore ee Warner Klawun, ayaa sheegay in markuu akhristay kitaabka Quraanka oo lagu turjumay luuqada Jarmalka, uu wax badan ka fahmay diinta Islaamka, xumaantii qalbigiisa ka buuxdayna ka baa ba’aday, sidaana uu ku muslimay.

Siyaasigan ayaa sheegay inuu ka haajiray xaaskiisi, carruurtiisina ay wada xidhiidhaan oo uu kaliya, kaalintii waalidnimo ugu jiro, balse ay kala umad noqdeen, ka dib markii ay ku colaadiyeen diinta Islaamka ee uu qaatay.

Xildhibaankan ka tirsan barlamaanka Jarmalka, ayaa degmadii uu ka soo baxay ee Rechte ka bilaabay, samo fal iyo gargaar uu dadka soo galaytiga ah ee muslimiinta u badan ku taakulaynayo.

Mar la waydiiyay sababta uu siyaasadiisi hore ee Xisbiga (NPD) uga digo rogtay? Ayuu kaga jawaabay, siyaasada xisbigayagu waxay ku dhisan tahay, takoor, shisheeye nacayb, Jarmal saraysiin iyo qab aan caqli gal ahayn, waxaanan ka mid ahaa dadkii dejiyay ee ku qanacsanaa, laakiin markii aan Muslimay ee aan diinta Islaamka Qaatay, waxaan ogaaday, In Adoomaha Alle (SW), Siman yihiin, derajada kaliya ee ay ku kala horeeyaana tahay, Alle Ka Cabsiga, balse aanay midab, diin iyo jinsiyad ku kala sarayn Karin.

Taageerayaasha xisbiga (NPD) ayaa mudaharaadyo ay ku canbaaraynayaan siyaasigan ka sameeyay meelo ka mid ah dalka Jarmalka, balse dheg umuu jalaq siin, waxaanu si buuxda u cadeeyay inaanu haddii dunida oo dhami isugu timaado aanu ka noqon doonin diinta Islaamka, kuna god geli doono isagoo muslim ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.