WorldRemitAds

Dalka koonfurta Kuuriya waxa sii korodhay cunista hilibka Eyda waxaana sida la sheegay dhamaan dadka dalkaasi bilaabeen inay maalin walba iibsadaan hilibka eyda iyagoo aaminsan in hilibka eydu yareeyo kulaylka xagaaga.

Sida wakaaladaha wararku sheegeen khamiistii bishii hore ee sanadkan ayaa noqotay, bishii ugu xumayd ee Eyda dalkaasi soo marta taariikhda, taas oo ka dhalatay kulaylka xad dhaafka ah ee dalkaasi ku dhuftay, oo sababay in dalabka hilibka Eydu kor u kaco.

Dadka reer Kuuriya waxay aaminsan yihiin in cidii cunta hilibka Eydu aanay dareemin kulayl badan oo xagaagu aanu karin.

SomlegalAds

Sida dadka reer kuuriya aaminsan yihiin waxaa la cunaa maalmaha sidan cadceeda iyo heer kulku u kululaado dhawr nooc oo hilibka xayawaanka kala duwan ah, waxaana ka mid ah hilibka masaska bada ama wabiyada, hilibka digaaga oo la shiilay iyo hilibka Eyda oo fax fax laga dhigay, kuwaas oo ay rumaysan yihiin inay ka badbaadiyaan qofka kulka badan iyo inuu nafaqo bax ku dhaco.

Kumanaan dadka reer Kuuriya ah ayaa maalin kasta ayaa safaf dhaadheer u galaa hudheelada iyo meelaha lagu sameeyo hilibka Eyda ee fax faxa laga dhigo, waxa kale oo lagu arkaa suuqyada waaweyn ee dalkaas dad badan oo sita hilibka Eyda.

Dalka Kuuriyada Koonfureed ama labada Kuuriya waxay ka mid yihiin, waddamo tiro badan oo ku yaala bariga fog ee qaarada Eeshiya oo si wayn looga isticmaalo hilibka eyda, waxaanay kala siman yihiin dadka indho yarta ah ee waddamada, Vietnam, Philippine, Chine iyo Taiwan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.