WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 28, 2016 (Saxafi) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay soo afjartay khilaaf dhul daaqsimeed beelaha wada dega waqooyiga Hargeysa isku haystaan, taas oo go’aamo adag laga soo saaray.

Xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ay iskugu yimaadeen, wasiiru dawlaha arrimaha gudaha, wasiirka Cadaaladda iyo madax dhaqameedka beelaha waqooyiga Hargeysa ee dhulkan isku haystay ayaa isku raacay go’aankaasi ay wasaaraddu ka soo saartay dhulkaasi, waxaana la isla gartay in la burburiyo barkadihii laga samaystay iyo dadkii ootay dhulkaasi oo loo daayey inay noqoto dhul daaqsimeed dadka ka wada dhexeeya.

Madax dhaqameedkan ayaa isku raacay go’aankaasi wasaaraddu ka soo saartay, waxaanay sheegeen inay soo dhoweynayaan oo ay taageerayaan dawladda go’aanka wasaaraddu soo saartay ee ah in dhulkaasi noqdo dhul daaqsimeed.

SomlegalAds

Maxamed Muuse Diiriye, wasiirudawlaha arrimaha gudaha oo “Waxaanu is tusnay dhulkaasi inay noqoto dhul daaqsin xooluhu daaqaan, ragaga arrintan u xidhan waa la soo daynayaa laakiin waxa lagu soo daynayaa inuu qof waliba saxeexo inuu ogol yahay inuu dhulkaasi noqdo dhul daaqsimeed, waxaana kaxaynayaa cagafyaddii oo aanu duminayno wixii ceelel laga qoday”

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Axmed Faarax Caddare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhulkii xooluhu daaqi lahaayeen ay khalad tahay in la ooto ama la xidho, waxaanu yidhi “halkii xooluhu daaqi lahaayeen marka la ooto waxaynu ku gafnay ma yeedhaankii oo ah xoolaheenii, waa hnti aynu leenahay xooluhu marka meeshii daaqi lahaa haddii aynu xidhano halkee ayey daaqi doonaan xoolaheenii, xoolaha, daaqa iyo dadkuba inay cadaalad helaan ayey u baahan yihiin, xooluhu caqli ma leh ee inaga u caqli ah, wixii ilaahay ugu tallogalay ee daaqa ah in aanu hor istaagno, taasina waa dabar goynta xoolaha, waxaana dhamaan Somaliland oo dhan ka tirtiri doonaa in dhulka xooluhu daaqi lahaayeen la iska ooto”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.