WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 25, 2016 (Saxafi) – Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalalka barwaaqo sooranka ee dalka Ingiriiska ayaa uga digay muwaadiniintoodda ku nool Somaliland iyo Soomaaliya inay si dhakhso ah uga baxaan cabsi laga qabo in weerar ku soo qaadaaan kooxaha Al Shabaab.

War-saxaafadeed ay ka soo saareen arrintan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in kooxaha xag jir ah weeraro ku soo qaadaan goobaha ay u badan yihiin Ajanabigu.

War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada iyo dalalka barwaaqo-Sooraanka ee dalka Ingiriiska oo ku taariikhaysan (November 24dii) halista iyo cabsi la filayo in weeraro kala duwan ay kooxaha argagixisada ah ku qaadaan goobaha ajanibku ku sugan yihiin, iyadoo dalka Somalia lagu mashquulsan yahay qabashada doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamaanka dalkaas, waxana dowlada Ingiriisku uga digeysaa dhamaan muwaadinintooda in ay u safraan dalalka Somalia iyo Somaliland  oo ay ka reebeen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

SomlegalAds

Waxana war-saxafadeedka ka soo baxay xafiiska waaxda arrimaha dibada iyo barwaaqo Sooraanka ee dalka Ingiriiska u dhigna sidan; “Waaxda arrimaha dibada iyo barwaaqo sooraanka ee Ingiriska (Foreign and Commonwealth office FCO) ayaa uga digaysa in gebi ahaan in loo safro dalka Somalia, oo lagu daray Somaliland oo ay ka reebeen labadda magaalo ee Hargeysa iyo Berbera, taas oo ah xafiiska FCO ka digayso haddii lagama maarmaan aanay ahayna in aan labaddaas magaallo lafteeda loo safrin.

Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo ku sugan gudaha dalka Somalia waa inay ka baxaan kuwa  qorsheynayaana inay u safraan dalka Somalia waa in aanay u safrin, sidoo kale muwaadiniinta ku sugan magalooyinka Hargeysa iyo Berbera hadii aanay ahayn safar muhiim ah waa inay sida uga dhakhsaha badan uga baxaan magalooyinkaas. Waxa jira khatar darajadeedu aad u sarayso oo ka soo fool leh kooxaha argagixisada ay ka mid tahay afduub ay ka fulin doonan gudaha Somalia oo ay ku jirto Somaliland.

Kooxaha argagixisada ahi, waxaa ay hore hanjabaad ugu direen ajaanibka ka soo jeeda wadamada reer galbeedka iyo kuwa hawlo shaqo ka haya ururada samafalka ah ee reer galbeedku leeyihin.”

War-saxaafadeedkan loogu digayo muwaadiniinta Ingiriiska ee jooga Somaliland iyo Soomaaliya in aanay u safrin ayaa noqonay tii shanaad ee  laga soo saaray muddo sanad gudihii, taas oo inta badan digniinahaasi ay sheegaa fashil maan oo ay been noqoto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.