WorldRemitAds

Burco, Somaliland, November 28, 2016 (Saxafi) – Kulan Ballaadhan oo shalay ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee magaalada Burco ayaa Beesha Gaashaanbuurta Axmed Faarax oo ka tirsan Beesha Bariga Burco waxay mar kale si weyn uga dhawaajiyeen inaanay waxba iska bedelin taageeradii ay gaashaanbuurtaasi la barbar taagnayd xisbul-xaakimka KULMIYE iyo Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay taageero taas la mid ah la garab istaagayaan xisbiga KULMIYE iyo Musharaxa xisbigu u soo xushay inuu jagada Madaxweynaha isu taago doorashada dalka ka dhici doonta sannadka dambe, kaas oo ah Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo dhinaca Ardaaga Gaashaanbuurta Axmed Faarax aanay u kala hadhin madax-dhaqammeedkoodii, waxgaradkooda, siyaasiyiintooda, Xildhibaano ka tirsan  goleyaasha qaranka iyo dhallinyartooduba, ayaa waxaa goobta fadhiyay 21 Caaqil oo ka mid ah Gaashaan-buurta Axmed Faarax, halka dhinaca kalena ay Madaxweynaha ku weheliyeen kulankaas Wasiirada Mmaaliyadda, Samsam Cabdi Aadan, Hawlaha Guud, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo).

SomlegalAds

Cuqaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ardaagan Gaashaan-Buurta Axmed Faarax, ayaa Madaxweynaha Somaliland kulankan ku guddoonsiiyey kalsoonida ay ku qabaan xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyo musharaxa Madaxweynaha ee tartanka doorashada soo socota uu xisbigaasi u soo cugtay ee Muuse Biixi Cabdi, iyagoo sheegay in deegaanada ay ka soo jeedaan aan lagula loolami doonin xisbiga KULMIYE oo ay tan iyo markii la aasaasay ay taageeri jireen. .

“Haddaan cududaha Caadil naga dilin, ceelkuna engegin, wallee Culuseey waad Cabaysaa. Dhaar baabu raaciyay. Muuse ereygaas baan u marinayaayoo, Muuse waxaan leeyahay Muruqayagii waa caynkiisii, gobolkana [Togdheer] waayeelkiisaanu isku wadnaa ardaagayaga halkan fadhiyaa, saddexda xisbina annagaa marki hore iyo markii dambeba hoggaaminay, maantana mid qudha uun baanu nahay, waanuna u coddaynaynaa xisbiga KULMIYE” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah cuqaashii Gaashaanbuur Axmed Faarax ee kulankaas ka hadashay.

Cuqaal farabadan oo madashaas iyaguna ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay in Gaashaanbuurta Axmed Faarax ku midaysan tahay doorashaadada Madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo sannadka dambe inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murashaxiintooda madaxtinimada ay u soo cugteen.

Sidoo kale, xildhibaanada golaha deegaanka ugu jira Gaashaanbuurta Axmed Faarax oo uu horkacayo Maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) iyo weliba Maayarkii hore ee Burco Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, ayaa iyaguna kulankaas ka hadlay, waxaanay muujiyeen in Gaashaanbuur Axmed Faarax isku raacsan yihiin inay taageeradooda la garab istaagaan xisbiga KULMIYE iyo musharaxoodaba.

“Madaxweyne hadalku wuu dhan yahaye waa dareen muujin uun, qoddobka koowaad wuxuu ahaa Gaashaan-Buur iyo reer Burco ahaanba, anagoo adhaxdii Burco ah inaanu halkan ka cadayno inaanay waxba iska dhimin taageeradayadii dawladda iyo Madaxweynahaba aanu la garab taagnayn, taageeradayadii aanu la garab taagnayn xisbiga KULMIYE iyo musharaxiisaba, waanuna shaqaynaynaa, qof meel ka hadlana lama waayo, laakiin taageeradii iyo cududii waa ta halkan manta ka muuqata,” Sidaas waxa yidhi Maayarkii hore ee Burco, Cabdirisaaq Maxamed Jaamac.

Maayarka Burco, Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Gaashaanbuur Axmed Faarax is-daba taagayso xisbiga KULMIYE iyo Musharaxeeda Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi: “Madaxweyne, maanta aad baan u faraxsannnahay, xalayna markii aan seexanayey dirirka ayaan eegay… annagu xisbiga KULMIYE ayaanu nahay, aslan wa faslan, horena waanu u ahayn, taageerada xisbiga ee aad nagu balamisayna, musharaxnimadiisiina aad ka tanaasushay, sida aad noogu balamisay ayaanu u taageersannahay oo uu daba-soconaa. Dawladda ayaanu barbar taagannahay, xisbiga ayaanu barbar taagannahay, Muuse Biixi ayaanu daba-taagannahay, insha Allaahuna waanu soo saaraynaa.”

“Xisbiga KULMIYE inuu guulaysano waxaa lagu gartaa markii Samaale oo aanay beryahaa kamaraduhu noo qaban, ay qabatay isagoo odaygii garab socdaa, ayaa la yidhi sowkaa Samaale odaygii garab socda, dee waxa la yidhi xisbigii wuu soo baxayaa,” sidaas waxa goobtaas ka yidhi mid ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka ee halkaas ka hadlay.

Wasiirka Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyaduna madashaas ka hadashay ayaa hadaladeedii waxa ka mid ahaa oo ay tidhi: “Runtii waxa weeye, annagu markaanu Madaxweynaha taageeraynay , waxaanu ku taageeraynay taariikhdiisa iyo halka uu ka soo jeedo, iyo gaashaanbuurtaas gaashaanbuurteedii oo aanu ahayn. Annaga cidi nagumay ballamin Madaxweynaha sidan imika laydiinku balamiyey idinka, laakiin taariikh baanu ku dagaalamaynay. Adduunka gaashaanbuurtu way ka dhacdaa oo waarso iyo nato, gaashaanbuurtaas dunida ka jirta, waxa weeye dan baa loo arkay is-gaashaanbuuraysigaas. Inaguna dantii ayeynu eegaynoo ilaa dhawr iyo kontonkii gaashaanbuur baynu ahayn, tii baanu deegaankayaga ka ilaalinaynay oo iyadoo dawladi nala dagaalamayso naloo soo mari waayey, tii baanuna idinkana idinka filaynaa.”

Sidoo kale, wasiirka Hawlaha Guud iyo Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay ku amaaneen Gaashaanbuurta Axmed Faarax taageeradooda geesinimada leh ee ay halkaas ka muujiyeen.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa muujiyay siday u mudan tahay in illaahay hoos layskugu dhigo si uu inoogu naxariisto oo uu abaarta inooga dul-qaado, taas oo uu Samaale sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo uu muujiyay oo uu dibadda ugu soo baxay inuu muujiyo baahida aynu illaahay u qabno.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siillaanyo oo kulankaas hadal kooban ku soo xidhay, ayaa uga mahadnaqay Gaashaanbuurta Axmed Faarax taageerada ay u muujiyeen xisbiga KULMIYE iyo Musharaxa Madaxxweynaha Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi: “Waxaan idiinka mahadcelinayaa sida fiican ee aad noo soo dhawayseen. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay inaynu isku raacno  inaynu taageerno xisbiga KULMIYE iyo musharaxiisa oo aynu meel uga soo wada jeesano, waanan idiinka mahadnaqayaa taageerada aad la daba taagan tihiin xisbiga KULMIYE iyo musharaxiisa, waxaanan illaahay ka rajaynayaa inuu inagu guuleeyo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.