WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 4, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa xalay isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Xukuumadda, kuwaas oo uu qaar ka mid ah xilkii ka qaaday, halka uu kuwo cusubna magacaabay, isla markaana qaar ka mid ah isku-bedel ku sameeyay.

Madaxweyne Siillaanyo ayaa isku shaandheyntiisan waxa uu xilkii kaga qaaday labaatan masuul oo isugu jira wasiiro, wasiir ku-xigeeno, Agaasimeyaal Guud, Maareeyayaal iyo Wakiilo dibadeed, isagoo dhinaca kalena  sagaal iyo soddon masuuliyiin magacaabis iyo isku-bedel ku sameeyay.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Siillaanyo unkay Wasaarad cusub oo aan hore ugu jirin xukuumadiisa, taas oo ah Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, taas oo uu u magacaabay wasiir cusub, iyadoo hore dhaqanka iyo Dalxiisku ku hoos jireen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha..

SomlegalAds

War-saxaafadeedka lagu soo saaray isku-shaandheyntan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 uu caawa xilka qaadis, isku bedel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.

Golaha Wasiiradda

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasaaraddaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Xuseen Cabdi Boos, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Cabdirisaaq Waabari Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. In Mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Maxamed Axmed Obsiiye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  5. In Mudane, Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
  7. In Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  8. In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
  9. In Mudane, Guuleed Cabdi Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  10. In Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  11. In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
  12. In Mudane, Cali Maxamuud Cali Samatar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  13. In Mudane, Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
  14. In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
  15. In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  16. In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  17. In Mudane, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
  18. In Mudane, Axmed Maxamuud Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

Gobolada Dalka

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolada Maroodijeex, Sool, Togdheer  ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Cabdi Khayre Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Maxamuud Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland

Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:          Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  5. In Mudane, Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. In Mudane, Maxamed Geedi Caynaashe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada (Quality Control) ee Jamhuuriyadda Somaliland
  7. In Mudane, Maxamed Aadan Xirsi (Vitamin), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wakiilada Somaliland u fadhiyidoona Dalalka dibeda

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska (United Kingdom);

Markuu Ka Fiirsaday: Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karto xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Marwo, Ayaan Maxamed Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom)
  2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya
  3. In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti
  4. In Mudane, Sekeriye Xasan Wacays, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden

Hay’adaha Dawladda Somaliland

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad Faqradiisa 3aad, Xarafka (t) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Naasir Ay-jeex Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta Guddida La Dagaalanka HIV AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland
  3. In Mudane, Khadar Maxamed Cakule, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland
  4. In Mudane, Maxamed Cali Axmed (Daarood), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland
  5. In Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland
  6. In Mudane, Axmed Daa’uud Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

La-taliyeyaasha Madaxweynaha JSL

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

  1. In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
  2. In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Macdanta
  3. In Mudane, Cabdillaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ujeedo Xilka Qaadis

  1. Mudane, Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha
  2. Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
  3. Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  4. Mudane, Boos Mire Maxamed, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda
  5. Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  6. Marwo, Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta
  7. Mudane, Cabdi Maxamed Hirad, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
  8. Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
  9. Mudane, Cismaan Garaad Soofe, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
  10. Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Sweden
  11. Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti
  12. Mudane, Cali Aadan Cawaale, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska
  13. Mudane, Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Magaalada
  14. Mudane, Cabdi Cali Mahdi, Maareeyihii Hore ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee JSL
  15. Mudane, Cabdirashiid Xirsi Dalmar Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sool
  16. Mudane, Nuuradiin Maxamed Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada
  17. Mudane, Xasan Aadan Geedi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
  18. Mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  19. Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen  qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudaneyaasha iyo Marwooyinka aan xilalka qaranka u soo igmaday una magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.