WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 23, 2018 (Saxafi) – Safiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somalia Ambassador David Concar ayaa kulan la yeeshay shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib markii uu socdaal ku yimid dalka.

Ambassador David Concar ayaa kala hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadda hadalka labada Somaliland iyo Somalia.

SomlegalAds

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo ka hadlay kulanka dhex maray madaxweyne Muuse Biixi iyo danjire David Concar ayaa cadeeyey inay isla soo qaadeen  dib u bilaabida wada hadalkii u dhaxeeyey labada wadan, waxaanu yidhi  “Kulankan waxa ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo safiirku kaga wada-hadaleen arrimo badan oo  khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya hore ugu socday oo muddo hakad ku  jirey iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa, islamarkaana hannaankii wada-hadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada waddan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.