WorldRemitAds

W/Q: Axmednuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaarada Maaliyadda JSL

Marka hore waxaan hambalyaynayaa muj. Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna murashaxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaan labadaba ku hambalyaynayaa guushii uga soo hooyatay madashii doorashada, maalintii salaasadii taariikhduna ahayd 10.11.15.

Marlabaad waxaan jecelahay inaan wax ka idhaahdo dhaliilaha dadka qaarkii u soo jeediyaan Muj. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ku saabsan askarinimadiisa .

SomlegalAds

Halkan waxaan ka leeyahay: horta bani aadamka ma shaqadaa abuurta mise bani aadamkaa shaqada abuura?

Waxa marag madoona shaqada inuu bani aadamku abuuro iyadu se aanay bani aadamka abuurin.

Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda, Axmed-NuurMarkaa waxaan leeyahay: caqliga ma gasho qofna in lagu dhaliilo shaqo heblaayo ayuu qaban jiray, waxaase lagu dhaliili karaa qofka shaqadii uu qaban jiray wuu ku liitay, oo kamuu muujin jirin karti iyo hufnaan.

Hadaba Muuse Biixi Cabdi, askari wuu ahaan jiray wuxuu se ahaa askari shaqadiisa haldoor ku ah, taasna waxaa u daliila inuu ka mid ahaa kuwa ugu magaca iyo muuqa dheer leh geesiyaashii xoreeyay dalkan maanta xukunkiisa lagu loolamayo, arintaas oo caddaynaysa askarinimo wanaagsan oo laga midho dhaliyay.

Hadaba halkaa waxaynu ka fahmaynaa ninka askarinimada ku wanaagsan ayaa Madaxweynenimada, wasiirnimada, kuulinimada iyo shaqo kasta oo uu qabtaba ku wanaagsan, sababta oo ah tayada shaqada waxa keenta tayada qofka shaqada qabanaya.

Ugu danbayntii qolyaha askarinimada dhaliil ka dhigaya waxaan odhan lahaa: hadaan askarinimo jirin ma la heli lahaa dawlad Somaliland ahoo maanta lagu murmo annaa xukumaya iyo annaa xukumaya.

Lama heleene waadse halawsan tihiine markaad askarinimo dhaliil ka dhigaysaane, dacaayad kale oo dadku idinka qaadan karaan raadsada.

Axmednuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaarada Maaliyadda JSL

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.