WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, March 19, 2012 (Saxafi) – Beel ka mida beelaha deegaanka gobolka Saaxil ayaa shalay shir ay isugu yimaadeen xilkii kaga xayuubiyay Caaqil-koodii oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Cigaal (Cabdi Hadoodil).

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolka Saaxil, Maxamed Cabdillaahi Faarax, Madax-dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka beeshan ayaa xil ka xayuubintaas ay ku sameeyeen caaqilkii beeshaas, waxay ku sababeeyeen inuu caaqilkaasi ka talaabay xadka xilkii loo igmaday isla markaana uu siyaasad ku dhexmilmay, kaas oo ay sheegeen inuu shaashadaha wararka ee layska arko kaga hadlay hadalo uu eedeyn iyo dhaleecayn dusha ugaga tuuray guud ahaan beesha deegaanka gobolka Saaxil ee Ciise Muuse ee ay iyagu ka mid yihiin.

Waxa kale oo ay Caaqilkan ku eedeeyeen inuu Beesha Ciise Muuse ku tilmaamay qaar ka soo horjeeda horumarka gobolka Saaxil, xukuumadda Somalilandna Mucaarad xoogan ku ah oo qaran dumis ah.

SomlegalAds

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Saaxil Maxamed Cabdilaahi Sidoo kale waxa ay odayaasha, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha reer Saaxil oo shalay shir balaadhan ku qabsaday magaalada Berbera ay bayaamiyeen in aanu Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal oo loo yaqaano Cabdi Hadoodil laga bilaabo shalay oo bishu ahayd 19/03/2012 wixii ka dambeeya aanu metelin beesha Reer Sahal Cali ee Maxamed Ciise, wax xil ah oo uu u hayaana aanay jirin haba yaraatee.

Waxa iyaguna goobta xilka lagaga qaaday caaqilka beesha reer Sahal xaadir ku ahaa 20 xubnood oo ay beeshaasi guddi ahaan u doorteen iyo odayaasha jufada hoose ee uu caaqilka xasaanada laga qaaday ka soo jeedo oo iyaga qudhoodu hadalo ay goobtaa ka soo jeediyeen beesha balaadhan ee ay xilkaa u hayeen uga mahad celiyay sidii markii hore loogu maamuusay cumaamada iyo hogaaminta reerka ee dhinaca dhaqanka Imikana ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan oo cumaamadii beesha u soo celiyaan..

Cismaan Laangadhe oo ka mida gudida beesha reer  Sahal ayaa hadal uu shirkaas ku furay ku yidhi “Waxaanu maanta shirweynahan u qabsanay hadaanu nahay beesha reer Sahal iyo Gaashaan buurteeda in aanu marka ugu horeysa xaal ka bixino hadaladii aan habooneyn ee ka soo yeedhay Caaqilkayaga Cabdi Maxamed Cigaal (Cabdi Hadoodil), hadaladaas uu ku hadlay oo aanaan kula socon beeshana aanu ku matalin. Waxa kaloo aanu iyana idiin cadaynaynaa in aanu maanta laga bilaabo Xilkii uu reerka u hayay ee caaqilnimo ka xayuubinay.”

Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay Ismaaciil Cali Hangoole waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Hadaladii uu ka jeediyay warbaahintu waa been, Ciise Muusena waa beeshii dawlada Somaliland dhidibada u taagtay ee shirweynihii ugu horeeyay ee loogu ariminaayay Somaliland Sheekh ku qabatay, ninkaasi Caaqilka noo ahaa isaga iska qaaday sharaftii uu huwanaa ee reerka, maanta laga bilaabana reerka wax xil ah uma hayo ninkaasi.”

Cabdishakuur Maxamed Xassan (Cabdishakuur Cidin) ayaa waxa uu isna yidhi: “Waxaanu xukuumadda Somaliland ogeysiinaynaa in aanay Ciise Muuse iyo reer Sahal-toona mucaarad ku aheyn xukuumadda hada joogta, hadalada Cabdi Hadoodilna waa qaar isaga uun ku kooban.”

Xaaji Cabdi Rooble oo isagu ka mida jufada hoose ee caaqil-ka xasaanadda laga xayuubiyay ayaa isna yidhi “Aniga oo ah odayga caaqilka xilka laga ridayo waxa aanu beesha reer Sahal iyo gaashaan buurteeda uga mahad celinaynaa xilkii ay nagu maamuuseen ee aanu mudada dheerna soo haynay maantana mar hadii nala yidhi keena xilkii waanu dhiibaynaa diyaar baanu u nahay, hadaladiisiina waxaanu xaal waafiya ka siinaynaa gudida beesha Ciise Muuse ee dan iyo duco oo ah gudi Ciise Muuse soo doortay oo muqadis ah.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay dad ay ka mid ahaayeen CiiseCaliFaarax, Cabdirashiid Saleeban Jaamac (San yare) iyo qaar kaloo badan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.