WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 6, 2016 (Saxafi) – Magaalada Boorama ayaa markii u horreysay muddo toban sannadood ka badan laga dareemayaa biyo yaraan aan hore loo arag wakhti roobab badani ka da’yeen ilaa bishii hore halkaas.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, biyo yaraantan oo aanay xaafadaha qaar laba ilaa saddex maalmood biyo helin, iyo kaltankii maalin dhaafka ahaa ee xaafadaha loogu qaybin jiray biyaha oo haatan dhaafay wakhtigii, ayaan ilaa imika waxaan si rasmi ah uga hadal shirkadda biyaha Boorama ee SHABA taas oo maalmo dhaweydna ku mashquulsanayd qoditaanka ceelal cusub oo laga bilaabay Bariga Magaalada.

Warar la xidhiidha biyo yaraanta dadweynaha qaarkood siyaalo kala duwan u sheegeyaan iyagoo qaybo ka mid ah dadweynaha biyo la’aantu saamaysay si cadho leh shirkadda dusha uga saarayaan biyo yaraantan, halka kuwa kalena sheegeyaan inay cilado farsamo fadhiisiyeen nidaamkii biyaha soo saarayey mishiinada biyaha soo saarayeyna ay xamili waayeen hawada kululaatay.

SomlegalAds

Warar aan la xaqiijin kuna dhaw dhaw shirkadda SHABA lafteeda ayaa sheegeyaa in biyo yaraantani ka dhalatay culays ceelasha biyaha ee dooxa Dhamuug kala soo gaadhay ceel dhawaan halkaa ay ka qoteen xarunta agoomaha ee loo yaqaan Kuwait, ceelkaas oo hoos loo qoday ilaa saddex boqol oo mitir dhulka hoostiisa uu xaalufiyey ceelashii shirkadda SHABA ee dawladda Shiinuhu tobanaan sanadood ka hor ka qoday degaankaasi hoosna loo qoday wax aan ka badnayn 60 mitir dhulka hoostiisa, iyadoo sida la sheegeyo badi biyo la’aanta dhacday dusha laga saaray Wasaaradda Biyaha ee dalka oo iyadu xarumaha agoomaha siisay rukhsaddaasi ee aan loogu meel dayin dhibaatada ka dhalan karta ceelkaasi iyo saamaynta uu ku yeeshay danta guud iyo dadweynaha magaalada.

Si kastaba ha ahaatee biyo yaraantan markii u horreysay muddo toban sannadood ka badan reer Boorama dareemeen ayaa la kawsatay bisha soon ee Barakaysan, jawiguna aad u kulul yahay

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.