WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 6, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeen ka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciiil Saylici oo uu wehelinayo Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka, ayaa xadhiga ka jaray jidad kala duwan oo ku yaalla caasimadda Hargeysa, taas oo dawladda hoose ee Hargeysa hirgalisay.

Ugu horeyn waxay xadhiga ka jareen jidka masalaha oo isku xidhaya Axmed Dhagax iyo Balligubadle, kaasi oo dhererkiisu yahay kun mitir ama hal kilo mitir.

Xildhibaan Axmed Nacnac oo ka hadlayey wadadan xadhiga laga jarayo ayaa yidhi “Maanta qaybtan xadhiga laga jarayo waa kun mitir, waxaan u mahad celinayaa maayarka Caasimadda Hargeysa oo si weyn uga qaybqaatay dhismaha wadadan, maayarku intii uu joogay waxaanu soo dhisnay afar kilimitir, xoogiinii maanu qorin ee waanaga halkaasi ku muujinay, wax ay naga hagradeena ma jiraan”

SomlegalAds

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in wadadani ka mid tahay wadooyin badan oo ay caasimadda ka hirgaliyeen, waxaanu yidhi “Madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynuhuba waa masuuliyiintii inoo bilaabay dhismaha wadooyinka, laba qof oo kala duwan maaha madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, waa labadda qof ee hormoodka u ah horumarinta”

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in degmadda Axmed dhagax tahay degmadda ay dhawr waddo ka socdaan, waxaanu yidhi “ aad baan ugu mahadcelinayaa waxgaradka iyo dadka wanaagsan ee sida fiican noola shaqeeya ee ay ka mid yihiin Xildhibaan Nacnac iyo xubnaha kale, dadka qaar baa meelaha la wareega oo yidhaa Axmed Dhagax waxba lagama qaban, Wadadan iyo kuwo kalaba waa laga qabtay, laakiin marka culaysku meel ku wada dhaco oo afar killomitir meel laga wada sameeyo dadku meelaha ka had hadlaan, kuwo kalana waanu wadna oo waanu badinaynaa”

Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Cabdiraxmaan Maxamuud Saylici ayaa si weyn usoo dhoweeyey mashaariicdan laga furiyey caasimadda ee ay waliba hirgalisay dawladda hoose ee Hargeysa.

Saylici oo ka hadlaya sida dawladda hoose ee Hargeysa ugu jirto dadaalka dheeraadka ah ee lagu horumarinayo wadooyinka Caasimadda ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Jidadkani waxay ka mid yihiin jidadka badan ee ay wadaan dawladda hoose ee Hargeysa, waana sida aanu doonaynay, dhamaan magaalooyinka waxay wadaan wadooyin cusub oo aan hore u jirin, waxaana arrimaha aanu u dhiirigalinayno wada shaqaynta dadweynaha iyo dawladda si ay isku kaashadaan”.

Intaas ka dib madaxweyne ku xigeenka iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa waxay kormeer ku tageen waddo kale oo ka socota degmadda Axmed dhagax oo isku xidhi doonta saddex degmo oo kala ah 26 June, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo ka hadlaya jidkan cusub ee saddexda degmo iskaga talaabaysa ee ka socota Axmed dhagax, waxa uu yidhi “ Wadadani waxay ka imanaysa maxkamadaha, toos bay dugsigii Axmed Gurey ugu dhacaysa, halkaasna mid kale ka sii bilaabmaysa, waxaana u soconaysa bari iyo galbeed si jidka weyn ee hal bawlaha ah ee dhakhtarka hormarta saxmadda looga yareeyo, waxayna kala fudeyn doonta wadooyinka caasimadda oo u sahlaysa dadka madaarka tagaya ama dadka ka imanaya ayaa soo mari doonna”

Xildhibaan Axmed Nacnac oo isna wadadan cusub ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweyne ku xigeen meel laba waddo ka socoto oo midna dhamaatay midka socota degmadda Axmed dhagax uun baa jirta ee taasna ha la ogaado”.

Intaas ka dibna madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxay xadhiga ka jareen jid kale oo laga hirgaliyey degmadda 26 june, taas oo isku xidhaysa Goljano iyo Xaafadda Xawaadle ama boqol iyo kontonka.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa ka warbixiyey djidkan iyo kuwo kale ee ay dib samaynta ka wadaan, waxaanu yidhi “maanta waxaanu wadnaa wadooyinkii cusbaa ee xadhiga laga jarayey iyo wadooyinkii hore oo dayactir lagu samaynayo, wadooyinkuna waxay halbawle u yihiin isku socodka dadweynaha, wadadan waxa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa, wasaaradda hawlaha guud oo daamarku soo bixisey, wadadan oo isku xidhi doonta boqol iyo kontanka iyo cusbitaalka, waxa kale oo gabogabo ku dhow hirgelintii qalabkii wadooyinka oo dhowaan hirgali doonta”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa u mahadnaqay golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa iyo maayarka Caasimadda oo uu sheegay inay wadaan horumarinta caasimadda Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo uu hogaaminayo Maayarka Caasimaddu, hawl fiican bay wadaan wayna muuqata, wadooyinkuna waxay ka mid yihiin halbawlaha dadweynaha iyo dhaqdhaqaaqa caasimadaha iyo isku socodka adeegyadda ayey ka mid yihiin, waana ku hambalyeynayaa shaqadda ay wadaan, shacabkana waxaan leeyahay ilaashadda wadooyinkaa la idin sameeyey, shacabkana waan ku hambalyeynayaa ka shacabka ka qaybqaata dhisma wadooyinka”.

Intaas ka dib Maayarka iyo golaha deegaanku waxay kormeer ku tageen wadadda Cabaaye oo dayactir balaadhani ka socdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.